Nabadoon kashawiito oo Lagu Dilay Boosaaso , Qaar Kalena La dhaawacay

Baargaal.net | Boosaaso : Warar goor dhawayd naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarrunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in goor dhawayd lagu dilay magaalada Boosaaso Nabadoon ka tirsan Nadoonada Puntland halka labalena la dhaawacay ka ddib xili ay galayeen masaajidul Rashiida salaadii Cishaha ka hor.Wararka ayaa sheegaya in koox hubaysan ay Rasaas ooda uga qaadeen xili ay galayeen Nabadoonadani Masaajid ku yaala New Boosaaso halkaas oo uu ku geeriyooday Nabadoon kashawiito halka dhaawacyo kalena ay ka soo gaareen rasaasta ay fureen kooxdaan aan haybteeda la garanayn Nabadoon Axmed Cumar Qobay iyo Xasan Badan oo ka soo jeeda Nabadoonada Gobalka Bari.

Alaha u naxariistee waxaa goobtaas ku geeriyooday Nadoon Kaashawiito oo si wayn looga yaqaan deegaanada Putland, xiligaas oo ahayd xili ay doonayeen in ay salaada cishaha ku tukadaan Masaajidka Rashiida ee xaafada New Bosaaso gaar ahaan ka soo horjeedka Xalwo kismaayo.

Ilaa iyo hada lama garanayo sabata loo dilay Nabadoonadaan ama loo barbartilmaamaystay iyadoo aan la garanayn cida ka dambaysan dilkaan lala beegsaday
Nabadoonada balse waxaa xusid mudan in ay kooxdii dilka gaysatay ay ka baxsadeen goobtaas. Isbitaalka guud ee Magaalada Bosaaso ayaa la gaarsiiyey dhawacyadii ka soo gaaray Nadoon Axmed Cumar Qobay iyo Xasan badan islamarkaasna ay baaritaano ka bilaabeen ciidamada Amniga ee Magaalada Boosaaso kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala goobta uu dilku ka dhacay.

Kala soco Wixii Soo Kordho
Baargaal.net
webmaster@baargaal.net

Developed by Jago Desain