Taakhiida Sports ka somalia

Markii ay ugu soo dhowaatay somaliya bilad olympic waxay ahayd sanadkii 1996 ciyaarihii olympiga ee lagu qabtay magaalada Atlanta ee maraykanka, markaas oo uu orodyahaynka soomaaliga ee Cabdi Bile soo gaaray tartankii kama danbaysta ahaa ee orodka 1500m .

Iyadoo la aasaasay xiriika somaaliyeed ee Olympiga sanadkii 1959 ayey xiriika caalamiga ee ciyaarah olympigu aqoonsadeen sandkii 1972 markaas oo ay soomaliya u surta gashay inay isla sanadkaasba markii u haraysay kasoo qayb gasho ciyaarihii lagu qabanayey magaalada Munich ee dalkii jarmalka galbeed. Fursadaan cusub waxay u saamaxday soomalida inay soo dirsadaan ciyaartooydoodii ciyaaraha fudud kuwoodii u wanaagsanaa kuwaas oo laga xusi karo boodaaga soomaliyeed ee Cabdulle Nuur Waasyge oo booda bootinta dheer iyo tan sareba. Waasuge waxuu sanadkaas muujiyey dadaal iyadoo uu bootinta dheer ku boday 7.35m, halka ninka sanadkaas ku guulaystay billadii dahabka ahayd William Randy ( USA) uu ku buuday 8.24. Ciyaarihii Munich waxaa aad loo xasuustaa weerarkii eey koox falstiiniyiin ahi ku qaadeen kooxdii ka socotay Israel 5 sep 1972, halkaas oo eey ku dileen 9 ciyaartooy markii danbena ragii weerarka soo qaaday ay dileen boliska jarmalku.

Iyadoo markale laga baqaayo weerar la mid amaankana aad loo ilaaliyey olympigii xigay ee lagu qabtay magaalada Montoreal ee Canada 1976, ayaa waxaa sanadkaan halis ku noqday ciyaarah markii ay 24 dal oo isugu jira afrikaan iyo carabian ay ka dareereen ciyaaraha iyagoo sabab uga dhigay dalka New zealand oo diiday inuu xiriika ciyaaraha u jaro dowladii midabtakoorka ee Koofur Afrika taas oo xiriirku mamnuucay kasoo qaybgalkooda ciyaarah. Xilagaan iyo kii xigay ee 1980 ciyaarihii lagu qabtay magaalada Mosko ee midowgii sofiyeeti Somaliya midnaba kama soo qayb gelin, iyadoo Moskona ay qaadaceen wadamo badan oo rer galbeed ah ka dib markii uu madaxwaynihii maraykanku Jimmy Carter kusoo rogay qaadacaad, iyadoo cabasho laaga dhigay qabsashadii ay soofiyeetku qabsadeen dalka Afganistan. Maqnaashaha somaliya lama hubo inuu arimahaas salka ku hayey iyo inay la xiriirtay dalka oo mudadaasba dagaal lagu hoobtay kula jiray dalka aan deriska nahay ee Ethopia.

Waxayse soomalia markale soo xaadirtay madashii ciyaaraha ee Los Angels 1984, oo ay iyadana qaadacen wadamadii shuuciga iygoo aargudsho uga dhigaya tilaabadii uu maraykanka iyo reergalbeedku ka qaadeen mosko. Waqtigaan oo eey ahayd markii eey somaliya ugu tabaabushaha fiicnayd, dhinacyo badan awgood qayb ahaan ciyaartooyda eey soo dirsatay tayadooda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen , Cabdi bile 800m iyo 1500m. Ibraahin Cukaash 400m iyo 800. jamac M. Aden 400m iyo qaarkale oo badan. Ibraahim cukaash ayaa asagu ku orday 400m 47.9 sek. Halka orodyahankii qaatay billadii dahabka ahayd Babers, Alonza ( USA) uu ku cararay 44.2sek. halkaas oo aan ka arki karno in sekano yar uun u dhexeeyeen biladii dahabka iyo Cukaasha. Dhalinyaradan oo waaya argnimo iyo xirfad dheer ah soo kororsatay iyo ciyaaraha oo guud ahaan xiiso badan sii yeelanaayey gudaha somaliya ayaa ka dhagay markaas Ciyaarihii xigay ee seoul 1988 kuwa dad badan oo ciyaaraha xiiseeyaa ay u muuqatay inay tahay markii ay somaliya heli lahayd biladeedii daabka ee u horaysay oo olympic ah.

Orodyahanada sida aadka ah isha loogu haayey waxaa ka mid ahaa halyey cabdi bile oo asigu sanad kahor ku guulaystay rikoor cusubna u dhigay horyaalka aduunka ee 1500m ciyaarihii lagu qabtay septemper 1987 magaalad Rome. Ma ahayn soomalida keliya kuwa ku tilmaamayey in Cabdi yahay musharaxa bilada dahabha orodka 1500 m, ee waxaa kaloo fekradaas qabay kuwa badan oo ka faalooda ciyaarha iyadoo weliba wargayska sportska caanka ku ah ee (Sports Illustrated) uu ku tilmaamay Cabdi bile. “Halyeeyka dhabta ah ee dalka ooman” U ooman biladaha. Taas waxaa sii xoojiyey wacdarihii ay ka dhigeen cabdi bile iyo cukaasha ciyaarihii lagu qabtay laba bilood kahor seoul magaalada Kvarnsveden ee dalka Sweden.

