April 16, 2008

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY- Q-2 3 , 4 ,5, 6,aad

SHARE
Adeer ! ciidamadii Burtuqiiska duulaankoodii ayay wadeen, iyaga oo raacayay xeebta bad-waynta Hindiya. Waxay gaareen magaaladii Xamar oo sidii kuwii ka horeeyay ay u galeen. Copland oo arintaas xusay ayaa wuxuu qoray sidatan:

" Dabadeed waxay u gudbeen Xamar, oo sida la´ogyahay ahayd magaalada ugu camiran, ugu taajirsan uguna ciidan adag marka la´eego magaalooyinkii ku yiil xeebaha bariga Afrika. Waxaa xeebta Xamar ka buuxay ciidamo ay badankoodu fardo saarraayeen. Shaki kuma jiro dhibaatadii Baraawe gaartay mid aanan ka yarayn in ay Xamarna taabatay ".

Sidaas baa magaaladii Xamar iyo dadkeedii ay qayb uga heleen halaagii soo gaaray dayowgii ku noolaa xeebaha bariga badwaynta Hindiya. Dadkii magaalada ku noolaa waa ay ka qaxeen, hantidoodiina wax la dhaco iyo wax la gubo ayaa laga yeelay. Adeerow ogow oo maahayn marka keliya ee magaalada Xamar iyo dadkeeda uu ku habsado halaaga noocaas ah.

Burtuqiisku waxay dabkoodii gaarsiiyeen degmooyin ay kamid ahaayeen Xaafuun, Suqadara iyo Cadan. Magaalooyinkaas oo dhamaantood ahaa kuwo aad u camiran ayay dab qabad siiyeen, dadkoodiina ay qaxooti ka dhigeen. Ciidamadaasi waxay raadinayeen waddo cusub oo loo adeegsado ganacsiga ka dhaxeeya qaaradaha Aasiya iyo Yurub, taas oo loolan la gasha Waddada Xariirta. Sababaha ciidamada Burtuqiisku ay degmooyinka xeebaha ah la gubayeen waxay ahayd in maraakiibta ganacsiga ee ka soo weecanayay hirarka qallafsan oo ay cimilada baduhu leeyihiin (gaar ahaan cimilada bad-waynta Hindiya), ay amaan ku maraan biyaha xeebaha dhulka u dhow. Adeerow ogow oo siyaasaddaas illaa maanta waa jidhaa oo waa tan dalalka ay Soomaaliya kamid tahay loogu tilmaamay argagixiso iyada oo ay ujeeddadu tahay in la bannaysto adeegsiga badahooda.


Waxaa in la xuso mudan Waddada Xariirta The Silk Road oo ahyad mid horay u jirtay ayaa xilligii qarniyadii dhexe waxaa gacanta ku hayay dadyowgii reer Venetia ee degganaa waqooyiga dalka Talyaaniga. Waddadaas oo markeedii hore ku bilaabatay adeegsi siyaasad iyo mid ciidan ayaa goor dambe waxay isku beddeshay mid ganacsi. Adeerow waxaad ogaataa in adeegsiga waddadaasi ay bilaabatay qarnigii 2-aad c.h. xilligaas oo dhulka shiinaha ay ka jirtay boqortooyo hanaqaad ah oo gaamurtay, dadkeedase kula kici jidhay gabood fal badan. Boqortooyadaas oo magaceedu ahaa Xiongnu ayaa waxay caadaysatay in ay gulufyo colaadeed u dunto umadihii la deriska ahaa oo ay ka itaalka roonayd. Ujeeddadu waxay ahayd boob iyo bililiqaysi. Sanadkii 206-aad c.h. ayaa bariga Shiinaha waxaa ka unkamay maamulkii boqortooyadii la oran jiray Han. Nin la yiraahdo Wudi oo kamid ahaa boqorradii reer Han ayaa waxaa wal-wal ku abuuray fara-gelinta ay maamulkiisa ku hayeen boqortooyada ka xoogga badan ee Xiongnu. Wuxuu ergey u dirsaday dadyowgii ku noolaa bartamaha Aasiya si ay isga-kaashadaan dulmiga reer Xiongnu. Ergeygii la diray oo magaciisa la oran jiray Zhang Qian ayaa socod badan ku maray degaamadaas, kaas oo ujeedadiisu ahayd in uu gaarsiiyo maamulladii halkaas ka jiray fariintii boqorkiisa. Inkasta oo Zhang Qian uu ku hungoobay risaaladii uu siday misana dadaal uma yarayn. Sababta uu hiilka u waayay waxay ahayd dadyowga uu u tegay oo ku qanacsanaa noloshii ay markaas haysteen.

Adeerow sidii ay reer Han ka cabsi qabeen, ciidamadii reer Xiongnu ayaa ku soo duulay degaamadoodii. Taariikhdu waxay xustay Zhang Qian in nolol lagu qabtay. Dabadeedna uu 10 sano xabsi ku jiray. Kadib markii uu soo baxsaday ayuu Zhang Qian wuxuu ku soo laabtay degaankii Aasiyada dhexe iyo dhulkii uu horay u maray. Halkaas ayuu ka bilaabay ganacsi, maadaama uu degaamada horay u yiqiin. Ninkaasi, shaygii ugu horeeyay ee uu ka ganacsan jiray waxay ahayd xariirta. Inkasta oo dhulka uu aad u kala fogaa, misana waxaa degaankaas soo gaari jiray ciidamadii Beershiyaanka iyo kuwii Roomanka. Dadka Shiinaha ah waxay ahaayeen kuwo ku horeeyay farsamada xariirta, taas oo aqoonteeda ay ku yarayd umadihii kale. Sidaa darteed ayaa ganacsigii xariirta waxaa xiiseeyay dadyowgii reer Beershiya iyo kuwii Roomanka oo ahaa labo ilbaxnimo ee deris ah, xuduudna w! ! adaaga. Sidaasna waxaa ku furmay waddo lagaga ganacsado xariirtii laga keenayay Shiinaha. Markii ay soo if-baxaday baahida xariirta looga qabo bartamaha iyo galbeedka qaaradda Aasiya, geddisley badan ayaa bilaabay in ay ka ganacsadaan xariirtii Shiinaha. Sidaas bayna ku bilaabatay waddadii, sanadaha badan, halbowlaha u ahayd ganacsiga adduunka intaanay waddooyinka baduhu furmin. In kasta oo waddadii ay qaadatay magaca xariirta, misana markii ay hanaqaad noqotay waxaa mari jiray ganacsi noocyo badan leh.Waxaa in laxuso mudan in geela uu ahaa gaadiidka qura oo ay ganacsatadu adeegsan jireen. Waddadaas oo ahayd mid cabsi badan, ganacsiga marayana uu halis u ahaa in la dhaco ayaa ganacsatadii mari jirtay waxay hadba isu ekaysiin jireen degaanka ay marayeen dadkii ku noolaa. Degaan walbana waxaa jiray dad ay ganacsatadu xiriir la lahaayeen, kuwaas oo laaluush qaadan jiray, sidaasna ay ku hor kici jireen illaa ay ka gudbiyaan xadka degaanka ay u dhasheen. Adeerow waddadu waxay ku dhamaan jirtay labo degmo oo ay midi tahay degmada Xi´an oo ku taal galbeedka Shiinaha, halkaas oo ay ka curatay ilbaxnimadii Shiinaha ee hore. Midda kalena waa degmada New Delhi oo ku taal waqooyiga Hindiya, oo iyana ah halkii ay ka curatay ilbaxnimadii Hindiya. Waddadu waxay sii mari jidhay degmooyin ay umado kala duwan lahaayeen, waxayna ahayd sidatan :

1. Venetia (Itaaliya), Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya), Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan), Mashahad (Kasaakhistaan), Al-ma´ta (Kasaakhistaan), Urumqi (Shiino), Duhhuang (Shiino), Yumen (Shiino), Lanzhou (Shiino), Xi´an (Shiino).

2. Venetia (Itaaliya), Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya), Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan), Mashahad (Kasaakhistaan), Kashbagar (Shiino), Aksu (Shiino), Korla (Shiino), Dunhuang (Shiino), Jiayuguan (Shiino), Lanzhou (Shiino), Xi´an (Shiino).

3. Venetia (Itaaliya), Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya), Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan), Mashahad, Lahore (Bakistaan), New Delhi (Hindiya).

