Dad ku dhintay Mudaharaad lagu taageerayo Shirkii Nairobi oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee xarunta gobalka Banaadir ka dhacay mudaharaad lagu taageerayo natiijooyinkii kasoo baxay shirkii todobaadkan ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Dadka isugu soo baxay nawaaxiga Xarunta Baarlamaankii hore ee Muqdisho, ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayaan shirkii wadatashiga Soomaalida ee 12kii iyo 13kii bishan April ka dhacay magaalada Nairobi, shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay Dadkan oo socod kusoo maray wadooyinka magaalada Muqdisho ayay ka hortageen ciidamada maamulka Gobalka Banaadir kuwaasi oo rasaas ku furay dadkii halkaasi isugu soo baxay, waxaana la xaqiijiyey in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen rasaastaasi.

Waa markii ugu horeysay oo banaanbax lagu taageerayo Shirkii Nairobi uu ka dhaco magaalada Muqdisho, ayadoo xubno ka tirsan dowlad FKMG ay sheegeen in banaanbaxan uu ahaa mid sharci daro ah, walow dadka banaanbaxyey ay ahaayeen kuwo aan hubeysneyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Banaadir ayaa ku eedeeyey Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xassan, iyo waliba Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Dheere iney ayadu ka danbeeyeen oo ay soo abaabuleen banaanbaxan maanta ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Kumeel Gaarka ayaa ayagu qaadacay isla markaana cambaareeyey shirkii Nairobi ka dhacay, ayagoo ku tilmaamay shirkaasi mid aan dan ugu jirin ummada Soomaaliyeed. Weerarka ay ciidamada Dowlada maanta la beegsadeen shacabka ku mudaharaadyaye Muqdisho ayaa noqon kara waji gabax siyaasadeed oo saameyn ku yeesha sumcada dowlada maadaama rasaasta lala beegsaday dad aan hubeysneyn oo ayagu fikir ahaan taageersan shirkii Wadatashiga ee ka dhacay Nairobi.

Wararka kale ayaa sheegaya in rasaasta bilaabatay kadib markii ciidamo illaalinayey dadkii banaanbaxayey ay isku dhaceen ciidamada ka socday maamulka Gobalka Banaadir.
Developed by Jago Desain