BAARGAAL OO NOQOTAY MAGAALO DHISANTAY DIYAARNA U AH INAY NOQOTO CAASIMAD

Magaalada Baargaal Hada Waxaa La dhihi Karaa waa Caasimada aan wali la Hirgalin ama aan la ansixin Ayadoo buuxisay dhamaan shuruudaha Caasimadnimo Ama Gobol

Tan iyo todobadkan ayaan aad ugu kuur galay sida ay u horumartay degamada Baargaal waxaana ii soo baxay sawir aad u qurux badan.
waxay degmadu yeelatay dhulka tacliinta lagu barto , dugsiyada hoose, kuwa dhexe, Waxaa kaloo degmada ka hirgalay dugsiyada caruurta lagu xanaaneeyo oo Carabiga iyo quraanka Kariimka lagu baro ,

Degmada Baargaal ayaa waxa laga sameeyay huteelo dalxiisa oo dadka loogu talo galay inay ku nastaan kana helaan cunto iyo adeegyada kale ee dalxiisku u baahan yahay.

Isgaarsiinta casriga ah , Korontada oo Wakhtigii loo baahdoba la heli karo , Guryaha oo Badi Biyo La galiyay Adeega internet-ka , Taleefanada Line land Ka , Gsm Services ,

Dhamaanba bilicda magaalada ayaa aad kuu soo jiidanaysa markaad dhex marto suuqyada iyo xarumaha xafiisyada Shirkadaha .

hadaba su,aashu waxay tahay maadaama degmada Baargaal ay noqotay magaalo la tartamaysa Boosaaso oo ay yeelatay dhamaan adeega loo baahan yahay , Maamulka Ras casayr looga Dhawaaqay Ma u aqoonsandoonaan oo Maka Dhigi Doonaan Caasimadooda ay xarumaha Dawlada Ka hirgaliyaan ,
Mise sida laga dareemaayo hadaladooda waxay Caasimad iyo xarunba u Wadaan Caluula

Waa xaqiiq in Maamulka Looga Dhawaaqay Caluula ay godobwayn ka galeen magaalada Baargaal oo ah mid u qalanta caasimad gobol inay diidmo qayaxan ka horkeeneen.

Hadaba miyaanay shacbiga Degmada Baargaal la qumanayn inay dhinac kale ka eegaan arinka ayagoo dhinaca Maamulka Puntland bal rajo ka daya inay KA HELAAN GOBOLNIMADA AY rabeen markii hore balse nimankaasi ka kharibeen , 

Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain