Burcadbadeeda oo afduubtay Markab Laga leeyahay dalka Giriiga

Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa afduub u geystay markab maraayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya kaas oo ah nooca xamuulka.


Markabka ayaa lagu magacaaba MV DOVER,waxaana ka babanaayay calanka dalka Panama balse laga leeyahay dalka Giriiga.

Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxo Burcadbadeed ah ay markabka ka afduubteen agagaarka xeebaha dalka Cumaan.
Markabka ayaa kusii jeeday dalka Yemen,waxaana uu ka yimid dalka Pakistan,mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan afduubka.
Shaqaalaha saaran ama lasocda markabka ayaa tiro ahaan gaaraya 23-qof,waxaana ay u kala dhasheen waddamada Romania,Ruusha iyo Filipin.
Developed by Jago Desain