Garoowe: Sarkaal ka tirsan PDRC oo la dilay

Sarkaal ka tirsanaan Hay’adda PDRC ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Marxuum Max’ed Yaasiin Ciise Ilkacase ayaa lagu soo waramayaa in uu dilay nin ku hubeysan bistoolad, xilli uu ka soo baxay xarunta Hay’adaasi ay ku leedahay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Wararka aanu haleyno waxa ay tilmaamayaan in uu goobta ka baxsaday ninkii ka dambeeyey dilka sargaalkaasi ka tirsanaa Hay’adda PDRC oo qaabilsanayd dhanka ammaanka.

Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay kuwaasi oo wada baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyey falkaasi dilka ah.
Developed by Jago Desain