Madaxwaynaha soomaaliya Shiikh Shariif oo diiday inuu Puntland Booqasho Ku yimaado

Madaxwaynaha Dawlada fedraalka  soomaaliya Mudane Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu diiday Inuu Booqasho ku yimaado degaanada uu kataliyo maamul goboleedka Puntland ,

Warar hoosaad ku dhow xafiiska madaxwaynaha ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu ku gacansayray mid kamid ah hawl wadeenadiisa oo u soo jeediyay in uu Madaxwaynuhu Maadaama uu u yahay Madaxwanaha Dalka Soomaaliya oo Idil uu booqasho ku Tago deegaanada Puntland 

Dadweynaha ku nool gobolada Puntland ayaa waxaa ay wax laga xumaado ay ku tilmaameen falkaas uu madaxwaynuhu ku muujiyay inuu u yahay madaxwayne degaano gaar ah 
Developed by Jago Desain