Dad ku geeriyooday biyo sumeysan gudaha Puntland

Laba ruux ayaa u dhimatay 12 kalena way la ildarran yihiin kaddib markii maanta ay cabeen biyo sumeysan gudaha tuulada Qarxis degmada Eyl ee gobalka Nugaal.
Dhaqaatiir ay wasaaradda caafimaadka ee Puntland u dirtay tuuladaasi si ay xaaladda u soo baaraan ayaa waxay sheegeen in ay mashaqadu ka dhalatay, kaddib markii fuustooyin sumeysan ay dadku biyo ku keydsadeen islamarkaasina ay cabeen.
Cabdi-xakiim oo ka mid ah dhaqaatiirta arrinkan u kuur galay ayaa sheegay in sidoo kale xoolo gaaraya 120 neef oo Ari ay u dhinteen biyahaasi sumeysan ay cabeen.
Waxa uu sheegay in ay ogaadeen fuustooyin cusub oo dhawaan deegaanada Puntland soo gaarey ay 3 ka mid ah sumeysnaayeen, isagoo maamulka ka codsaday in la baaro waxyaabaha ka soo degaya dekadaha Puntland.
Dadka dhibaatadan ka soo gaartay biyahan ay cabeen oo qaarkood maskaxda wax ka gaaray ayaa haatan lagu baxnaaninayaa Isbitaalka Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Ruunyo.com  Ruunyo@live.com 

Developed by Jago Desain