Cali Boqor Muuse oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta

ALLAHA u naxariistee Marxuum Cali Boqor Muuse oo ay walaalo yihiin Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse (King Kong) ayaa ku geeriyoodey magaalada Dubia ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Marxuum Cali ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaa Dubai halkaasi oo lagula tacaalayey xanuunkiisa, balse uu geeriyoodey 26-kii bishan May 2011.

Marxuum Cali Boqor wuxuu ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaan deegaanada Puntland waxaana uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga shaqeyn jirey arimaha nabadda & horumarka gobolada Waqooyi bari ka hor intii aan la dhisin Maamulka Puntland sanadkii 1998-kii

Maamulka Shabakada Baargaal.net ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraaya eheladii iyo QAraabadii uu ka geeriyooday marxuumka waxaana leenahay ALLAH ka waraabiyo janada Fardowsa.

XAfiiska WArarka Shabakada Baargaal.Net
Baargaal- Soomaalia
Developed by Jago Desain