Maamulka gobolka Bari oo ka hadlay dadaalo lagu dhamaynayo xiisado ka jira deegaano katirsan gobolka Bari

Maamulka gobolka Bari ayaa ka warbixiyay socdaal dhowaan wafdi ka kooban nabadoono iyo saraakiil ciidan ay ku tageen deegaano hoosyimaada gobolka Bari oo ay ka jireen xiisado u dhaxeeya laba beelood oo wada dega gobolka Bari.
Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka ay ku tageen deegaanka Barako iyo Dharjaale oo ka tirsan gobolka Bari ay ku saabsanayd sidii loo wacyigalin lahaa shacabka ku dhaqan deegaanadaasi iyo inlaga hortago dhibaatooyinka u dhaxeeya beelaha oo markasta kusoo noq-noqda shacabka deegaanadaasi.

Cabdi Xaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ay ka socdaan dadaalo ay wadaan isimo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka tirsan isimada waawayn ee deegaanada Puntland, kaasi oo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya labada beelood ee wada dega gobolka Bari.

Waxaa uu sheegay dhexdhexaadinta beelahan inay marayso meel wanaagsan islamarkaana la filayo in xal laga gaaro dhibaatooyinka u dhaxeeya labada beelood,waxaa uu sheegay dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixafid Cali Yuusuf inay dhowaan gudiga nabadgalyada gobolka Bari ay la kulmi doonaan labada beelood.

Hadalka gudoomiyaha gobolka Bari ayaa imaanaya xili dhowaan la sheegay in xiisado u dhaxeeya laba beelood oo wada daga gobolka Bari ay ka jireen deegaano degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Developed by Jago Desain