Posts

Beelaha Calbari & Laaso Surad oo Maalintii Sedexaad Shir Uga Socdo Baargaal

Waxaa Maalintii Sedexaad Galay Shirwayniha Guud ee Watatashiga

nabada iyo Horumarinta Beelaha cal-Bari & Laaso Surad , ee ka socda
Degmada baargaal ayadoo maalmihii Shalay ahayd lagu Dhawaaqay Gudiyo
Ka Arimiya Ajindada hortaal Shirka ,
Gudiyadaas lagu Dhawaaqay ayaa kala Ah :
§ Gudiga siyaasada Degaanka CAlbari iyo Laaso Surad
§ Gudiga Horumarinta waxbarashada
§ Gudiga horumarinta Caafiimaadka
§ Gudiga Horumarinta adeegyada Bulshada sida Wadooyinka ,Biyaha Iwm
§ Gudiga wacyi galinta Shacabka
§ Gudiga xalinta khilaafaadka .
Shirwaynaha Wada Tashiga, Nabada & Horumarka ayaa waxaa u dhan
aqoonyahanada, culimada, qurba joogta , oo isugu jira qurbo joogta
maraykanka , Qurbo Joogta yurub , Qurba Joogta , Jaziirada carabta ,
Qurbo joogta Bariga Asia , Ururada Dhalinyarada , Ururada haweenka
Degaanka ,
Shirka ayaa Labadii Maalmood ee Lasoo Dhaafay Ku socday jawi heersare
ah waxaa halkaas ka hadlay Isimo , siyaasiyiin ganacsato abwaano oo
iyagu ku Muujiyay murtidooda ujeedooyinka la isugu yimi shirkaan ,
waxaa sidoo kale ka hadlay ururada dhalinyarada ,kuwa haweenka dhamaan
waxay taabteen sida loogu baahan yahay in laga shaqeeyo horumarinta
adeegyada bulshada sida caafiimaadka ,waxbarashada , wadooyinka,
biyaha , IWM
Developed by Jago Desain