Posts

Qoyskii danishka ahaa oo laga dejiyay Xaafuun

Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, ayaa waxaa laga dejiyay qoyskii danishka ahaa ee ku dhacay gacanyta burcad-badeeda xeebaha Xaafuun ee deegaanka Puntland.Burcad-badeeda ayaa la sheegay in ay ula dhaqmeen qoyskan si ka duwan la haystayaasha kale maadaama ay ku jiraan caruur aan wali xagga reer-galbeedka qaan-gaar aheyn.
Caruurta ayaa lagu kala sheegay Hjalte (15-jir), Naja (13-jir) iyo Rune Quist (17-jir).Isbuucii hore ayay aheyd markii qoyskani ay ku dheceen gacanta burcad-badeeda xilli ay dooni yar ay ku mareyeen badweynta Hindiya.
Waa markii ugu horeysay taariikhda burcad-badeed ay qafaashaan dooni ay caruur saaran tahay, Dowladda Denmark ayaa horay u xaqiijisay in qoyskani kasoo jeedaan dalkeeda.
Ruunyo.com
Developed by Jago Desain