Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii I-aad

Hadal waa wax uu qofku maalin walba yiraahdo, isla markaasna uu ka maqlo dadka uu la macaamilayo. Wuxuu kamid yahay waxyaabaha aanan weli lagu heshiin in la qeexo. Sababtuna waa howsha qallafsan oo uu ka sameysan yahay. Hadal waa erey caam ah oo aadamigu uu siyaabo badan ugu adeegsado socodsiinta nolol-maalmeedkiisa. Waa wax uu qofku maalin walba yiraahdo isla markaasna dhegeysto. Haddiise si guud loo eego, hadalku waa ereyada ay dadku is-dhaafsadaan.

Xiriirka aadamiga dhex-mara oo u dhaca labo qaab ayaa hadalku wuxuu yahay kiisa lagu magacaabo xiriir-ereyeed (verbal communication). Xiriirka kale waa midka u dhaca si erey-la'aan ah (nonverbal communication). Xiriirkan danbe oo ku yimaada qaabab ka duwan kii hadalka, ayaa kiisa ugu milgaha culus wuxuu yahay midka ay dadku isugu gudbiyaan ogaallada iyaga oo adeegsanaya dareenka, sida jaceylka, naceybka, danqashada, murugada, farxadda, daalka, nasiinada, xanuunka, caafimaadka, diidmada, oggolaanshaha iwm. Ogaallada erey-la'aanta oo ay isu tebiyaan labada qof oo wada-hadlaya waxaa kale oo kamid ah arrimo ku saabsan xiriirka shakhsiyadeed ee ka dhexeeya labada ruux ee wax isu tebinaya. Tusaale, xiriirka saaxiibtinimo, midka cadownimo, kan qallafsan, midka sahlan, digtoonida, guusha, khasaaraha iwm. Waxaa kale oo dareenku uu gudbiyaa ogaallada ay kamidka yihiin da´da qofka, rag iyo dumar wuxuu yahay iyo dabaqadda uu bulshada kaga jiro.

Waxaa jira dad ku howllan aqoonta hadalka iyo afaf-baradka. Dadkaasi waxay isu xil-saareen in ay indha-indheeyaan wejiyada kala duwan ee laga daawan karo hadallada kala duwan ee afafka iyo dhismahooda. Aqoonyahannadaas ayaa waxay hadalka u eegaan si guud (generally) iyo si gaar ahba (specifically). Waxay baaritaan ku sameeyaan sal-dhigyada guud ee lagama maarmaanka u ah ku hadalka afafka (descriptive). Taasi waxay saxdaa in la hubsado jumladda lagu dhawaaqayo ama la qorayo ma saxbaa mase waa khalad, ma mid qurxoon baa mase waa laga qurxoon yahay, ma buuxdaa mase waa dhiman tahay.

Waxaa arrintan hoos yimaada howlo lagu qurxinayo hadalka (prescriptive) oo naxwuhu uu ugu culus yahay. Isla markaas waxay is bar-bar dhigaan hadalka afafka kala duwan (comperative) si ay u raadiyaan meelaha ay isaga eg yihiin iyo meelaha ay ku kala duwan yihiin. Godadka ay indhaha la raacaan waxaa kamid ah qaabka uu hadalku isu soo beddelayay taariikhdii uu soo jirey (diacronic). Tusaale, afka Giriigga iyo taariikhdiisa. Waxaa kale oo ay eegaan is-beddelka ku dhaca hadalka muddo kamid ah taariikhda (sincronic). Tusaale, is-beddelkii ku dhacay afka Giriigga muddadii u dhexaysay sanadihii 1500 iyo 2000.

Aqoonta teeda u kuur-gasha wejiyada hadalku leeyahay iyo taariikhihiisa, waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay aqoon laamo badan oo is-biirsatay. Waxaa kamid ah :

1) Etymology : Waa aqoonta dabagalka ku sameysa asalka ereyga iyo is-beddelka ku dhacay. Maadaama aqoontani ay ka hadleyso taariikh hore, ayaa waxaa la raaciyaa hannaanka lagu magacaabo diacronic. Jadwalka ay leedahayna waa sidan :


ereyga - macnihiisa - is-beddelka ku yimid.