Adeerow waxaad ogaataa, dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caalamiga ahaa ee adeegsanayay waddadaasi in uu ahaa mid marna taariikhda ka muuqda marna ka maqnaada. Dadka adeegsanayay iyo waxyaabaha ay is-dhaafsanayeena, taariikhda waa ay ku kala duwanaayeen. Bilowgii qarniyadii dhexe waxaa waddada adeegsanayay ganacsato ah reer Venetia. Dadkaasi waxay lahaayeen nadaam ay isku maamulayeen, kaas oo ka haray hanaankii siyaasadeed oo ay lahayd boqortooyadii Roomanka, wakhti uu raadkii boqortooyadaasi, muddo 400 oo sano ah, ka maqnaa dunida guudkeeda. Waxay ahaayeen maamulka qura ee ka haray Roman Empire ee xilligaas taagnaa. Dadyowgii reer Yurub waxay wakhtigaas ku jireen xilliyadii mugdiga The Dark Ages. Arintaasi ayaa magaalada Venetia waxay siisay fursad ah in magaaladu ahaato albaab muhiim ah oo qaaradda Yurub ay dunida kala xiriirto. Dadka reer Venetia waxay ku dadaaleen in waddada sir u ahaato oo eeyan dadyowga reer Yurub u sheegin si ay iyagu u ahaadaan kuwa keliya ee ka faa´iida, taasna dhowr qarni ayay ku macaasheen.

Adeer ! nin la yiraahdo Marko Polo (1254 - 1324) oo u dhashay Venetian ayaa wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sirtaas bixiya. Marko Polo waddadaas ayuu ku safray isaga oo baadi-goobayay aabihiis Niccolo Polo iyo adeerkiis Maffeo Polo oo intay dhulka Shiinaha u socdaaleen dib u soo laaban waayay. Marko Polo markii uu soo noqday, wuxuu ka qayb qaatay dagaal ay reer Venetian la galeen reer Verbania, halkaas oo Marko Polo lagu qabtay, dabadeedna 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay. Nin xabsiga kula jiray oo ay saaxiibeen oo reer Verbania ahaa ayuu uga sheekeeyay waddadii. Adeerow sidaas bay dadyowgii kale ee reer Yurub ku ogaadeen adeegsiga Waddadii Xariirta oo ay reer Venetian muddo ku gumaysanayeen.

Adeerow ogow in reerahaasi Venetian-ka ah, ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay noloshii ku dhisnayd khuraafiga oo ay reer Yurub ku sugnaayeen xilliyadii mugdiga The Dark Ages. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay hanaanka wadaaddada wax cafiya ee lagu magacaabo Indulgences, taas oo ah bidco ay diintoodii ku kordhiyeen, ceeb iyo foolxumo badanna ku kordhisay taariikhda Yurub. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay baahi dunida ka dhacday sanadihii 1441 - 1453, markaas oo dadka baahidaas u dhintay ay tiradooda gaaraysay 130 melyan oo qof. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay dagaaladii lagu soo qaaday umadaha islaamka ah ee kala ahaa kii saliibiga ee bilowday dabayaaqadii qarnigii 11-aad iyo kii tataarka ee bilowday bilowgii qarnigii 13-aad, kuwaas oo adeerow ujeeddadoodu ahayd in la wiiqo xoogga bulshooyinka muslimiinta ah ee degganaa dhulka ay waddadu marto. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeey! ! ay dil iyo cadaadis loo gaystay rag badan oo aqoonyahanno ahaa, kuwaas oo markii ay wax ku soo barteen dugsiyadii uu islaamku ka furay magaalada Qurduba, qaadan waayay khuraafiga ay wadaaddadu ku faafinayeen bulshada dhexdeeda. Adeerow raggaas waxaa ugu caansan Giordano Bruno oo ay kaniisaddu iftootay in la gubo iyo Galileo Galilei oo isna loo iftooday in uusan dadka la hadlin.

Adeer ! Venetian-ku waxay qabeen aragti oranaysay It is better to be a king in a disaster world, than to be a citizen in a civilized world. Taas oo macnaheedu yahay inaad madax ka ahaato duni lagu halaagsamay ayaa waxay ka wanaagsan tahay inaad muwaadin ka ahaato duni ilbaxnimo iyo hor u mar taal. Adeerow maxaa isaga eg aragtidii raggaas iyo aragtida dagaal oogayaasha soomaaliyeed !.

Adeer ! aanu dib ugu laabano´e duulaankii ay Burtuqiisku ku soo qaadeen degaamadeenii sanadkii 1506-dii waxay ka dambaysay 14 sano oo qura markii nin u dhashay dalka Isbaaniya ee la yiraahdo Christopher Columbus uu gaaray qaaradda Ameerika (1492-kii). Ogow oo muhimadda socdaaladaas mid bay ahayd oo waxaa lagu baadi goobayay waddo ka duwan kana amaan badan Waddadii Xariirta ee uu ganacsigu mari jiray.

Qybtii 3 aad

Adeer ! Inkasta oo ciidamadii Burtuqiisku ay ku hungoobeen in ay caga-dhigtaan inbadan oo kamid ah degaamadii ay soo weerareen, misana waxaa jiray meelo kamid ah qaaradda Aasiya oo ay ku guulaysteen in ay ku yeeshaan degaamo. Waxaa kamid ahayd koonfurta Hindiya oo bartamihii qarnigii 16-aad ay ka samaysteen saldhigyo ciidameed. 100 sano dabadeed waxaa degaankii soo gaaray ganacsato kale oo reer Yurub ah, kuwaas oo Burtuqiiska kula loolantamayay degaanka. Waxaa kamid ahaa Ingiriiska iyo Beljemka. Faransiiska ayaa iyaguna goor dambe ku soo biiray loolankii.

Adeer ! waxaa kale oo qarniyadaas hanaqaad noqoday maamulkii boqortooyadii Cismaaniyadda ee la aasaasay sanadkii 1259-kii saldhiggeeduna ahaa Turkiya. Muddadii u dhaxaysay sanadihii 1429 - 1481, boqortooyadu waxay noqotay maamulkii dunida ugu dhul ballaarnaa. Taasina waxay ka dambaysay markii uu hoggaamiyihii la oran jiray Maxamadkii II-aad ee ku magac dheeraa Maxamad Al-Faatix uu ku guulaysatay in uu qabsado magaalo-madaxdii boqortooyadii Biisandiga ee magaceedu ahaa Constantinople, halkaas oo goor dambe noqotay magaalo-madaxdii boqortooyadii Cismaaniyadda. Magaciina waa laga beddelay oo waxay noqotay Istanbuul. Adeerow ogow oo in Saylac iyo Berbera ay kamid ahaayeen degmooyinka ku yiil badda Cas ee uu goor hore ku baahay maamulkii saldanadaasi.

Haddaanu milicsano xilligaas xaaladda uu ku sugnaa degaanka ay ku dhaqnaayeen soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd, waxaanu helaynaa in uu jiray kacdoonkii waynaa ee diiniga ahaa ee uu hoggaaminayay Axmad Ibraahim Al-qasaali (Axmad Guray). Dhab ahaantii adeerow kacdoonkaasi oo bilowday sanadkii 1520-kii waxaa sababay gardarrooyin ka imanayay dhanka boqortooyadii Abasiiniya ee fadhigeedu ahaa degmada Aksum, taas oo manhajkeeda siyaasadeed ay ku xusan tahay in ay kordhiyaan aabiga iyo faduusha dadyowga la deriska ah goor kasta oo ay arkaan in uu degaanku ku soo kordhay dhaqdhaqaaqa sahamada ganacsi iyo kuwa ciidameed ee ka imanaya dowladaha reer Yurub. Taasina waxay uga gollahaayeen, sida aanu ku arki doono qaybaha dambe ee casharradan iyo sida maanta muuqataba, in ay ballaariyaan baaxadda degaanka maamulkooda. Ciidamada boqortooyada Abasiiniya oo ka iman jiray dhulka buuralayda ah ee Shawa iyo Tigray ayaa waxay boob ku qaada! ! n jireen xoolaha soomaalida, dadkana waa ay layn jireen. Taas ayaa sababtay in Imaamku uu qaado calankii jihaadka isaga oo soomaalidii u horseeday dagaal baaxad weyn oo ay uga hor tegayeen gardarrooyinkii ciidamad Abasiiniya. Xilligaas soomaalidu waxaa ay ahaayeen qabiilooyin xoolo-dhaqato ah oo aanan mideysneen. Sidaa darteed iskama eeyan celin karin gardarrooyinka ciidamada boqortooyada Abasiiniya. Imaam Axmad, wacdi iyo baraarujin ayuu dadkii kula dhex wareegay, wuxuu tusiyay dowgii ku habboonaa in ay maraan, haddiiba ay doonayaan in ay heeryada iska ridaan. Risaaladii Imaamka waxaa wax ka qaaday culimadii diinta. Degaankii soomaaliyeed ideylkiis waxaa gaaray codsi ah in ay ka qayb qaataan ololaha diyaargarowga colaadeed ee uu Imaamku ka bilaabay gobolka Awdal. Adeerow xus beelaha Digil iyo Mirifle oo ahaa kuwa uu degaankoodu u xigay koonfurta, in ay ka qayb qaateen dagaalladii Imaamku horseedaha ka ahaa. Muddo gaaban baa waxaa ku midoobay qabiilooyinkii! ! soomaaliyeed, xoogoodii kala baahsanaana waa uu isu yimid.

