March 13, 2011

Waa maxay xiiq-dheertu?

Waa maxay xiiq-dheertu?

Xiiq-dheerta, oo loona yaqaanno “whooping cough,” waa cudur la is qaadsiiyo oo ay keento bakteeriya. Waa cudur lagaga hortegi karo tallaal, oo aan halis badan ku hayn carruurta tallaalan iyo dadka waawayn, haseyeeshee khatar culus ku noqon kara dhallaanka yaryar.

Yaa u halis ah xiiq-dheerta?

Qof kastaa waa u halis inuu qaado xiiq-dheer, hayeeshee dhallaanka yaryar iyo carruurta aan tallaalnayni waa kuwa ugu halisaysan in uu ku yimaaddo cudurka xiiq-dheertu, oo khatar geliyo.

Waa maxay astaamaha xiiq-dheertu?

Waxa jira saddex marxaladood ama weji oo ay marto xiiq-dheertu. Wejiga kowaad (oo ah ilaa toddobaad ama laba toddobaad) waxay u bilaabantaa sidii duriga (hargabka), sanka oo qoyanaada, duuf farabadan, hindhiso, waxoogaa yar oo xummad ah, isla
markaana hargabka ayaa sii xumaada. Wejiga labaad wuxuu ka kooban yahay qufac dheer oo aan xejin Karin (paroxymsm), kaasoo marmarka qaarkood qaylo dheer u keeana (yar ahaan dhallaanka) marka uu qofku neefsanayo. Qufacaasi wuxuu keenaa
in qofka naqasku qabto, hunqaaco ama wajigiisu noqdo buluug hawada oo ku yaraatay awgeed. Inta u dhaxaysa qufacyada, qofku wuxuu u muuqdaa inuu fiican yahay. Marka qofku qufaca bilaabo wuxuu noqon karaa si aad u xun, isagoo aan
waxba cuni Karin, cabbi Karin ama neefsan karin. Xilliga dhallaanku waxaa ku dhegi kara naqaska oo suuxaan (inay neefsan kari waayaan) ama/iyo inay dhiig rooraan (jirkooda oo buluug u ekaada). Wejiga qufacu wuxuu socon karaa lix ama
in ka badan oo toddobaad. Wejiga u danbeeyaa waa marka astaamaha cudurka si fiican loo arko oo ah toddobaadyo ama bilo.

Goormaa astaamaha cudurka la arkaa?

Xilliga cudurku soo socdaa waa qiyaastii toddoba ilaa 10 maalmood, waxayse noqon kartaa ilaa 21 maalmood.

Sidee bay xiiq-dheertu u fiddaa?

Bakteeriyada keenta xiiq-dheertu waxay ku noolaataa sanka, afka iyo cunaha, waxaana lagu faafiyaa hawada marka qof bukaa uu hindhiso, qufaco amase hadlo. Dadka u dhow markaasi waxay neefsan karaan jeermiska. Dhallaanku waxay had iyo jeer ka qaadaan xiiq-dheerta carruurta ka waawayn amase waayeelka.

Goorma iyo intee in leeg ayuu qofku faafin karaa cudurka?

Xiiq-dheertu waa cudur la isqaadsiiyo laga bilaabo xilliga hargabkeedu bilaabmo ilaa saddex toddobaad kadib marka hargabkeedu bilaabmay.

Sidee qofka loo baaraa?

Adeege caafimaad wuxuu baaraa xiiq-dheerta isagoo kasoo qaadaaya waxoogaa duuf ah sanka dabadiisa.

Shaybaar ayaa lagu sameeyaa duufkaas.. Xiiq-dheerta way adagtahay in laga baaro dhallinyarada (dada ku dhow qaangaadhka) iyo waayeelka iyadoon la samayn shaybaar waayo cudurku wuxuu isu ekaysiin karaa hargab xun (bronchitis) marka da’ahaas lagu jiro.

Waamaxay dawadiisu?

Xiiq-dheertu malaha dawo. Dhallaanku waxay u baahnaan karaan in isbitaal la dhigo iyo/ama in
la siiyo kaalmo dheeri ah. Antibiyootig way caawisaa in laga hortago in cudurku
faafo oo ay dadka kale qaadaan, waana laga yaabaa inay yarayso khatarnimada
cudurka haddii la siiyo bilowga hore ee cudurka. Haddii qofku la kulmo
bakteeroyada, antibiyootiggu ma joojiyo inuu qofku qaado xiiq-dheerta. Qofka
lagu dawaynayo antiobiyootig waxay qaadsiin karaan dadka kale ilaa 5 maalmood
oo dawada ah la dhammaysto. Qof kasta oo la kulmi kara bakteeriyada waa inla
siiyaa antibiyootig si looga hortago inay qaadsiiyaan cid kale cudurka, haddii
uu ku dhacoba, xitaa hadday tallaalan yihiin. Midda kale, waxaa muhiim ah in
qofku nasto oo dareere badanna cabbo.

Qofka ay hore ugu dhacday ma qaadi karaa mar kale?

Haa. Qof ay hore ugu dhacday mar hore xiiq-dheertu, markale wuu qaadi karaa mustaqbalka.
Lamana oga ilaa iyo inta uu qofku ka nabdoon yahay halista xiiq-dheerta.

Carruurta iyo dadka kale ma in laga joojiyaabaa iskuulka, xannaanada, shaqada iyo
xarakaadka kale hadday qabaan xiiq-dheer?

Haa. Dadka qaba xiiq-dheerta waa in laga joojiyaa dhammaan xarakaadka ilaa shan
cisho oo antibiyootig ah ay dhammaystaan. Dadka qaba xiiq-dheerta ee aan qaadan
antibiyootig waa in laga joojiyaa hawlaha ilaa 21 maalmood lagasoo bilaabo
markuu qufacu ku bilaabmay. Xataa qofkii la kulmay hargabka iiqdheerta waa in
laga joojiyaa hawlaha ilaa uu shan maalmood oo antibiyootig ah dhammaysanayo.

Maxaa la samayn karaa si looga hor tago in cudurka xiiq-dheertu faafo?

Waxa jira tallaalo ka hortaga xiiq-dheerta. Tallaalka xilliga carruurnimo waxaa lala
siiyaa carruurta kan gowracatada iyo teetanada isla mara (waxaa loogu yeedhaa
DTaP). Shan qaybood oo tallaalka ah baa la siiyaa, lagasoo bilaabo markuu
ilmuhu jiro laba bilood, si looga ilaaliya xiiq-dheerta. Tallaalku wuu anfacaa
carruurta badankooda, laakiinse wuxuu marmarka qaarkood jabaa sannado ka dib.
Tallaalka carruurnimo ee DTaP lama siiyo qofkii ah 7 sannadood iyo wixii ka
wayn.

Tallaalka xiiq-dheerta ee dhallinyarada iyo waayeelka qudhiisa waxaa lala bixiyaa
gowracatada iyo teetanada (Tdap). Waxaa dhallinta lagu taliyaa inay helaan qayb
kaliya oo tallaalka ah da’da u dhaxaysa 11 ilaa 12 sannadood si ay uga
badbaadaan xiiq-dheerta.

Waayeelka qudhoodu waa la siiyaa Tdap.
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner