Maanso cusub oo la magac-baxdey Dhisme Culus

Abwaan Xassan Shiikh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaanadii waaweynaa oo ka qeyb qaatey qoristii afsoomaliga sida; Abwaan Siciid Saalax Axmed, Abwaan Cabdulle Raage, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc, Prof. Abwaan Axmed Nuur Aw-Yuusuf, Abwaan Cismaan Aadan Askari, iyo kuwa kaloo badan… Abwaan Xassan Sheekh Muumin oo ah Abwaan Qaran alaha u naxiistee ayaa wuxuu ku geeriyoodey tobaadkan dalka Norway.

Abwaanka alaha u naxariistee ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan ka mid ah macalimiintii dalka Soomaaliya ilaa iyo heerka Jaamacada, wuxuu kaloo macalin ka ahaa kooxda Iftin. Abwaanka ayaa ahaa nin ay umada Soomaaliyeed jecleyd shaqsiyadiisa iyo wadanimada muga weyn uu caanka ku haa.

Lama soo koobi karo heesaha iyo ruwaayadaha abwaanka alaha u naxariistee uu uga tegey umada Soomaaliyeed iyo xikmada ay huwanaayeen, kuwaasoo ahaa kuwo dhaxal gal ah. Hadii aan kasoo qaato waxyar oo aan waligood duugoobin, jiilka maantana ay ku hadal qabtsadaan suugaanta, tixda iyo tiraabka, macnaha iyo miisaan ay huwanaayeen ayaa waxaa ka mid ah:
Ruwaayadii: Shabeel naagood
Ruwaayadii: Caku naag madow, cidlaa ka roon
Heestii caan baxdey ee ahayd
“Waxaan nahay waadiga dugsiyada” Maxamed Mooge Liibaan
“Maskaxdii dunidoo malaasan, muujadaheeda” Xassan Aadan
“Haye Fudud” Axmed Cali Cigaal iyo Hiba Nuura

Waxaa maanta aan la xiriirey Abwaan, Suugaanyahan ka mid ah Suugaanyahanada Soomaaliyeed: Cabdulaahi Lagjar oo halkaan tacsi tiiraanya leh uga diraaya ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Abwaan Xassan Shiikh Muumin. Wuxuu kaloo Abwaan Cabdulaahi Lagjar u hibeynayaa Abwaan Xassan Shiikh Muumin Maanso hal ku dhigeedu yahay Dhisme Culus. Sidaan ayay ku bilaabatey:

Markii geesi dhimashadu
Dharaartiisa noqetee
Halgamaa la dhigo iil
Runta lama dhasiigee
Suugaanta dhummucda leh
Abwaan dhaabadeeyoo
Dhaxal reebay weeyaan

Af-Soomaali dhaladkii
Dhihistiyo qoraalkii
Dhulka hooyo ka hirgalay
Dharaartii la qorayee
Afka lagu dhawaaqaa
Nin waliba dhankiisii
Dhiiri-galin abuuroo
Abwaanadii dhexjoogiyo
Aqoonyahanki dhiidhiyey

Alif la kor dhabey
Alif la hoos dhabey
Waw lagu dheeb
Markii uu SICIID dhahay (Abwaan Siciid Saalax)
Xassan Muumin dhinicii
Isna macalin dhirin-dhiri

Mid kalena bal dheehoo
Bulshada ka dhaadhicin
Wuxuu dhihitin sii yiri
Qalinkaaga ii dhiib
Erayada aan kuu dhigee
Maba aad dhug-dhugatide (a, e, i, o, u: AA, EE, II, OO, UU)

Waa hadal dhameysoo
Lagu dhaafay jahligoo
Loo dhega nuglaadayee
Baal dahab halagu dhigo

Midna waxaad ku dhaqantaa
Kugu dhiiri galiyayee
Dhisme culus ku magacaw
Ama laami dhaadheer

Abwaan Xassan Shiikh Muumuin: Alaha u naxariisto
Developed by Jago Desain