Waxaase lamafilaan ku noqotay markii wax yar ka hor ciyaarihii seoul aay soo baxday in Cabdi bile oo ka haray tartamadaas dhaawac ku soo gaaray isagoo tabarbar ku jira aawgiis. Hase yeeshee waxaa uga qayb galay somalia tartamayaal kale waxaana ugu soo dhowaaday Ibrahim Cukaash oo soo galay kaalinta 8aad orodka 800m, oo uu ku guulaystay orodyahanka kenyanka ah ee paul Ereng. Oo ku orday 1.43.45 daqiiqo. Taas oo la mid ah intuu uu ku orday Cukaasha 800m Kvarnsveden. Orodkii 1500m ee seoulna waxaa biladii dahbka ku guulaystay ordyahnka kale ee reer kenya ee RONO PETER kaas oo ku orday 3 35 96 daqiiqo. Rono wuxuu ku haray wareegii hore ee oradadii lagu qabtay Rome 1987, kuwaas oo uu ku orday cabdi bile 3:35:67 markii uu ku guulaysanayey horyaalka. Cabdi bile waxuu sanad ka dib seoul ku orday 3:30:35, oo ah rikoorkiisa u sareeya ciyaarihii ka dhacay Magaalada Rieti ee talyaaniga 3 september 1989. taas oo waxbadan ka yar rikoorka maantadaanba u yaal olympiga oo ah 3:32:07. Inkastoo la dhahi karo ciyaarihii seoul waxay ahayd fursadii ugu dhpwayd ee somalida hadana halkaas kuma istaagin ee Somalia waxay dadaal ugu sii jirtay sidii ay ku gaari lahayd iyadoo bartilmaameedkii xigayna uu ahaa magaalada barcelona.


Ciyaarhii lagu qabtay Barcelona 5-july ilaa 9-aug 1992 ayaa ku soo beegmay waqti ay soomaliya ka dhacaayeen dagaaladii sokeeye oo ay dadbadan ku hoobteen waxaa yareed cid isku howlaysay ka qayb qaadashadeeda ama la socoshadoodaba maadaama aysan jirin dowlad. Waxaase suura gal ka dhigay in somaliya lagu tiriyo wadamadii ka soo qaybgalay ciyaaraha hal ciyaartooy, oo inkastoo uu markii danbena ka haray tartamada sababo uu ku tilmaamay dhibaatooyin ka soo gaaray qoyskiisa iyo qarabdiisa dagaaladii sokeeye datreed cabdi Bile Cabdi waxa uu soo maray asigoo matalaya dalkiisa xafladii furitaanka. Suaasha lays waydiinaayey waxay markaas ahayd bal sida wax noqn doonaan afarsano ka dib iyo in soamaliya markale soo xaadiri doonto.

Waxaa markaas la´sugu yimid 100 sano kadib markii la bilaabay ciyaaraha olympica casriga ah magaalada atlanta Ee dalka maraykanka. Somaliya waxaa uga soo qayb galay 4 ciyaartooy oo ay ka mid ahayeen cabdi bile iyo Abukar cadani oo orda orodka 10000m. Cabdi bile 34. waxay ahayd olympigii 4aad ee uu kasoo qayb galo oo inkasta oo uu la tartamaayey dhalinyaro ka da´yar hadana waxa uu muujiyey ciyaaraha gudahood iyo mudadii ka horaysayba inuu weli ka mid yahay kuwa ugu fiican uroddada dhexe, isla markaasna weli yahay rajada keliya ee bilad somaliyed. Ka hor olympiga, ciyarihii samadoonka, “ good will games” ee lagu qabtay magaalada st. Ptersberg Russia. Cabdi bile waxuu ku guulaystay billada qalinta oradka 1500, iyo tan dahabka orodka 800m.

Cabdi bile waxa uu ku guulaystay wareegii hore ee isreeb reebka orodka 1500m kaalinta 1aad kooxdii uu u jiray taas oo u saamaxday inuu usoo gudbo semifinalka, oo ay isku koox noqdeen ninka markaas haystay rikoodka dunida ee 1500m Noureddine mercoli ALG. Iyo ninkii ku gulaystay bilada dahanka ee 1500m ciyaarihi barcelona Fermin Cocha SPN. Waxa uu aha semifinal aad u dag oo inta badan ragii usoo baxay finalka ay kasoo baxeen kooxdan. Si sahlan ayuuna cabdi uga soo gudbay oo uu ku yimid tartankii kama danbaysta.