Axmad Gurey wuxuu ahaa nin diinta islaamka aqoon wanaagsan u leh. Dadka wuxuu ku wacdinayay oo uu barayay casharro diini ah, taas oo ay ku xusan tahay, ninkii dulli oggolaada in uu cadaab mudanayo. Jihaadka ayuu ku dhiirrinayay, wuxuu ku wacdiyay darajada uu Alle xaggiisa ka helayo ninka jihaada. Dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ee soomaaliyeed, oggolaansho buuxda ayay kaga jawaabeen dalabkii Imaamka, hiil iyo hoona waxay isla garab taageen jihaadkii diiniga ahaa ee uu Axmad Gurey u ololaynayay. Ninkasta wixii uu xoolo lahaa iyo wixii wiil uu hayay wuxuu ku wareejiyey culimadii kacdoonka wadey. Waxaa la yiraahdaa, dagaal midkaas la xamaasad ah oo ay soomaalidu galeen, taariilkda kuma xusna. Xamaasaddaasina waxay kamid ahayd sababihii uu Ilaahay ku guuleeyay ciidamadii Imaamka.

Adeer ! taariikhyahan u dhashey dalka Fraansiiska oo la yiraahdo Rinee Basie´, wuxuu sheegey in Axmad Gurey iyo ciidamadiisii ay ku sigteen in ay tirtiraan boqortooyada masiixiga ah ee ka jirta geeska Afrika, degaankoodiina uu ka dhigo dhul ka tirsan dunida islaamka.

Sanadkii 1527-kii, Axmad Gurey, waxaa u suuro gashay in uu hor istaago duullaan xoog weyn oo maamulkii boqortooyada Abasiiniya ay ku doonayeen in ay magaalada Harar ku qabsadaan. Dagaalkaas oo ciidamadii xabashida lagu jebiyay wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo dhex mara ciidamadii uu Axmad Gurey ka ururiyey qabiilooyinkii soomaaliyeed iyo ciidankii Abasiiniyiinta.

Adeerow ogow oo Axmad Gurey ciidamada uma uusan kaxaysan hadaf qowmiyadeed iyo mid qabiil, bal hadfkiisa iyo halhayska ciidamadiisuba caqiido ayay ahayd. Sidaa darteed buu markii uu Xabashidii jebiyay yuu guddoomiyay in ciidamada eeyan dib u laaban, balse lagu duulo degmooyinka laga maamulayay boqortooyada Aksum, halkaas oo ahayd xarumaha laga soo abaabulayay dagaalada lagu faduulinayay soomaalida. Boqorkii Xabashida oo qaadan waayay jabkii ciidamadiisa ka soo raacay dagaalkii Harar ayaa waxaa walaac ku riday ciidamadan uu Axmad Gurey soo wato. Boqorku wuxuu soo ururiyay ciidamo ka badan kuwii hore oo soomaalida ka hor taga. Dagaal baa labadii ciidan dhexmaray sanadkii 1529-kii. Waxaa la jebiyay xabashidii oo halkaas khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay. Sanadkii 1531-kii ciidamadii Axmad Gurey waxay galeen gobolladii dowladdii Abasiiniya Shawa, Amhara iyo Tigray. Sanadkii 1535-kii ciidamadii soomaalida ahaa waxay ku guulaysteen in ay fardahoodii la galaan! ! dhammaan degmooyinkii ay Abasiiniyiintu ka talinayeen. Waxay gacanta ku dhigeen dhammaan wixii hanti ahaa oo ay lahaayeen reerahaasi. Boqorkii Abasiiniya halkaas ayaa lagu diley.

Dagaaladaas waxay socdeen labaatan sano ku dhowaad, waxaana jiray dagaallo yaryar oo ay si joogto ah isaga hor imanayeen labada ciidan, kuwaas oo mar kasta lagaga gacan sareeyay ciidamada Xabashida. Adeerow haddii aanu isku dayno in aanu soo miin guurino muuqaalka uu lahaa mid kamid ah dagaaladaas, sida uu Shihaabu Al-Diin ku qoray buugiisa Futuux Al-Xabasha :

"Habeen arbaca ah ayaa ciidamadii waxay u hoydeen buur magaceeda la yiraahdo Shimbira-kore. Habeenkaas oo dhan, muslimiintii duco iyo quraan ayay akhrisanayeen. Imaamkuna hadal uu habeenkaas ciidamadiisa u jeediyay ayuu wuxuu ku yiri :

"Waa in aad dagaalka adkaysi u yeelataan, waana in aad Eebe tala saarataan ".

Askartii waxay Imaamka ka ballan qaadeen in eeyan waxba ka hagran doonin. Niyadda ciidanka aad ayay u sareysay. Markii ay muslimiintii ka soo degeen buurtii, waxay arkeen ciidamadii boqorka Abasiinya oo dhanka waqooyi iyo dhanka bari kaga hareeraysan. Ciidamadaasi, fara badni darteed ayaa waxay u muuqdeen sidii ayax la firdhiyay oo kale. Boqorka Abasiiniya amar ayuu ciidamadiisa siiyay, wuxuuna faray in ciidamada muslimiinta ay ka yeelaan wax la laayo iyo wax ay soo qabtaan. Boqorku, fara badnida ciidamadiisa ayaa waxay siisay kalsooni ah in ay guulaysanayaan. Muslimiintu, wallow ay tiradoodu yarayd, misana waxay siteen niyad bir ah. Labadii ciidan waa ay kala safteen, qolo walbana waa ay is ratibtay. Tirada ciidamada fardoolayda ahaa ee uu boqorku watay waxaa ay dhamaayeen 16.000 oo nin. Nin walbana waxaa uu haystay gaashaan iyo fallaaro sumaysan. Waxaa u weheliyay qalab dagaal oo ay kamid ahaayeen seefo iyo warmo. Ciidamada lugta ee Abasiiniyanka waxay ka badnaayeen 200.000 oo nin. Imaamkii iyo ciidankiisii si wanaagsan ayay u safteen. Imaamkii waa uu duceeyay, wuxuuna yiri :

" Eebow naga yeel kuwo sugnaada, diintaadana u hiiliya ".

Imaamku wuxuu u yeeray rag ay kamid yihiin Maxamad Suldaan Cali oo ay habro wadaag yihiin. Wuxuu faray in uu hoggaamiyo ciidanka beeshiisa, sidaasna ay ku hor kacaan ciidamada. Dabadeed ciidamadii qabaa´ilka ayuu is daba dhigay. Qabiil walbana waxaa hor kacayay ninkii odayga u ahaa, kaas oo wakiil uga ahaa Imaamka. Bartamaha goobtaasi waxaa ku sugnaa Imaamkii oo koox fardoolay ah ay ku xeerayd. Tirada ciidamada muslimiinta waxay ahayd 560 nin oo fardoolay ah iyo 12.000 oo lugaynayay. Labada ciidan ee is hor taagnaa aad bay u kala tiro badnaayeen, una kala xoog badnaayeen. Markii ay ciidamadii iska hor yimaadeen ayaa nin la yiraahdo Shiikh Cabdullaahi uu jeediyay guubaabo uu ku dhiiri gelinayo ciidanka. Ciidamadii Abasiiniyiinta oo toddoba saf ahaa ayaa ku soo dhaqaaqay dhankii ciidamadii muslimiinta. Boqorkoodii oo la oran jiray Wasne Sajed, maalintaa lug ayuu ku socday. Ciidan dhan 400 oo nin ayaa dhanka midig ka socday! ! , 400 oo kalena dhanka bidix. Wixii uu hub iyo qalab lahaana maantaa waa uu soo bandhigay. Waxaa intaa dheeraa saf kasta oo ciidanka masiixiga ah wuxuu u dhigmay shan saf oo muslimiinta ah. Marka xagga tirada la eego, muslimiintu waxay u muuqdeen bar yar oo caddaan ah ee ku taal dibi harag madow leh. Dagaalkii ayaa bilowday iyada oo raggii wadaaddada ahaa ay guubaabo iyo wacdi la dhex taagan yihiin ciidamadii muslimiinta. Sidoo kale boqorkii Wasne Sajed guubaabo ayuu ku bilaabay ciidankiisii. Wallow aad looga badnaa, misana muslimiintii sutida ayay qabteen. Ragga maalintaa sida aadka ah u dagaalamay waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Mataan Cismaan oo Imaamka walaashiis qabay. Waxaa kale oo si wanaagsan u dagaalamay Cali Garaad oo Mataan walaakiis ah, Axmad Guray (oo aanan ahayn Imaamka), Farshaxan, Kaar Cali, Macjero Xuseen, Muuse Cabdullaahi Maakhabe iyo Yuusuf Latixiye. Dagaalkaasi wuxuu bilowday markay cadceeddu soo bax! ! day illaa casar gaabkii ayuu socday. Waxaa ugu dambaystii ku jabay ciidamadii masiixiga. Tirada khasaaruhu kumanyaal ayuu kor u dhaafay. Guushaas ay muslimiintu heleen maahayn mid si dhib yar ku timid. Nimankii waawaynaa ee xagga Xabashida ka dhintay maalintaa waxaa kamid ahaa Aqa Miikhaa´iil oo nin aad u adag ahaa. Imaamka ayaa waran ku dilay. Waxaa kale oo dagaalkaa ku dhintay Abadaan Darwishwaan oo khasnaji u ahaa boqorka, Midle oo calanka boqorka siday iyo rag kale oo badan. Dhanka muslimiinta ragga ka shahiiday waxaa kamid ahaa Kabiir Ibraahim oo ahaa mu´adinkii Imaamka iyo Fiqi Maxamad Daw. Inkasta oo tirada muslimiinta ka dhimatay ay 5000 ahaayeen, misana waxaa u badbaaday raggii madaxda ahaa ".