2) Fonetic : Waa aqoonta eegta codadka dhisa hadalka. Maadaama hadalku uu ka dhisan yahay cod afka ka soo baxaya, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in loo kuur-galo midab-dhawaaqa kala duwan ee codku leeyahay. Taasi waxay kaalmo ka geysataa hagaagsanaanta garashada ereyga la agaasimay ee afka ka soo baxaya iyo weliba qormadiisa. Maadaama aqoontani ay ku howlan tahay dabagalka codadka ay hadallada kala duwan leeyihiin, waxaa la raacin karaa hannaanka lagu magacaabo sincronic. Waxaase dhici karta in la raacsho hannaanka diacronic, haddii la dabagalo sida uu codka isu soo beddelayey taariikhda.

Waxaa aqoontan hoos yimaada Fonology, oo ah in la barto cod uu leeyahay hadal kamid ah afafka dunida looga hadlo. Tusaale, qofka shisheeyaha ah oo doonaya in uu barto af-soomaaliga, marka hore wuxuu ogaanayaa in afkayagu leeyahay xarafka (D), oo uu kamid yahay alif-ba'deena. Dabadeed markii uu ereyo af-soomaali ah barto, haddii uusan si sax ah u ogaan in af-soomaaligu leeyahay saddex (D), waxaa ku adkaanaya hadalkii iyo fahamkiisii (D- fudud, D- culus iyo D- laban-laaban). Tusaale, eeg xarafka Da'da ah ee hoos ka xariiqan :


(D) - fudud : adiga ma akhriday buugii buuggii Daahir.


(D) - culus : buugii buuggii Daahir ee doraato.


(D) - laban-laaban : Maaddadii ku tiil.

Fonem, ayaa iyaduna aqoontan hoos timaada. Waxay baadi-goobtaa xubinta ugu yar oo hadal ah, taas oo ereyga la leeyahay ku kordhineysa macne. Tusaale, ereyga (Naag) markii la raacsho xarafka (O), wuxuu noqonayaa Naago. Halkaas, macnihii hore oo keli ahaa wuxuu isu rogey wadar.

3) Morphology : Waa aqoonta lagu eego sida uu ereygu isu rog-rogo. Taasina waxaa u sabab noqda xaaladda iyo xilliga laga hadlayo. Aqoontan ayaa waxay isha la raacdaa ereyo gaar ah, sida ereyga magaca ah (substantive), falka (verb) iyo tilmaamaha (adjective).

4) Pragmatic : Waa aqoon cusub oo qiimeynteedu ay soo if-baxday tobankii sano ee ugu danbeeyay. Waxay eegtaa, qaabka hadalka (afka) loo adeegsanayo. Waxaa kale oo ay shaandheysaa ujeeddada laga leeyahay ereyada la oranayo. Tusaale, markii qof la weydiiyo su'aasha ah :

Saacad ma sidataa ?


Sida tooska ah waxaa loo fahmayaa in la doonayo oo keliya in la ogaado in qofkan lala hadlayo uu saacad wato. Waxaase aanan shaki ku jirin oo su'aasha laga garanayaa, qofka su'aasha soo jeediyay in uu doonayo in uu ogaado inta uu wakhtigu yahay.

5) Semantic : Waa aqoonta lagu eego macnaha uu eraygu gudanayo. Aqoontan waxay dabagashaa oo ay sarriftaa ereyada. Tusaale, ereyga Dad, markii la sarrifo waxaa laga helayaa rag iyo dumar. Sidaa darteed, haddii uusan ereygu caddeyn wuxuu sabab u noqon karaa garasho gurracan oo ka duwan kuu doonayay qofkii uu ereygu ka soo yeeray.

