Golis Baargaal : Magaalooyinka Gunbax , Taageer iyo Muudiye oo Si toosa looga Hirgalinaayo Adeega Mobile-ka

Shirkada isgaarsiinta Ee GOLIS Telecommunication ayaa waxay kamid tahay shirkadaha ugu waawayn isgaarsiinta ee dalka soomaaliya haatan ka jira
Shirkada Golis ayaa waxay ku leedhay xarumo badan dhuka kaleexsan laamiga ee dhinaca bari xarumahaas xarunta ugu wayna waxay shirkaddu ku leedahay magaalada baargaal
xarunta shirkadda ee baargaal waxaa la hirgeliyey sanadkii 2008 waxayna u fiday xaruntu dhinac kasta waxaa hoos yimaada

Taawarada Timirshe, Dooxawaylood,Xoogaad iyo Raascasayr waxaa kale oo hoostaga branch-yada Gunbax Hurdiye, Taageer, iyo Waadikheer

waxay shirkaddu bixisaa adeegyo kaladuwan sida adeega GSM oo loo isticmaalo talefoonka gacanta land-laneka internetka iyo weliba adeega loo wada Riyaaqay ee SAHAL
Maamulaha shirkadda Golis Baargaal Mudane Bootaan Muuse Maxamed oo u waramayey Shabakada BAARGAAL.NET Ayaa Sheegay in Ay Shirkadu Wado inay sanadkan 20011ka barnaamijyo ku aadan in adeega casriga ah ee looyaqaan Mobileka ay gaarsiiso magaalooyinka Gunbax Taageer iyo Muudiye , deegaanasaadi oo aanay shirkadu horay ugashaqaynjirin dhanka Mobileka

Masuuliyiinta shirkada GOLIS Baargaal oo uu hogaaminayo Maamulha shirkada GOLIS Baargaal Mudane Bootaan Muuse Maxamed iyo madaxa engineering-ga Golis Baargaal Eng .Cabdi Shabeelo ayaa dhawaan safar kutagay Degaamadaas waxayna soo sahamiyeen meelaha uhaboon oo ladhigi karo taawarka, masuuliyiinta ayaa degaamadaas si aada loogu soo dhaweeyay iyadoo masuuliyiintu ay aad ugu farxeen sida bulshadarMagaalooyinkaas ay ugu faraxsanyihiin in ay helaan adeega casriga ah Ee Mobileka .


Safarkii hore oo ahaa sahmin ayaa soo dhamaaday iyadoo Hada ay si toos ah u bilaabatay hawlihii xirida anteenada,Degmada Baargaal ayaa waxaa ay ka mid tahay Degaamada sida aadka ah looga Isticmaalo Adeegyada Shirkada Golis

NB:- Waxaad Ka waci Kartaan Xarunta Golis ee Degmada Baargaal
Tell Ka ah :- 811200 /


Developed by Jago Desain