Qaybtii 4aad

Adeer ! dagaalkan oo la magac baxay Shimbira-kore wuxuu dhacay sanadkii 1529-kii, wuxuuna ahaa kii ugu muhiimsanaa oo ay soomaalidu ku gaareen guulihii is-daba joogay oo ay Aksum ku qabsadeen. Markaas oo boqorkii Abasiiniyiinta uu baxsaday, illaa laga dilayna wuxuu hadba ku dhuumanayay dhulka buuralayda ah ee galbeedka Itoobiya. Markuu dhintay dabadeed, waxaa taladii Xabashida la wareegay wiilkii boqorka oo la oran jiray Gladiolus. Adeerow intaanan Boqorka la dilin wuxuu dhambaallo calaacal ah u dirsaday baadarigii xilligaas ugu weynaa masiixiyiinta iyo boqorkiii Bortuqiiska King Jhon III. Adeerow Bortuqiiska oo xilligaas ahaa dowladda dunida ugu xooga weyn ayaa boqorkoodii wuxuu markiiba ka soo jawaabay dhambaalkii uu ka helay boqorkii Xabashida. Boqorku wuxuu farriin degdeg ah u soo diray wiil uu dhalay oo wakiil uga ahaa mustacmarad uu xilligaa! ! s Bortuqiisku ku lahaa dalka Hindiya. Wiilkaas waxaa la oran jiray De Gama. Boqrku wuxuu wakiilka soo faray in uu si degdeg ah ciidan ugu diro dagaalka ka socda geeska Afrika, kuna dadaalo in uu ka badbaadiyo dagaalka iyo dabka ay muslimiintu ku wadaan dadka masiixiga ah ee halkaas ku nool, dalkoodana uga xoreeyo ciidamada shisheeyaha ah ee ka qabsaday. Xilligaas dagaalku wuxuu socdey 12 sanadood.
Adeer ! wakiilkii Hindiya fadhiyay markiiba waa uu ka soo jawaabay farriintii aabihiis. Wuxuu diyaariyay ciidan tiradoodu dhanyahay 450 nin oo hub casri ah sita. Wakiilku wuxuu ciidanka masuul uga dhigey nin la yiraahdo Christopher de Gama. Waxaa dhalay bad-mareenkii caanka ahaa Vasco de Gama. Ciidankaasi oo badda ku soo safray iyaga iyo hubkii ay siteenba, waxay ka soo degeen magaalada dekadda ah ee la yiraahdo Masawac dabayaaqadii sanadkii 1541-kii, iyada oo uu weheliyo nin la yiraahdo Sebla Wangel oo ka tirsanaa caa´iladda reer boqor ee Xabashida.

Ciidamadii Burtuqiisku dhabarka ayay soomaalidii kaga yimaadeen. Hubka ay siteen wuxuu ahaa mid eeyan soomaalidu u babac dhigi karin. Kaddib markii ay labadii ciidan isku heleen agagaarka balliga Taana ayaa soomaalidii khasaaro badan la gaarsiiyay, laguna khasbay in ay dib uga laabtaan degaamadii ay Xabashida ka qabsadeen. Dagaalkaasi wuxuu dhacay bishii abriil sanadkii 1542-kii. Afar bilood dabadeed, soomaalidii waa ay soo rogaal celiyeen, halkaasna waxaa lagu jebiyay ciidamadii Bortuqiiska. Hoggaamiyahoodii ahaa Christopher de Gama nolol ayaa lagu qabtay, dabadeedna waa la dilay.

Adeer ! Imaam Axmad Gurey wuxuu ku shahiiday dagaal dhacay markay taariikhdu aheyd 25/ 2- 1544-kii, halkaasna dhaawac ayaa ka soo gaaray kacdoonkii uu hormoodka ka ahaa. Imaamka dabadiis waxaa halgankii sii waday wiil uu abti u yahay oo la yiraahdo Imaam Nuur bin Mujaahid. Kaddib markii ay soomaalidii soo tabar yareeyeen ayaa Imaam Nuur wuxuu ciidamadiisii ku ururiyey difaaca magaalada Harar. Dagaal ay xabashidu soo qaadeen 23/ 3- 1567-kii ayaa Imaam Nuur wuxuu ku diley boqorkii xabashida ee la oran jirey Gladiolus. Imaam Nuur wuxuu dhintey sanadkii 1567-kii, wuxuuna ku aasan yahay magaalada Harar, illaa iyo haatanna qabrigiisu waa macruuf. Halkaasna waxaa ku af jarmay taariikhdii dowladdii Awdal.

Adeer ! qarigii 17-aad, waxaa degaankeena ka jiray labo bulshadood oo ku guulaystay in ay habeeyaan hanaanka siyaasadda urursan centralized states, kuwaas oo xilligaas midna ay hanaqaad ahayd midna ay curatay. Saldanada Ajuuraan oo degaankeedu ahaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa loo yiqiin boqortooyadii Cagaarayd. Taasina waxay ka dambaysay markii ay hor u marisay nadaamka beero falashada. Beerihii, ay reerka Ajuuraan, ka beerteen daamanka webiga Shabeelle ka sokow, waxay hor u mariyeen farsamada ceelasha lagu qoto. Taasina raadkeeda wuxuu ka muuqdaa ceelashii ay ka qodeen dhulka oomanaha ah, kuwaas oo qaar kamid ah illaa iyo hadda laga cabo. Adeerow waxaa la rumeysan yahay in markii ugu dambaysay Tuulada Buur-Cukur (Qalaafe iyo Feer-feer dhexdooda) ay ahayd xarunta saldanaddaasi. Waxba lagama hayo raadkoodii, laakiin sheekooyinka laga soo gaaray da´wayntii soomaaliyeed waxay xuseen in saldanadaasi lagu burburiyay colaad baax! ! ad wayn oo ay beelaha Hawiye ku soo qaadeen. Waxaa jira oraah oranaysa

" Sagaalka Ajuuraan, sagaalka Samaale ayaa kiciyay "

Farsamadii reerka waxaa inoo tilmaamaya sheeko laga wariyay oday Ajuuraan muddo 70 sano laga joogo. Odaygaas oo da´diisu ay 100 sano kor u dhaaftay waxaa lagu waraystay degmada Kismaayo, wuxuuna yiri :

" Ajuuraan wuxuu lahaa digsiyo maar ah oo geela afar jirka ah marka la gowraco oo la harag-siibo inta cagaha kor loo jeedsho dhabarka loo gelin jiray dabadeedna halkaas ciidamada loogu karin jiray raashinka ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya.

" Ajuuraan wuxuu lahaa ceel ku yiil degaanka Ceel-Buur oo geela ka caba uu saddex jir ku ilmo qaadi jiray ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya.


" Ajuuraan wuxuu yiqiin geed ay dhacaankiisa u adeegsan jireen sunta fallaaraha afka laga mariyo. Shimbiruhuna markii ay dushiisa marayaan waa ay soo daadan jireen ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya. Markaas buu yiri :

" Ajuuraan iyo farsamadiisii waa ay is-raaceen ".

Adeerow waxaa jiray rag dal-mareeno ahaa oo bartamihii qarnigii 16-aad soo gaaray dhulkii uu Ajuuraanku ka talinayay. Dalmareenadaas waxaa kamid ah Don Santos oo u dhashay dalka Bortuqiiska. Ninkaasi wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo qaabkii ay u noolaayeen dadkeenii halkaas ku dhaqnaa. Waxyaabaha uu xusay waxaa kamid ah wiilal da´doodu tahay 7 iyo 8 jir, kuwaas oo madaxa ku sitay duubab lagu xabkeeyay. Sida dhaqanku ahaa, wiilashaasi duubka laga furi maayo illaa ay inta dagaal ka qayb galaan ay nin cadow ah dilaan. Weliba shardi ayaa la jira oo waa in ninka la dilay madaxiisii la hor keeno odayga reerka. Halkaas buu darajo kaga helayaa beesha, loona saamaxayaa in uu guursado. Adeer ogow oo sheekooyin noocaas ah waxaa laga helaa dhaqanka reeraha Masayda iyo qaar kamid ah Oromada, kuwaas oo labaduba kamid ah bah-waynta ku hadla afka Kuushiitiga.

