Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay agagaarka deegaanka Tukaraq

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay saaka kasoo ruqaansadeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan,balse wararka aan ka helayno saraakiisha Puntland ayaa xaqiijinaya in ciidamada Somaliland ay dib uga ruqaansadayn goobta uu ka dhacay dagaalka.

Deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee wasaarada duulista hawada Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash.

Ciidamada Weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwa ka soo jeeda deegaanka Sool, kuwaas oo ka amar qaata maamulka Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa la ´garan karin talaabada xigta ee ay qaadi doonaan , maadaama lagu soo weeraray deegaanka Tukaraq oo u dhow magaalada Caasimada u ah Puntland.

Shabakada Baargaal Net
Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain