Taariikhda Soomaaliya

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya. Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.



Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof.
60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo  5% oo ah dad Kaluumayato ah.

khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (
Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.
Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).
Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.

Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala  oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.
Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale).
Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa ,Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.
Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.

Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:
  • Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
  • Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
  • Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
  • N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
  • Iyo gobolada  Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.
shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.
Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol.
Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.
  1. Gobolka Banaadir.
ShingaaniHodanHowlwdaagShibis
BoondheereYaaqshiidKaaraanXamarJabjab
XamarweyneCabdicasiisWadajirWaaberi
WardhiigleyHeli waaDharkiinleyDayniile
Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga.  
   2.   
Gobolka Shabelada Dhexe.
JowharBalcadCadale
Aadanyabaal
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha
   
3.   Gobolka Hiiraan.
BeledweyneBuuloburteJalalaqsi
Matabaan
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.

     
4.   Galguduud.

Dh/mareebCaabudwaaqCeelbuur
CeeldheerCadaado
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

     
5.   Gobolka Mudug
GaalkacyoHobyoJariiban
Xarar dheere.Galdogob
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

     
6.   Nugaal.
GarooweEylSinujiif
BoocaneRabaableBurtinle
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
  7.   Gobolka Bari.
BoosaasoQandalaIskushuban
BandarbaylaCaluulaQardho
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.
  8.   Sool.
LaascaanoodXudunCaynabo
Taleex
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.
  9.   Sanaag.
CeerigaaboLaasqorayCeel afweyn
BaranBuraan
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga.
 10.   Togdheer.
BurcoOwd weyneSheekh
Buuhoodle
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.
  11.   Gobolka waqooyi galbeed.
HargeysoBerberaGabiley
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
12.   Gobolka Awdal.
BakiBoorameSaylac
Lug haya.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
13.   Gobolka Sh/hoose.
MarkaBaraaweQoryooley
AfgooyeWanlaweynKurtunwaarey
Sablaale.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
14.   Gobolka Bay.
BaydhaboBuurhakabaDiinsoor
UfurowQansax dheereBardaale.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.
15.   Gobolka Gedo.
GarbahaareyLuuq ganaaneDoolow
Beled XawoCeelwaaqBaardheere.
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.
16.   Gobolka Bakool.
XudurWaajidYeed
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.
17.   Gobolka Jubada Dhexe.
Bu'aaleDajuumoBaardheere
SaakowJilib
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu'aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.
18.   Gobolka Jubada Hoose.
KismaayoAfmadowBadhaadhe
Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo'da.
Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.
Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.
Xamar247kmBaydhaboXamar550kmDhuusomareeb
Xamar111kmMarkaXamar1600kmHargeysa
Xamar90kmJowharXamar1220kmLaascaanood
Xamar335kmBeledweyneXamar925kmGaroowe
Xamar485kmBu'aaleXamar1505kmBoosaaso
Xamar500kmKismaayoXamar1800kmBaki
Xamar430kmXudurXamar1340kmBurco
Xamar505kmGarbahaareyXamar1450kmCiiregaabo
Xamar750kmGaalkacyo
Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.
Muqdisho30kmAfgooyeAfgooye164Buurhakaba
Buurhakaba66kmBaydhaboBaydhaba150kmLuuq
Baydhaba155kmXudurLuuq 80kmDoolow
Luuq69kmGarbahaareyGarbahaarey129kmBaardheere
Baardheere195kmBaydhabaBaardheere260kmJilib
Jilib114kmKismaayoKismaayoq139kmAfmadow
Kismaayo195kmDhoobleyMuqdisho113kmMarka
Marka193kmBaraaweBaraawe168kmJilib
Muqdisho95kmJowharJowhar121kmBuuloburte
Buuloburte116kmBeledweyneBeledweyne45kmFeerfeer
Jowhar140kmCadaleCadale185kmCeeldheer
Ceel dheer162kmCeel buurCeel buur110kmSindago
Sindago164BeledweyneSindago220kmGaalkacyo
Gaalkacyo256kmHobyoGaalkacyo260kmGaroowe
Garoowe219EylGaroowe222kmQardho
Qardho258kmBoosaasoQardho221kmBandarbayla
Iskushuban280kmCaluulaCaluula40kmBareeda
Caluula105kmBaargaalGaroowe132kmLaascaanood
Laascaanood141CeeldhaabCeeldhaab255kmCeerigaabo
Ceeldhaab120BurcoBurco148kmBerbera
Hargeysa177kmBurcoHargeysa70kmGebiley
Gebiley52kmBooramaBoorama269kmSaylac
Saylac21kmLowyacadoXudur115kmYeed
Xudur242kmBuuleBurte
Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.
Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:
            Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ahGeela Lo'da oo iyagu la'isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
             
1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Halmarka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
             2. Lo'da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sacmarka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.              3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.              4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal)kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.
              Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:
Magaca
inta ay ku bislaato
Galayda90 beri
Masagada90beri
Sisinta90beri
Muuska180beri
Digirta80beri
Yaanyada80beri
Babayga90beri
Bataatiga180
Lowska120
Canbaha6sano
 Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.
HohobMareerGudDhafaruurDhuwanOntoro
DeegaanDhebiGobMiracasTukeLalmiMurcood
KobashAskaxShanfaroodBardeDhamaagQoone
  Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo
   
Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.     magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.
Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah"                 1.     26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
                 2.     
1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
                 3.      
1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
                 4.      
12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
                 5.       
8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
                 
6.      5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
                 7.      
27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
                 8.      
15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
                 9
 .     bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.                10.    20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
                11.    
21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
                12.    
16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
                13.  
  1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
                14.    
1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
                15.     
1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
                16.    
Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan. 
                17.    
Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke.
                18.    
bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre
                19.   
Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
                20.   
Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
                21.   
Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii 
                22.    
Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
                23.     
Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.
Developed by Jago Desain