Saldanadii beelaha Harti ayaa iyana kobocday wakhti lagu qiyaasayo bartamihii qarnigii 16-aad. Taasina waxay ka dambaysay markii uu Boqor Maxamuud Yuusuf Maxamuudkii 1-aad ku guulaystay in uu nadaam urursan u sameeyo beelaha Hartiga ah ee degaankoodu yahay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya. Boqor Maxamuud wuxuu hor u mariyay dhismo ciidan iyo nadaam ganacsi oo dibadda la xiriira. Waxaa la qiyaasayaa in burburkii ku yimid saldanadii Awdal uu iridaha u furay nadaamkan cusub ee ka abuurmay gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya. Degmada Xaafuun oo xilligaas uu camiray dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa, ahaydna degmada ugu wayneed degaanka ayaa la rumaysan yahay in ay magaalo madax u ahayd maamulkii saldanadda. Inkasta oo ay madaxa la soo kacday, misana saldanadaasi dagaal sokeeye oo xooggan ayaa u diiday in ay hanaqaad noqoto. Taasina waxay ka dambaysay markii uu boqorkii dhintay ayaa wiilashiisii waxay u kala safteen baho iyaga oo isku af-garan wa! ! ayay ninkii ay caleema saari lahaayeen. Dabadeed dagaalo baahay oo ay beelihii kala saftaan ayaa muddo 30 sano ah ka socday degaanka. Ragga dagaaladaas lagu dilay waxaa kamid ah saddex wiil oo uu boqorku dhalay. Waxaa magacooda la yiraahdaa Cumar Maxamuud, Maxamad Maxamuud iyo Warfaa Maxamuud.

Adeerow ogow oo tan iyo sanadkii 1507-dii, markaas oo uu Vasco de Gama ka soo laabtay raaska lagu magacaabo Cape of Good Hope ee koonfur Afrika, badaha Soomaaliya waxay noqdeen waddo muhiim ah oo doonyaha reer Yurub ay u maraan dalka Hindiya iyo bariga fog. Burtuqiiska oo ahaa reerkii ugu horeeyay oo waddadaas mara ayaa waxay xoog ku degeen koonfur-bari dalka Hindiya, gaar ahaan degmada Goa. Xoogaggii reer Yurub ayaa mid waliba goonidiis ugu dadaalay in uu qayb ka helo dhulka Hindida. Qolo waliba waxay gacan-saar la yeesheen maamulladii kala duwanaa oo ay la haayeen qowmiyadaha reer Hindiya. Waxaa xusid mudan in xilligaas ay Hindiya ka jireen dagaalo sokeeye oo xooggan. Dagaaladaas oo u qaab eg kuwa dalkeena ka taagan ayaa waxay ahaayeen kuwo xukun lagu raadinayay. Taasi waxay sababtay in hadba ay kooxo is-xulufaystaan si ay gacanta sare u yeeshaan. Ciidamadii reer Yurub ay! ! aa waxay dhex boodeen xoogaggii is-xulufaysanayay ee Hindiga ahaa. Aritaasina waxay fursad siisay xoogaggii reer Yurub oo si sahlan u dhex qaaday Hindiya iyo dadkeedii. Xilligaas ahmiyadda ay xeebaha soomaaliyeed lahaayeen waxay garab socotay hadba sida ay u soo kordhayeen dhaqdhaqaaqa doonyaha ka imanayay Yurub kuna sii qulqulayay Hindiya.

Adeer ! sanadkii 1741-kii, nin la yiraahdo Axmad bin Siciid oo dhalashadiisu tahay Yaman ayaa maamulkii Cismaaniyiinta ka eryay degaanka koonfur-bari ee khaliijka (Cumaan). Axmad wuxuu halkaas ka dhisay maamul saldanadeed oo uu isagu oday ka yahay. Waana maamulkaas midka ay ku abtirsadaan salaadiintii isaga dambeeyay talada dalka Cumaan. Saldanadaasi waxay xiriir ganacsi oo xoog badan la lahayd jasiiradda Sensibaar iyo degmooyinka ku yaal xeebaha bariga Afrika. Dadka reer Cumaan goor hore ayay ku guulaysteen farsamada adeegsiga gaadiidka badaha. Adeerow xus in socdaalkii Vasco de Gama qofka hagayay uu ahaa bad-mareen Cumani ah oo la oran jiray Axmad bin Majiid. Saldanadii waa ay hanaqaaday, waxayna ku caan baxday hanti, xasillooni siyaasadeed iyo ciidan xoog badan oo badaha ku duula. Waxaa u magaalo-madax ahayd degmada Masqad ee dalka Cumaan.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad, khalkhal ku yimid saldanadii Cumaan ayaa adeerow raad ku yeeshay xasilloonidii degaanka xeebaha koonfureed ee Soomaaliya iyo kuwa la deriska ah. Sanadkii 1784-kii, nin la dhashay suldaan Busaydi (suldaankii Cumaan) ayaa wuxuu isku dayay in uu dagaal ku qaado xeebaha bariga Afrika, si uu halkaas uga abuuro imaarad uu isagu oday ka yahay, kana madax-bannaan saldanada walaalkiis. Wuxuu qabsaday jasiiradda Sensibaar iyo degmada la yiraahdo Kilwa ee ku taal xeebta koonfureed ee Tansaaniya. Degaankaasi wuxuu ahaa meel ahmiyad gaar ah u leh taliska saldanadda. Suldaan Busaydi oo arintii ka xumaaday ayaa ciidan ku bixiyay degmooyinkii uu walaalkiis qabsaday, wuxuuna ku guulaystay in uu ka dhigo kuwo madax bannaan.

Qaybtii 5 AAD

Adeer ! dhacdadaas dabadeed, maamulkii boqortooyada Cumaan muddo ayuu ku sugnaa xasillooni siyaasadeed. Sanadkii 1804-tii ayaa khilaafkii ku soo cusboonaaday. Sababtu waxay ahayd amiir la oran jiray Sayid Siciid ayaa wuxuu dilay walaalkiis oo suldaan ahaa. Dabadeed wuxuu isu caleema saaray taajkii saldanadda. Suldaankan cusubi wuxuu dhisay dowlad adag. Tirada ciidanka saldanadda ayaa xilligiisii waxay gaareen 6.500 oo nin. Waxaa kale oo uu dhisay 15 doonyood oo kuwa dagaalka ah. Markaas buu wuxuu ku fekeray in uu maamulkiisa ku baahiyo dhulkii uu xiriirka ganacsi la lahaa. Sanadkii 1806-dii, suldaanku wuxuu la wareegay jasiiradda Sensibaar iyo magaalooyin ku yaal bariga Afrika, kuwaas oo ahaa degmooyinka Laamo, Kilwa iyo inta u dhexaysa. Waxyaabaha saaciday waxaa kamid ahaa iyada oo dadka reer Cumaan ay raad xoog badan ku lahaayeen degaanka bariga Afrika iyo jasiiradaha u dhow. Guud ahaan bad-waynta Hindiya ayaa xilligaas lagu magacaabi jiray Arabian Lake (balligii Carabta). Adeerow ogow in Cumaaniyiintu ay goor hore bilaabeen in ay xiriir ganacsi la yeeshaan dadyowga degaankeena. Waxaa jirta in bad-mareenada reer Cumaan ay goor hore ogaadeen adeegsiga dabaylaha dul mara badwaynta Hindiya ee lagu magacaabo Monsoon. Doonyaha shiraaca leh ee xamuulka qaada ee u kala goosha Cumaan iyo bariga Afrika ayaa waxay badda ku maaxi jireen dabaylahaas. Ganacsiga saldanaddu waxaa uu ka iman jiray bariga Afrika, kaas oo ganacsatada reer Cumaan ay u gudbin jireen qaaradaha Aasiya iyo Yurub. Adeerow waxyaabaha ay ka ganacsan jireen waxaa ugu waynaa dadka nool Addoomada oo laga keeni jiray illaa iyo bartamaha qaaradda Afrika. Waxaa jiray dallaalay afrikaan ahaa oo la shaqayn jiray ganacsatada carbeed, kuwaas oo dadka ka keeni jiray dhulka gudaha ah ee qaaradda. Dallaalaydu, dadka qaarna waa ay soo iibin jireen qaar kalena waa ay soo qa! ! faalan jireen. Waxaa kale oo Carabtu ay ka ganacsan jireen xubnaha duur-joogta sida haraga Shabeelka, foolasha Maroodiga, miciyaha iyo ciddiyaha Libaaxa, baalasha Gorayada, geesaha Biciidka, qolfaha Diinka iyo Qubada iwl.

