Dawlada Puntland oo ka hadashay dilalkii ka dhacay Garowe iyo Boosaaso

iyadoo xalay iyo shalayba siyaabo isxigxiga magaalooyinka Garowe iyo
Boosaaso ay uga dhaceen dilal qorshaysan oo ay dad farabadani ku
nafwaayeen ayaa maanta waxaa arrinkaasi si kooban uga hadlay Wasiirka
Amniga Dawlada Puntland.Wasiirka amniga ee dowlada Puntland Gen, Yusuf Axmed Khayr ayaa ka
tacsiyeeyay Dilalkii ka dhacay magaaloyinka Garowe iyo Boosaaso wuxuu
sheegay in dilalkaasi ay ka dambeeyeen kooxo cadaw ku ag Deganaasha
Puntland.

Wasiirka amniga Dawlada Puntland wuxuu sheegay ciidamada Amniga in ay
aqoonsadeenkooxdii ka dambeeyay Dilkii amagaalada Garowe ka dhacay ee lala eegtay Maxamed Yaasiin Ciise oo loo yaqiin Ilkacase wuxuuna sidoo
kale wasiirku sheegay xilliyada inagu soo aadan in ay boolisku gacanta
ku soo dhigi doonaan si sharciga loo horkeeno.

Wasiirka amniga dawlada Puntland Gen, Yuusuf Axmed Khayr ayaa dilalka
boosaaso iyo Gaalkacyo in ay noqdeen kuwo xawaare sare ku soconaya
islamarkaana ay fulinayaan dad dano gaar ah ka leh khalkhalinta
Degenaasha Puntlans islamarkaana ku dhuumaalaysanaya magaaloyinka
gudahooda.

“dadaal gaar ah ayaanu ku bixinaynaa soo qabashada kooxahan inkastoo
aanu horay wax badan uga qabanay kooxaha ka shaqeeya khalkhalinta iyo
cabsigalinta shacabka ,waxaana jiri doona hawgalo aanu ku dabagalayno
dadka fikirka khaldan leh ee danaynaya in ay sumacada deegaanka iyo
dadkaba hoos u dhigaan" Wasiirka amniga ee dowlada Puntland Gen,
Yusuf Axmed Khayr.

Haadlka Wasiirka amniga ee dowlada Puntland Gen, Yusuf Axmed Khayr
ayaa ku soo aaday xilli ay wali jirto hadalhaynta shacaka ee ku aadan
dilalka qorshaysan ee ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Developed by Jago Desain