3 aug. 1996 magaalada atlanta ciyaartii kama danbaysta ee 1500m ayaa noqotay mrkii u haraysay taariikhda ee tartan final oo olympic ah somaliya la matalo. Waxayna u jirsatay 3.5bar wax ka yara biladii dahabka. Inta badan masuliyadaas waxay dusha u saarneed cabdi bile 3.5 daqiiqo ee soo socdo. Intii aan laga dhawaajin baaruudii bilowga ayaa la arkaayey isagoo ku jira feker madaxana ku haayey inuu meel dheer gaarsiiyey xirfadiisa iyo dalkiisaba laakiin inay tahay maanta ama abidkeed. Waxaa la yeeriyey astaanta bilowga waxayna orodyahanadu u tartameen hagaanka laakin cabdi waxuu cararaayey gadaal taas oo uu weligiiba yeli jiray, markii la orday 800m ayuu soo galay dhexda, markii ay ka hartay orodka 500m ayuu u dhaqaaqay xagga safka hore markaas oo uu jlbaha dhigtaya ordaaga reer marocco Hicham elgurrouji kaas oo sababay inay ilaa 5 orodyahan kufaan kuna qasbay Cabdi bile inuu ka baxo garoonka. Marcoli oo ka faaidaysanay kufitaanka ayaa baxsaday laakiin cabdi ma harin ee wuu racaay waxauun ku jiray kaalinta labaad ilaa laga soo gaaray 100m ee u danbeeyey markaas oo ay soo yaraanaysay xowligiisii orodka taasoo u suurta gelisay Cocha iyo Kipkarior inay dhaafan waxa uuna galay kaalinat 6aad isagoo ku orday 3:38:03. Orodkiina waxaa ku guulaystay Mercoli Alg 3:35:78 . Kalinta labaadna Cocha Spn 3:36:40. Kaalinta 3ad Kipkarir3:36:72. Waxay ugu muuqatay qof walba inay tahay dhamaadkii xirfadii orodka ee halyeyga dhabta ah ee dalka wali u haraadan biladaha.

Ma jirin wax rajo oo saas u badan dadka ciyaaraha xiiseya markii la soo gaaray ciyaarihii Sydney lagu qabtay sandkii 2000, oo ay somaliyana uga qayb qaadanayeen 2 ordaa, Maxamed Ibraahim Aaden 1500m iyo safiyo Abuukar Aaden 400m ay soo gaari doonto kaalin fiican inkastoo maxamed Ibraahin uu muuqday nin buuxin kara kaalintii cabdi bile, kadib markii wareegii hore ee ciyaaraha uu ku orday 3:40:33 heatkii uu ku jiray, halka ragga u soo baxay semifinlka heatka 2aad, ay dhamaantood ku ordeen waqti intaas ka badan. Orodka 400m gabdhahse sidaas waa ka duwaneed arintu oo Safiya waxay ku ordoday 1:13:25 taas oo noqtay natiijada ugu hoosaysa ee dhamaan dadkii ka soo qaybgalay. Wariye somali ah oo arimaha ciyaarahaas ku qoray shabakada internetka ayaa ku soo gebagebeeyey warbixintiisa. “ ciyaari waa gelin denbe waana inoo somaliya oo nabad ah iyo 2004.” Hase yeeshee waxaa la soo gaaray 2004 somaliya oo aan weli nabad ahayn, welibana madaxii wefdiga somaliya loo diiday inuu ka qayb qaato dhamanta howlaha olympiga. Athens waxaa soomaaliya u tartamaayey laba orodyahayn Fartun abukar Osman 100m iyo Mohamed Hussien Abdulla 400m. Fartun waxay wareegii hore ku oroday 14:29 iyadoo rikoorka olympiga u yaalana uu yahay 10:62. taas oo ku tusinaysa in hadii ay heli lahayd tababar fiican kaas oo ay u muuqatay inaanay helin, in ay lahaan lahay fursad fiican oo ay ku soo gaari lahayd kaalin wanagsan. Hadese waxay weli maraysaa arintu Ciyaari waa gelin danbe iyo somaliya oo nabad ah.

Abdi Bile

Somalia
DATE OF BIRTH
Friday, 28th December 1962
PLACE OF BIRTH
Las Anod, Somalia
EVENT(S):
800m, 1500m
CHAMPIONSHIP PERFORMANCES:
Worlds: 1987 Gold 1500m, 1993 bronze 1500m.
CAREER HIGHLIGHTS: 1500m Gold at 1987 Worlds (result)
Men's 1500m. Final. World Athletics Championships 1987

1. Abdi Bile SOM 3: 36.80
2. Jose Luis Gonzalez ESP 3: 38.03
3. Jim Spivey USA 3: 38.82
4. Joseph Chesire KEN 3: 39.36
5. Omer Khalifa SUD 3: 39.81
6. Jens-Peter Herold GDR 3: 40.14
7. Mike Hillardt AUS 3: 40.23
8. Steve Cram GBR 3: 41.19

Developed by Jago Desain