Xilliga dhaqdhaqaaqa noocaas ahi uu ka socday xeebaha Soomaaliya, waxaa gudaha dalka ka jiray geedi-hayaan saameyn ku yeeshay deegaankii dadkeenii xoolo-dhaqatada ahaa. Aqoonyahanada u kuur gala culuumta taariikhda, waxay hayaankan ku magacaabaan The Great Waves of Somali Expansion Hirarkii waawaynaa oo ay Soomaalidu ku Dhul Ballaarsanayeen. Adeerow inkasta oo hayaankan ay soomaalidu goor hore bilaabeen misana si muuqata ayuu u kordhay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo nuskii hore ee qarnigii 19-aad. Waxaa xusid mudan in soomaalidu eeyan xilligaas lahayn maamul urursan oo ka dhexeeyay. Sidaa darteed ayuu hayaankan ka turjumayay masaalixdii kala duwanaa oo ay beelaheenii reer-guuraaga ahaa lahaayeen iyo cimilooyinkii kala duwanaa ee la soo dersay noloshoodii. Cimiladaha sababay in soomaalidu qaxaan waxay isugu jireen kuwan hoos ku xusan :

1. Colaado iyo ismaan-dhaaf ka aloosmay beelihii xoolo-dhaqatada ahayd, kuwaas oo sababay dagaalo lagu kala guuro. Waxaa kamid ahaa qixii Biyamaal iyo qaar kamid ah beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen.

2. Abaaro adag oo iska daba yimid, kuwaas oo dad iyo duunyoba ku le´deen. Waxaa kamid ah qixii qaar kamid ah beelaha Harti.

3. Kacdoon siyaasadeed oo ay ku fogeynayeen maamullo ku gabood falay beelihii la deriska ahaa. Sida kacdoonkii beelaha Bartire iyo kii Abgaal.

Adeer ! waxaad ogaataa in hayaankani uu wax wayn ka beddelay deegaan-siyaasadeedkii dadkeenii reer guuraaga ahaa. Wuxuu sababay isbeddel ah demographic changes, kaas oo ku yimid degaankii iyo tarankii bulshooyinkii ka qayb qaatay qaxan. Hayaankan ayaa sababay muuqaalka uu maanta leeyahay dhulka loo yaqaan Soomaaliya ee leynoo ogsoon yahay iyo dhulka inaga maqan oo ay dadkeenu degaan.

Beelaha Dir waxaa hayaankan uga qayb qaatay reerka Biyamaal oo sida sheekooyinka lagu hayo ka soo guuray gobollada waqooyi bartamihii qarnigii 18-aad. Waxaa la tilmaamaa in ay sababtu ahayd gar-colaadeed oo lagu heshiisiinayay iyaga iyo beesha Gadubiirsay oo uu dagaal xumi dhex maray. Gartaas oo ay galeen odeyaal u dhashay beelaha Isaaq iyo Ciise ayaa Biyamaalku waxay ka tirsadeen in laga eexday. Markaas baa reerihii Biyamaal waxay guddoonsadeen talo uu xargihii reerku u dhamaa oo ahayd in ay degaanka isaga guuraan. Adeerow inkasta oo waddadii ay Biyamaalku soo raaceen aanan sheekooyinka lagu xusin, misana waxaa la hubaa in hayaankoodii ay ku soo fureen koonfurta webiga Shabeele, halkaas oo illaa maanta ay degan yihiin. Xilligaas waxaa ay degaanka ugu yimaadeen beesha Gelledi oo lahayd maamul siyaasadeed oo hanaqaad ahaa. Labada Beelood (Gelledi iyo Biyamaal) dagaalo badan ayaa dhex maray, kuwaas oo ay Biyamaalku ku dileen saddex suldaan oo Gelledi ahaa oo is dhalay (suldaa! ! n Maxamuud, suldaan Yuusuf iyo suldaan Axmad). Socdaalkii Biyamaal intaas kuma hakan ee qaybo beesha kamid ah ayaa koonfur u sii kacay oo gobolka Jubada-Hoose ku hakaday. Qolyihii koonfurta aaday ayaa dhexdoodii colaadi ka aloosantay. Dabadeed jifi kamid ahayd baa waxay u tallaabeen bulshooyinka Baantuuga ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi-bari iyo bariga dalka Keenya halkaas oo ay ku milmeen dadyowgii ay u tageen. Adeerow xus oo beelo kamid ah reeraha la yiraahdo Reendiille ee ku nool yuulada Mkunuumbi oo ka tirsan degmada Laamo waxaa la rumaysan yahay in ay yihiin dadyowgii kuushiitiga ahaa ee ku noolaa koonfurta Banaadir. Sheeko-dhaqameedyada reeraha Biyamaal waxaa ku xusan in qayb kamid ah reeraha Reendiille ay yihiin dad iyaga ka tegey oo absaxankooda la garanayo. Dadkaasi waxay ku tageen dagaal ay jifiyadii Biyamaal isugu tageen. Magaca reerka tegey waa Kalafoow, absaxankooduna wuxuu gelayaa Sacad oo ah jifi Biyamaal kamid ah.

Dhaqdhaqaaqii ganacsatada reer Cumaan wuxuu raad ku yeeshay qaybo kamid ah gobollada Soomaaliya. Saldanaddii beesha Gelledi ayaa xilligii ay is-beddelayeen labadii qarni, kii 18-aad iyo kii 19-aad, waxay yeelatay maamul hanaqaaday. Saldanaddaas oo xarunteedu ahayd degmada Afgooye ayaa waxay xiriir la lahayd maamulkii ka jiray magaalada Xamar. Xilligii suldaan Yuusuf oo qiyaastii ku beegan 1812-kii - 1845-kii ayaa saldanaddu xoogowday. Waxaa ballaartay dhulka uu ku baahay ganacsigii saldanadda. Dekadda Xamar ayaa waxaa laga dhoofin jiray dalayga ka soo go´a beeraha reerka Gelledi iyo xubnaha dugaagga. Reerku waxay dekadda kala soo degi jireen waxyaabaha ay dibadda uga baahnaayeen oo dharku uu kamid ahaa. Waxaa kale oo ay soo dhoofsan jireen dadka addoomada ah, kuwaas oo beeraha ka shaqayn jiray. Adeerow waxaa xusan, sanadihii u dhexeeyay 1820-kii iyo 1840-kii, dekadaha Xamar iyo Marka in sanad walba lagala soo degi jiray dad gaaraya 10.000 oo addoomo ah.

Adeer ! wakhti ku dhow xilliga ay Biyamaalku hayaameen ayaa galbeedka Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo kacay beelo kamid ah reeraha Kablalax (Ogaadeen). Beelahaas waxaa kamid ahaa , Maqaabil, Cawlyahan, jifiyo kamid ah reerka Maxamd Subayr iyo Caabud-waaq oo kamid ah jifiyada Talamuge. Geediga reerkan wuxuu soo maray gobolka Bay. Sida ay isku raaceen da´wayntii sheekooyinkan laga wariyay, muddo sanado ah ayay halkaas ku sugnaayeen. Dabadeed waxay u soo tallaabeen degaanka Jilib, halkaas oo ay ka samaysteen saldhig ay ka sahan sadaan degaanka.

Waxaa jira sheekooyin tilmaamaya in beelaha soomaaliyeed ay si wadajir ah ula dirireen dadkii Baantuuga ahaa ee ku noolaa degaanka Juba, arrintaasi waxay xoojinaysaa aragtida oranaysa in beelaha soo hayaamay ay isugu yimaadeen degaanka Jilib oo markaas ahayd degaan Tunni. Oday la yiraahdo Xasan Ribadle oo Ogaadeen ah, kana mid ah facihii dambe ee ka qayb qaatay hayaankii ay beeshu ku degtay dhulka Juba ayaa wuxuu tilmaamay sababta uu u qaxay in ay ahayd colaadaha reerka dhexdiisa ka socday. Xasna ayaa muddo laga joogo 150 sano wuxuu tiriyay tix gabay oo uu ku tilmaamayo sababta uu u qaxay, wuxuuna yiri :

Jiilaalkan ruuga ah waxaan Raari uga guuray

Oon ramashe doogoobay iyo roob la sugi waayay

Reer Caraale uun baan ka tegi ruun colowgiisa

Warankay ridahayaan ayuu ruuxda iga goyne

Ama towbaday iga raddiyi oo raq baan dhigiye


Bilowgii qarnigii 19-aad, Garaad Wiil-waal ayaa isaguna wuxuu ku guulaystay in uu ururiyo beelo kala duwan oo ku maamulo xeer-dhaqameedyo uu isagu dejiyay. Taasina waxaa ay ka dambaysay markii uu helay kalsoonidii beeshiisa (Bartire) oo ay caleemo saarteen, markaas oo adeerow uu u caddaalad falay. Garaad Wiil-waal wuxuu ahaa nin geesinimo iyo af-tahannimo loo hibeeyay. Xeerarka uu ku dhaqmo wuxuu dadka ku bari jiray qaab suugaaneed. Tilmaamahaas uu Wiil-waal lahaa ayaa waxay kallifeen in degaankiisii ay ku soo qaxaan beelo dhowr ah oo ku qancay maamulkii uu dhisay. Waxaa kamid ahaa Abasguul, Geri iyo Ogaadeen. Wiil-waal wuxuu dhisay xulufo ciidameed iyo mid siyaasadeed oo ay ku bahoobeen beelahaas. Adeerow kalsoonidii dhex martay Wiil-waal iyo odeyadii beelahaas ayaa waxay adkaysay maamulkii ay isku xulufaysteen. Tix uu Wiil-waal u tiriyay garaadkii beesha Geri oo la oran jiray Garaad Aadan, mar uu uga soo dacwooday beeshii oo ku gadoodday ayuu Wiil-waal ku tilmaamay xiriir! ! ka ka dhexeeya isaga iyo Garaad Aadan. Wiil-waal wuxuu yiri :

Haddaad dowladda waydo anna teydu weydowdey.

