Dagaalo U dhexeeya Beelo Wada Dega oo Saakay Ka Qarxay Gobolka Mudug

Baargaal.net | Galkacayo  Dagaaladaan u dhexeeya dad wada dega deegaanka Bacaadwayn ee Gobalka Mudug ayaa abaarihii saaka ka qarxay deegaanka Bacaadwayn halkaas oo ay wararkku sheegayaanin ay ku dhinteen inta la ogyahay 4 ruux halka tiro intaas ka badana ay ku Dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Bacaadwayn iyo tuulada Wabaale ayaa sheegaya in ay halkaas ka socdaan dadaal ay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay wadaan islamarkaasna ay gudi u direen goobihii ay dagaaladu saaka ka qarxeen. Isbitaalka guud ee Magaalada Galkacyo ayaa la sheegay in la keenay dhoor qof oo dhaawac ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Bacaadwayn ee gobalka Mudug halkaas oo lagu dibiibayo dhawacyadaas. Dagaalkaas ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dagaalo dhawaan ka dhacay deegaanka oo u dhexeeyey beelo wada dagga deegaankaas ay saaka dagaaladu ku dhexmareen maleeshiyaad beeloodyo kala taabacsanaan labada beelood ee horay halkaas ugu dagaalamay sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan deegaanka Bacaadwayn ee Gobalka Mudug.

Wixii Soo cusboonaada Kala Soco

Baargaal.Net
Baargaal@webmaster.net

Developed by Jago Desain