Shirkii Nairobi oo Socda

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka socda shirkii "WADA-TASHIGA" ee ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey.

Shirkan ayaa ah mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana sida la sheegay goob-joog ka aha xubno ka socda baarlamanka Soomaaliya, maamulada Puntland, Galmudug, Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo wakiilo beesha caalamka ka socda..

Waxaa shirkan furay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ambassador Augustine Philip Mahiga, waxaana uusheegay in shirkani yahay mid wada-tashi ah oo wax la isku tusayo .

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galkiisa diiday xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Developed by Jago Desain