Haddii lowgu ku wiiqmo anna waan wakkinaayaa.

Haddaad weer isku jiiddo anna waan isku waabi.


Ciidamadii beelihii is-xulufaystay oo uu hor kacayo Wiil-waal ayaa waxay duulaan ku qaadeen ceelashii reerka Akishe (Dir), halkaas oo lagu dhibi jirey xoolaha ay lahaayeen beelaha aanu soo xusnay. Gulufyadii colaadeed ee uu Wiil-waal dumay waxay sabab u noqdeen in ay guud ahaan beelihii soomaaliyeed ay ku faafaan dhulka biyaha badan ee ku beegan agagaarka degmada Jigjiga, halkaas oo ay ka kacsadeen beelo Oromo ah.

Beelo kamid ah reerka Mareexaan ayaa iyaguna ku soo hayaamay degaanka Gedo, iyo koonfurta gobollada Baali iyo Siidaamo. Xilligaas, qiyaastii 50 sano ayuu ka dambeeyay markii uu bilowday hirarkii hayaanka. Waxaa jiray beelo Mareexaan ah oo safka hore kaga jiray qaxan, waxaana kamid ahaa Howraarsame, Habar-Yaaquub, reer Xasan iyo Talxe. Sheekooyinkii laga dhaxlay da´wayntii hore waxaa ku xusan in beelahaasi ay geel badan wateen. Beelahan waxay ka soo qaxeen meelo kamid ah bartamaha Soomaaliya, waxayna soo mareen gobollada Hiiraan iyo Bakool. Sababta ay la qaxeen waxay ahayd colaado isugu jira kuwo ka aloosmay beesha gudaheeda iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo beelihii ay la deriska ahaayeen. Adeerow inkasta oo eeyan isku degaan ka soo kicin misana waxaa la malaynayaa in hayaankii beesha Dagoodiye uu dhinac socday kaa beelaha Mareexaan, sidaasna ay dagaaladii lagu kiciyay reerka Booran ay ka wada qayb qaateen. Dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo lagu hilboobay, waana kuwa sababay in s! ! oomaalidu degaan ku yeelato halkaas. Mar ay Boorantu fadhi ku lahaayeen buurta u wayn degaanka ee la yiraahdo Humbaale ayay soomaalidii u soo tiriyeen tix iyaga oo leh :

Humbaale Humbaale

Humbaale af-wayne

Shuun oday waaye

Haddaad ood ka goyso

Aabaa iga dhaartay.

Soomaalidii waa ay ka soo jawaabeen iyaga oo leh :

Humbaale Humbaale

Humbaale af-wayne

Shuun oday waaye

Haddaad oon ku guurin

Aabaa iga dhaartay.

Adeerow waxaa kale oo xusid mudan Shiikha la yiraahdo Ibraahim Xasan Yabarow oo dhalashadiisu ahayd Wanla-wayn, kaas dalka ku soo laabtay sanadkii ugu dambeeyay qarnigii 18-aad. Shiikh Yabarow oo ahaa nin ka tirsan dariiqada Axmadiyada ayaa bilowgii qarnigii 19-aad wuxuu aasaasay xarumihii xertii Baardheere ee magaceedu ahaa Jamaacada. Sanadkii 1797-kii ayuu Shiikhu magaalada xurmaysan ee Maka wuxuu kula kulmey Shiikh Axmad Bin Idiriis oo ahaa ninkii aasaasey dariiqada lagu magacaabo Axmadiya. Adeer ! goor dambe ayuu shiikhu wuxuu noqday nin asal raac ah. Wuxuu hoggaamiye ka noqday dhaqdhaqaaq lagu nooleynayo saldhigyada diinta Islaamka. Shiikhu wuxuu qaatay aragti lamid ah tii uu Shiikh Maxamad Cabdi-Wahaab ku baaqay oo ahayd diin aanan barax lahayn dariiqona aanan ku xirreyn. Shiikh Yabarow wuxuu dadka kala diriri jiray tubaakada, heesaha, cayaaraha iyo is-dhex galka ragga iyo dumarka.! ! Wuxuu ka reebi jiray macsida. Wuxuu dadka fari jiray in laga reebtoomo ganacsiga xubnaha duur-joogta. Dumarka wuxuu fari jiray in oogadooda ay asturaan. Guud ahaanna wuxuu dadka u sheegi jiray in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cibaadadana ay ku dadaalaan. Shiikhu wuxuu yeeshay xarun u saldhig ah oo uu dadka wax ku baro. Waxaa halkaas ka abuurmay dugsiyo lagu barto noocyada culuumta diinta Islaamka. Sanadkii 1819-kii, tirada ragga ardayda halkaas wax ku baranaysay waxay dhaafsiisnaayeen 100 nin. Sanadkii 1840-kii, tirada xertii Shiikhu waxay kor u dhaaftay 20.000 oo nin, kuwaas oo badankoodu ahaa qolyihii Daaroodka ahaa ee degaanka ku soo hayaamay.

Qaybtii 6 aad

Adeerow beelaha Harti ayaa iyaguna ka qayb qaatay hayaankii ay xoolo-dhaqatadeenii ku dhul fidsanayeen. Abaaro iyo colaado ka dhacay degaanka ay beelahan ku nool yihiin, qaybtii hore ee qarnigii 19-aad, ayaa loo aanaynayaa qaxa ay qaybo kamid ah la aadeen galbeedka iyo koonfurta Soomaaliya. Dagaalada waawayn oo xilliyadaas ay Hartigu isku laayeen waxaa kamid ah mid dhex maray Majeerteen iy Dhulbahante. Waxaa xigay mid dhexmaray Warsangeli iyo Majeerteen. Labada dagaalba waxay ku xusan yihiin gabaygii guubaabada ahaa ee uu xilligaas beeshiisa u tiriyay Aw-Muuse Ismaaciil. Tixihii gabaygaas waxaa kamid ahaa :

Dadow heehe caaqibo miyaa xarigi loo duulshay

Ma waxaan diidayaa uumiyuhu dan uga rayn waayay

Dacartaan hortii xiray miyaa la igu soo daayay

Ciil iyo hammi aan dumin miyaa la igu daardaaray

Inaynu diir kharaarrahay miyaa uunki laga daahay

Dagaal inaynu hoog dhigi miyaa dad ina moodaynin

Ma waa xukun Ilaah deyay waxeer nalaga doonaayo !


Dagaaladan waxaa ka horeeyay kuwo in muddo ah ka dhex aloosnaa beelaha Majeerteen dhexdooda, kuwaas oo ay sababeen dil loo gaystay Boqor Yuusuf Cismaan iyo wiilkiisii Boqor Maxamuud Yuusuf Maxamuudkii III-aad. Labada boqor waa Boqor Cismaan aabihiis iyo awoowihiis.

Hayaanka ay colaadahan iyo abaaruhu sababeen ayaa hayaamadii ay beelaha kale ku soo qaxeen wuxuu kala mid ahaa isaga oo sidii hir oo kale dhowr xilli oo kala duwan soo kacay. Isla markaasna wuxuu ku khilaafsanaa waddooyinka uu soo maray oo isugu jiray bad iyo berri. Adeerow sida ku xusan sheekooyinka da´waynta reeraha, dadkii Hartiga ahaa oo ka qayb galay hayaankii ugu horeeyay waxay qaxeen wakhti ku aaddan 20-kii sano ee u horeeyay qarnigii 19-aad. Dadkaasi waxay ka qayb qaateen dagaallada lagu magacaabo Dagaalkii Ajida ee lagu kiciyay dadyowgii Oromada ahaa ee ku noolaa degaanka Juba. Degaanka degmada Jilib ayaa saldhig u ahayd beelaha soomaaliyeed ee hayaanka ahaa. Beelahaasi waxay isugu jireen Biyamaal, Harti, Ogaadeen iyo Tunni.

