Hogaamiyayaasha caalamka oo baaq ay ka soo saareen shirka G8 ku sheegay inuu Khadafi deggo

Deauville, Baargaal.net - Hogaamiyayaasha caalamka ayaa baaq ay ka soo saareen shirka G8 ee labada maalmood uga socday dalka Faransiiska ku sheegay in Muammar Khadafi uu isaga deggo xukunka dalka Libya.
Baaqan, oo ka koobnaa 25 bog, waxaa kamid ah dalalka qeybta ka ah: Mareykanka, Ruushka, Jarmalka, Japanka, Kanada, Ingriska, iyo Talyaniga.

Isagoo ka hadlayey gabagabada shirka, madaxweynaha Faransiiska, Nicolas Sarkozy, wuxuu sheegay in la adkeeyey erayada ku qoran baaqan.

Baaqa ayaa lagu muujiyey in Khadafi iyo xukumaddiisu ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan masuuliyaddi ka saarneyd badbaadinta shacabka reer Libya, sidaasi darteedna ay tahay inuu Khadafi xukunka isaga deggo.

Madaxweyne Sarkozy iyo ra'isulwasaaraha Ingriska, David Cameron, ayaa qorsheynaya inay si wadajir ah u booqdaan xarunta mucaaradka Libya, Benghazi.

Xafiiska wararka Shabakada Baargaal.net
Baargaal
Developed by Jago Desain