Puntland Iyo Hay’addo Caalami ah Oo Markii Ugu Horeysay Booqday Deegaano Ka Baxsan Laamiga

Wafdi Ka socday golaha Xukuumada ee Dawladda Puntland iyo 7-hay’adood oo caalami ah ayaa soo gabagabeeyey Kormeer shaqo oo ay ku mareen deegaano ka tirsan gobolada Bari,Karkaar iyo Nugaal oo qayb ka ah sideeda gobol ee Puntland.

Wasiirada Kormeerka shaqo ku maray deegaanada hoostaga goboladaasi ayaa waxaa qayb ka ahaa: 



  • Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute.
  • Wasiirka Haweenka Arrimaha Qoyska Puntland Caasha Geelle Diiriye.
  • Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdillaahi Warsame
  • Wasiir K/xigeenka Hawlahaguud & Guriyeynta Cabdishakur Mire Adam (Cobol)
Wasiiro Kuxigeenada amniga iyo arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah Dawladda Puntland oo heer gobol ah.

Qaar kamid ah Wasiiradaasi oo saxaafada maanta kula hadlay magaalada Bosaso ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay saldhig u ahayd:

  • Arrimaha amaanka.
  • Abaaraha.
  • Siyaasada iyo arrimo kale oo ku jaan go’an.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute oo qayb ka ahaa mas’uuliyiintii maanta Saxaafada kula hadlay Bosaso ayaa sheegay in deegaanada ay booqdeen ee hoostaga gobolada Bari,Karkaar iyo Nugaal ay kala ahaayeen:

  • Eyl
  • Rako.
  • Bandar-bayla
  • Isku shuban iyo deegaano kale.
Wuxuu intaasi ku daray in dadka ay la kulmeen ay ahaayeen kuwa doonayey in ay arkaan xubno ka tirsan Dawladda iyo Hay’ado heer caalami ah,wuxuu hoosta ka xariiqay in dhinaca waxbarashada deegaanada ay tageen ay ahayd mid aad u wanaagsan.

Dadku waa kuwa leh khibrad wax soo saar,waxaase jirtay wado la’aan ka xanibtay in ay horumariyaan wax soo saarkooda oo ay qayb ka tahay Kalluunkooda..ayuu yiri.

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Yaasiin oo isna Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in deegaanada ay booqdeen xaaladooda amaan ay tahay mid aad u wanaagsan,wuxuuna sidoo kale uu sheegay in ay rajeynayaan in dhawaan ay socdaal ku tagaan deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo wafdi heer sare ah oo ka socda maamulka Puntland iyo Hay’addo caalami ah ay socdaal kusoo maraan deegaanada ka baxsan laamiga tan iyo markii la aasaasay maamulka Puntland sanadkii 1998.
Developed by Jago Desain