Obama oo sheegay inay dileen Osama Bin Ladin

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa daqiiqado ka hor shaaca ka qaaday in ay Ciidamada Maraykanka ay ku guuleysteen inay dilaan Hogaamiyihi ururka ISlaamiga ah ee Al Qaacida Al-shahiid - Osama Bin Ladin.

Weli wax faah faahin ah lagama bixin sida ay Maraykanka ku ogaadeen halka uu ku sugan yahay Osama oo ahayd magaalo ku taal dalka Pakistaan, halkaasi oo ay si qarsoodi ah u galeen koox ka kooban 20 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka, waxaana magaalada lagu dilay Osama Bin Ladin lagu magacaabaa Abbottabad oo 150km u jirta magaalada caasimada Pakistan ee Islamabad.

Magaalada lagu dilay Osama ayaa ah magaalo xarun u ah ciidamada Pakistaan isla markaana ku taal Akademiyada ugu weyn ciidamada Pakistaan.

Hawlgalkan ay sameeyeen ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay gacan kusiiyeen ciidamada dowlada Pakistaan.

Si Kastaba Ha ahaatee Usaama Bin Laadin Ayaa Ahaa Hogaamoye aad looga Danbeeyo Loona Qadariyo Caalamka Islaamka , oo Noloshiisa inteeda Badan Ku soo Laastay Halgan uu kula jiro Dalalka Galbeedka iyo Ruushka

Baargaal.net
Webmaster@baargaal.net

Developed by Jago Desain