Wasiirka Beeraha ee Dawlada Puntland oo maanta booqday dhismaha Shirkada BARFISCO ( Sawiro )

ENG Maxamuud Saalax  Wasiirka Beeraha  iyo Waraabka  ee Dawlada Puntland oo Ka qaybgalaaya Shirka Wadatashiga Nabada iyo horumarinta Beelaha Calbari ee Ka dhacaaya Magaalada Baargaal ayaa manta  booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Xarunta Shirkada  Kaluunka iyo Koronta Baargaal (Barfisco )
                      
Wasiirka Ayaa waxaa ku weheliyay Booqashada Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee golaha wakiilada Puntland Dr. Salaad Xareed Cali ,

Wasiirka ayaa Booqashadiisa waxay u Badnayd Beerta Shirkada , Taas oo  ay ku beeran yihiin Dhir kala duwan , sida  Timir , qumbe , zaytuun , Qasab , Caws iyo dhir kale oo  badan

Wasiirka ayaa kormeerkiisii looga waramay Dhibaatooyinka  hortaagan Beeraha Degaanka , Sida waraabka , Waxaa kale oo  uu wasiirku iyo gudoomiyuhuba ay kormeer ku tageen qaybaha ay ka kooban tahay shirkada kaluunka iyo korontada Baargaal









Developed by Jago Desain