6) Syntex : Waa aqoon lagu eego taxanaha ereyada si ay u dhisaan jumlad gudaneysa macne buuxa. Tusaale, haddii qof yiraahdo Anigu waxaan akhriyay maqaalkii wargeyska. Aqoonta Syntex-ka waxay baartaa meesha uu saaran yahay culeyska ogaalka la doonayo in jumlada lagala baxo. Ma falaha oo qofka hadlayaa, mase waa falka oo akhriska ah, mase waa lagu falaha oo maqaalka qudhiisa ah.

Hadalku wuxuu door ka cayaaraa tayada qofku leeyahay. Bulshooyinka aadamiga waxaa weligood u caado ahayd in ay xushmeeyaan qofka hadal-yaqaanka ah. Waxaa la ogsoon yahay in codkarnimadu ay xoog u yeesho qofka masuulka ah oo bulshada wax ka hoggaaminaya. Taariikhda aadamiga waxaa ku badan hoggaamiyayaal hadal-yaqaan ah, kuwaas oo ereyadii xikmadda lahaa oo ay ku hadleen, qowmiyad walba inta afkooda u rogteen ay caruurtooda baraan. Marka laga gudbo qof la-hadalka, ereyada ka soo yeera dadka madaxda ah ee garaadka korran leh iyo abwaanada ayaa waxay daaha ka qaadaan xaaladaha qarsoon oo ay bulshadu ku sugan tahay, kuwaas oo dadka caamada ah aanan si sahlan ugu muuqan karin. Xaaladaha muuqdana waa ay sii bidhaamiyaan.

Hadal keligiis isma taagi karo oo wax macna ah yeelan maayo haddii uusan la socon qalab maqal oo weheliya qofka dhegeystaha ah, iyo weliba maskax caafimaad qabta oo rog-rogta macnaha ay yeelan karaan ereyadii lagu hadlay, dabadeedna diyaarisa jawaabtii kaga habooneyd hadalkii la yiri. Falka hadalka ah iyo midka maqalka baa waxay yihiin labo hawlood oo is-buuxiya, kuwaas oo wada-jirkoodu uu ka unkamo qaabka ugu fudud oo uu aadamuhu ku xiriiro.

Hadalku maahan wax macno la´aan iska soo baxa. Qofka hadlaya wuxuu u baahan yahay xaalad ku habboon in uu hadlo. Isla markaas waa in uu leeyahay garasho iyo khibrad u saldhig ah mowduuca uu kaga jawaabayo xaaladda hadalka. Maskaxdu waa xarunta dejisa qorshaha hadalku ku socdo iyo ereyada laga xulanayo hadlka la oranayo. Isla markaas maskaxdu waxay danqisaa xubnaha ka qeyb-qaata abuurka hadalka. Hadalka waxaa loo kaashadaa in qofka uu habeysto aqoontiisa iyo fikradihiisa (Intraindividuell) iyo in uu la xiriiro dadka uu la nool yahay (Interindividuell).

Dhamaan diimihii cirka ka soo degey (Yuhuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka) waxay xuseen sheekada ku saabsan qoyskii ugu horeeyay ee dhulka lagu dul uumey, kaas oo ka koobnaa Aadam iyo Xaawo. Kutubtaasi waxaa ay sheegeen in labadaas qof ay hadli jireen. Wakhtiga oo fog aw-giis ayaanan suurogal ahayn, wax intaa dhaafsiisan oo raad ah in laga helo. Isla markaasna waxaa aanan sahlaneyn in la haleelo qiyaas iyo mala awaalid lagu tiigsado garashada ah sidii uu hadalku ku bilowday.

