Raysalwasaare Farmaajo oo Dalka Kenya U ambabaxay

War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Farmaajo uu casumaad ka helay dhigiisan dalka Kenya Raila Odinga.
Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Raysalwasaaraha Kenya ka hor inta aanu ka duulin magaalada Muqidisho.


“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” ayuu yiri Farmaajo

Waxaa lagu wadaa in todobaadka danbe dalka Kenya uu ka furmo shir heer caalami ah oo ay soo qaban-qaabisey, Qaramada Midoobey kaas oo ah mid waatashi kuna saabsan sidii dhinacyada Soomaalidu ay u wada hadli lahaayeen meelna isula dhigi lahaayeen marka la gaaro bisha Agoosto ee uu dhamaado xiliga sharciga ah ee Dawladda kumeelgaarka ah.



Baargaal Net
Developed by Jago Desain