Madaxda dowladda oo loogu hanjabay shirkii Nairobi

Shir jaraa`id ay si wadajir ah u qabteen eregeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan Golaha Ammaanka Mark Lyall Grant, kan dowladda Koofur Afrika u qaabilsan Golaha Ammaanka Baso Sangqu iyo ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa shirka kadib ka dhacay xarunta QM ee Gigiri.

Waxaa lagu sheegay shir jaraa`idka in Golaha Ammaanku ugu hanjabay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan in ay lumin doonaan taageerada beesha caalamka iyo mida dhaqaale hadii aysan joojin khilaafka u dhexeeya labadooda.

"Waxaan la kulanay madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya, waxaana si wadajir ah ugu dirnay fariin culus oo aan ka wada mideysanahay", sidaa waxaa yiri eregeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan Golaha Ammaanka Mark Lyall Grant.

Waxaa loogu baaqay labada Shariif in ay raacaan axdiga KMG, joojiyaana waqtiyada ay kororsanayaan golayaashooda.

Inta ay isku mashquuli lahaayeen ayaa loogu baaqay in ay wax ka qabtaan arrimaha horyaal ee ay ka midka yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha dalka ka jira iyo dhaqaalaha dowladda KMG.

Canaantan ayaa ah tii ugu horeysay oo si toos ah loo gaarsiiyo labada Shariif tan iyo intii uu bilowday khilaafkooda siyaasadeed bilowgii sanadkan.
Developed by Jago Desain