Bartamihii qarnigaas ayaa hirkii labaad ee reeraha Hartiga uu soo kacay. Arrintaasi waxay ka dambaysay markii doon laga lahaa degmada Xaafuun ay ku xumaatay meel kamid ah xeebta gobolka Jubada Hoose. Dadyow meesha degganaa oo Baantuu ahaa ayaa ku soo duulay doontii iyo dadkeedii, kuwaas oo dadkiina laayay hantidiina dhacay. Rag dilkaas ka baxsaday ayaa qaylo-dhaan gaarsiiyay degaankii ay ka yimaadeen dadka la laayay. Dabayaaqadii sanadihii 1860-aadkii ayaa 14 doonyood oo ciidan saaran yahay waxay duulaan ku yimaadeen degaamada xeebaha ah ee Juba. Adeerow waxaa xusid mudan in xilligaas uu degaanka ka talinayay suldaankii reeraha Wiitu ee la oran jiray suldaan Axmad Bin Fumoluuti Nabahani. Suldaankaas oo ku magac dheeraa Siimba ayaa sanadkii 1862-kii wuxuu isku dayay in uu saldanaddiisa ku ballaariyo koonfurta Soomaaliya. Xilligaas waxaa maamulka suldaanka hoos imanayay dhowr qowmiyadood oo kamid! ! ah qowmiyadaha Sawaaxiliga ah, waxaa kamid ahaa Booni iyo Watoro oo labaduba ay ahaayeen Baantuuga Soomaaliya. Watoro waxay ahaayeen dad isu tegey oo addoomo ahaa, kuwaas oo meelo kala duwan ka soo baxsaday, kaddib markii ay u adkeysan waayeen noloshii addoonsiga. Dadkaasi waxay ku noolaayeen tuulooyin ku yiil dhulka howdka ah ee u dhexeeya koonfurta Soomaaliya iyo waqooyi-bari Keenya. Reeraha kale ee Booniga ahaa waxaa xilligaas hoggaaminayay nin la oran jiray Bin Bahero ee u dhashey reeraha Avatulla. Waxaa la yiraahdaa, ninkaasi wuxuu ahaa Soomaali (Baajuunta Soomaaliya). Avatulla waxay kamid yihiin 8-da jifi oo ay Baajuunta Soomaalida u qaybsan yihiin, waana reerka ugu weyn. Sidaa darteed baa Bin Bahero wuxuu damcay in uu mideeyo dadyowgii Wiitu iyo Booni oo ay nadaam qura iyo magaalo-madax mid ah ay yeeshaan. Waxay magaalo-madax u doorteen mid kamid ah tuulooyinkii Wiitu ee ku yiil dhulka howdka ah, taas oo magaceeda l! ! a oran jiray Balawa.


Adeer ! duulimaad is-daba joog ah ayaa Baantuugii kaga yimid dhanka badda, kaas oo ay horseedayaal ka ahaayeen raggii aano-doonka ahaa. Dhul daaqsinka ku wanaagsan iyo xoolo badan ayay Hartigu ku qabsadeen dagaaladaas. Waana xilligaas goorta uu reebay nin waayeel ahaa oo la socday ciidamada, ooraahdii oranaysay :

Waamo iyo waayeelnimo ayaa ii kulmay.


Dagaalladaasi waxay sababeen hayaan baaxad wayn oo beelaha Harti ay horseedayaal ka noqdeen, kaas oo xoolo-dhaqatadii soomaaliyeed ay la beegsanayeen koonfurta dhulka u dhexeeya labada webi ee Juba iyo Taana. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad hayaankii reerahan ayaa wuxuu gaaray degaanka ay ku taal buurta la yiraahdo Mount Kenya oo 180 km. u jirta Nayroobi, halkaas oo illaa maanta ay ka muuqdaan waababkii ay xoolaha ku xeraysan jireen iyo meelihii ay ciidamadooda fadhiyi jireen. Waxaa xusid mudan in aasaaska degmada Siyelow Isiolo ay kamid tahay degmooyinka ku aasaasmay dhaqdhaqaaqii hayaamadii xoolo-dhaqatadeena, gaar ahaan kuwii Hartiga.

Adeer ! degaanka Juba waa dhimbisha ay ka dami wayday dagaalada sokeeye ee dalkeena ka aloosan sanooyinkan danbe. Sida la filayona waa degaanka ugu dambeeya oo ay nabadi ka unkami doonto, haddiiba la helo caqli qiimeeya macnaha nabaddu leedahay. Sidaa darteed waa ay haboon tahay in aanu fiiro gaar ah ku eegno taariikhda dhulkan. Magaca Hinter-land ayaa wuxuu yahay midka ay taariikhyahanadu u yiqiineen dhulka u dhexeeya webiga Juba iyo webiga Taana. Wuxuuna kamid yahay degaamada qiimaha gaarka ah leh marka laga hadlayo taariikhda geeska Afrika. Ninka la yiraahdo J. de V. Allen oo macallin ka ah jaamacadda Nayroobi ayaa wuxuu xusay, natiijooyinkii laga helay diraasaadkii lagu sameeyay degaankan, in ay noqdeen kuwo iska hor imaanaya. Macluumaadkaas iskhilaafsan xal baa loo heli lahaa hadii saddex arrimood ay cadaan lahayd :

1. Taariikhdii boqortooyadii Shunguwaaya, oo ahayd saldanad ay Baantuugu lahaayeen qarniyadii dhexe.

2. Dadka ku hadla afka Baantuuga Bantu-speakers, goorta ay yimaadeen degaanka, iyo haday jiraan dadyoow kale oo deganaan jiray agagaarka webiga Taana.

3. In Soomaalida iyo Oromada ay yihiin dadyowga xoolo-dhaqatada ah ee geeska Afrika dega kuwii ugu horeeyay.


J. de V. Allen wuxuu tilmaamay in ay jireen dadyow xoolo-dhaqato ahaa ee ku noolaa koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo sida la malaynayo aanan ahayn Soomaali. Dadyowgaas oo ku hadli jiray af-soomaaliga iyo kan Oromada, waxay degaanka ku noolaayeen markay taariikhdu ahayd 1300 - 1700 c. d. In ay muddadaas ka hor deganaayeena waa suurogal, waxaase adag in la helo raadkoodii iyo halkii ay ku dambeeyeen. Balse hadii aanu wax iska weydiino in ay jiraan dad haraa ah oo ka soo farcamay nimankaas, si raad noocaas ah loo helo waxaa khasab ah in marka horeba la´eego qaabka dhismaha dhaqan-dhaqaale oo ay leeyihiin dadyowgii geeska Afrika ku noolaan jiray. Adeerow hadii aanu siguud u eegno dadka Baantuuga ah ee ku nool dalalka bariga Afrika (Soomaaliya, Keenya iyo Tanzaaniya), waxaanu helaynaa in ay yihiin dad luqadooda iyo dhaqankoodu uu mid yahay. Muddo badanna waxay deganaayeen bariga Afrika. Waxaa jira arrimo ay taariikhyahanadu si guud isugu waafaqsan! ! yihiin oo ku saabsan dadyowga Baantuuga ah ee ku nool xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Waxaa arrimahaas guud hoos yaalla waxyaabo furuuc ah oo laysku khilaafsan yahay, waxaana kamid ah :

Yay yihiin dadkan afka Baantuuga ku hadla ?.

Xaggee bay ku noolaayeen ?.

Imisay soo jireen ?.


Aragtida ay Soomaalidu ka qabaan dadka baantuuga ku hadla waxaa weeye in ay yihiin dad qarnigii 19-aad yimid dalka Soomaaliya, waxaana keeney carabtii adoonsiga ka ganacsan jirtay, asalkooduna waxay ka yimaadeen Keenya iyo Tanzaniya. Mar danbe baa waxay noqdeen dad beeralay ah oo waxay degeen dhulka u dhexeeya labada webi ee Juba iyo Shabeele. Dalaga ay soo saaraan waxaa iibsan jiray ganacsatadii deganayd magaalooyinka xeebaha ku yaal sida Xamar, Marka iyo Baraawe. Dadka Baantuuga ah ee Keenya ku nool ee sheegta in asalkoodu uu Soomaaliya yahay waa kuwan hoos ku xusan :


1. Majikeendha: waxay degaan bartamaha iyo xeebaha Keenya.

2. Pokomo: waxay degaan waqooyi-bari Keenya iyo daamanka webiga Taana.


3. Qeybo Sawaaxiliga kamid ah sida: Baajuun oo degaankoodu yahay xeebaha waqooyi bari ee Keenya iyo Mambuuri oo iyaguna dega waqooyiga magaalada Mambaasa.


Dadkaasi waxay sheeganayaan xilligii boqortooyadii Shunguwaaya in ay deganaayeen koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka webiyadu maraan iyo magaalooyinka ku yaal xeebaha bad-weynta Hindiya. Dadkaasi waxay u arkaan sharaf wayn in ay ku abtirsadaan boqortooyadii Shunguwaaya. Waxyaabaha laga helay meelaha la faagay ee dhulkaas kamid ah waxay muujinayaan wax ka duwan waxa ay sheeganayaan Baantuuga Keenya. Waxaa la qiyaasayaa in Oromadu ay dhulka ka qaaday dadyowgii Shunguwaaya qarnigii 16-aad. Waxaa la ogsoon yahay in ay Shunguwaaya degaankaas ku noolaayeen illaa iyo intii ka horeysay sanadkii 1600, balse ay ka hareen haraa ku noolaa koonfurta iyo dhulka xeebaha ah.



SHARE

Author: verified_user