Waxaa jira aqoonyahanno aan diimaha rumeyn oo isku deya in ay taariikhdan wax ka xusaan. Arimaha ay ku doodaan waxaa kamid ah in dadka aanan la uumin iyaga oo hadlaya, balse si tartiib ah oo heerar taariikheed leh uu hadalku ku yimid. Taasina waxay u markhaati-gashtaan ilmaha oo dhasha iyaga oo aanan wax hadal ah aqoon. Aqoonyahannadaas ayaa waxay sheegaan in Aadam howshii ugu horeysay ee uu dhulka ka qabto ay ahayd in uu magacyo u sameeyo xoolihii, dhirtii iyo walxihii kale ee ku hareereysnaa. (Språken och Historien. Tore Janson. 1997. p. 1)

Aayadda 31-aad, suuradda Al-Baqara ayaa si qayaxan u diideysa arintan. Aayaddu waxay tilmaameysaa in Aadam, uumistii dabadeed, loo yeelay aqoon buuxda oo uu u kaashado nolosha dhulka. Aqoontaasi oo sida aayaddu xustay ahayd magacyada
walxaha ayaa culimada qaar ku fasiraan in magacyo keliya eeyan ahayn, balse ay wehelisay aqoon qeexeysa walxihii magacyadooda la barey. Aayaddu waxay oraneysaa sidan :


" Eebe wuxuu baray Aadam magacyada dhammaan, markaasuu u bandhigay malaa´igta ……………''


Aqoonyahannada u kuur-gala noloshii iyo dhaqamadii jirey taariikhaha fog Archaeologists, ayaa isku deyay in ay wax ka ogaadaan taariikhda hadalka. Waxay ururiyeen qoraallo iyo sawirro ku yaalla dhagxan iyo lafo da'weyn, kuwaas oo xilliyo kala duwan ay dad hore ka tageen. Qoraalladaas ayaa waxaa laga ogaaday, aadamigu, afartankii kun ee sano oo u dambeeyey in ay lahaayeen hadal aanan wax badan ka duwaneyn kan maanta lagu hadlo. Muddadii xilliyadaas ka horeysay waxaa la mala-awaalayaa in eeyan dadku nolosha u adeegsan jirin qalab badan oo ay farsameysteen, kuwaas oo sameyntooda, magac u-bixintooda, qeexiddooda iyo adeegsigoodaba ay keeni karayeen hal-abuur magacyo badan oo ku soo kordha afkii ay ku hadlayeen. Dabadeed waxaa halkaas ka dhalan karey hadal badan. Sidaa darteed waxaa la qiyaasayaa in hadalkii xilliyadaas jirey uu ka tayo liitay afafka maanta lagu hadlo. Muddo laga joogo 40.000 oo sano, waxaa la qiyaasayaa dadkii dunida ku noolaa in tiradoodu ay dhameyd 70.000 oo qof. Tiradaas yar ayaa waxay reebeysaa in eeyan jiri karin wax ka badan 20 af oo kala duwan. Wixii muddadaas ka dambeeyay, tirada iyo tayada afafku waa ay sii kordhayeen.

Raad uu qof kasta ku kalsoonaan karo oo taariikhda hadalka ah ayaa waxaa reebey dadyowgii qoraalka bilaabay. Muddo 5.000-6.000 oo sano laga joogo ayaa dadkii reer Sumeeri ay ku guuleysteen in ay shaxnaan alif-ba’ ay wax ku qortaan. Dadkaasi oo ku noolaa labada webi (Dejla iyo Furaat) dhexdooda, ayaa ilbaxnimadoodii eeyan raagin. Inkasta oo muddadii ay alif-ba’dani nooleyd (shaqeysey) lagu qiyaasay 200 oo sano, misana waxay raad ku lahayd inta badan xarfaha qoran kuwooda ugu da'da weyn, sida fartii ay shaxneen Giriiggii hore iyo tii Carabtii hore. Qoraaladaas oo wax badan ay inaga soo gaareen ayaa waxaa ku xusan wax badan oo kamid ah hadalladii bulshooyinkaas iyo dhaqamadoodii. Hadalladaas ayaa waxay u qaab eg-yihiin kuwa maanta lagu hadlo.


Dr. Saadiq Enow
Developed by Jago Desain