May 19, 2011

Waxyaalaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaaro tacliinta

Waalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta.Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaaro waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan. Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto. Haddii xiriirkaasi noqdo mid joogto ah oo wakhti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmaha laga gaaro guul wax ku ool ah.
Haddiise xiriirkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata dhamaan dhinacyada aan kor ku soo sheegnay. Ilmaha waxbaranayaa waxaa uu aad ugu baahan yahay kaalmada joogtada ah iyo dhiiri gelinta uu ka helo waalidkiis. Ardaygu kolkii uu taas helo waxaa uu dareemayaa inuu hayo howl waxtar leh oo anfaceysa naftiisa, waalidkiis iyo wadankiisaba.

Haddaba sidee ayuu waalidku u kobcin karaa ilmihiisa si uu tacliinta guul uga soo hoyo?

Ugu horeyn waa inaad waalid ahaan diyaar u tahay inaad tacliinta ilmahaaga wakhti gelisid. Waxyaalahaan soo socda isku day inaad sameysid si ilamaagu horukac u sameeyo, niyad fiicana u helo.
Waxbadan ayaa waalidku qaban karaa


Warayso ilamaaga: Kolkii ilmuhu guriga yimaado ee uu soo dhameeyo iskuulka, weydii kana warayso waxyaalihii uu maanta kala soo kulmay dugsiga. Ilmaha yar-yari aad bey u jecel yihiin iney waalidkood u sheegaan iskuulku sida uu maalintaas ahaa iyo weliba waxyaalihii uu soo bartay. Daqiiqadahaas yar ee aad ilmahaaga dhegeysatey waxaa ay waallid ahaan kusiineysaa warbixin muhiim ah, ilmahana waxaa ay siineysaa kalsooni buuxda.

Ku barbaari ilmahaaga akhriska. Waa inaad ilamaha tustaa ugana sheekeysaa muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo. Haddii uu yahay gurigu meel wax lagu akhriyo, waxaa ilamaha u sahlanaaneysa inuu ku dhiirado wax akhriska. Ku barbaarinta ilamaha ee xagga akhriska waa inaad bilowdaa wakhti hore. Taas oo loola jeedo inta ilmuhu yar yahay. Waxaa aad u muhiim ah in ilmaha la geeyo goobaha wax lagu akristo sida maktabada (libary) iwm.Ilmuhu kolka ay aad u yar-yar yihiin ee aaney weli akhriska baran waxaa aad muhiim u ah in buugaag loo akhriyo. Taasi waxaa ay kobcineysaa maxkaxda ilamaha.

Daawashada tv-ga iyo ciyaaraha computerka: Waxaa aad iyo aad u haboon in ilmaha loo qorsheeyo daawashada Tv-ga iyo ciyaaraha komputerka. Haddii ilmuhu uu aad u badsado labadaan arrimood ee aan soo sheegnay waxaa uu ilmuhu aad uga daalayaa xagga maskaxda.
Taas oo dhalisa in ilmuhu ka caajiso ku dadaalista tacliinta maadaama ay maskaxdiisii daalan tahay. Waxaa kaloo ay daawashada badan ee Tv-ga iyo ciyaaraha komputeradu dhaliyaan in ilmaha ay ku yaraadaan hal abuurka xagga maskaxda ah. Ilmuhu waxaa uu noqonayaa sidii mashiinka oo kale, mar walbana waxaa uu sugaa in la howl geliyo. Haddii uu waayo komputer ama tv-na waxaa uu markiiba u imanayaa waalidkiis isaga oo weydiinaaya: Hooyo/aabe maxaan qabtaa? Waxaa i haya caajis aad u badan iwm. Baaritaan cilmiyeed badan oo la sameeyey waxaa lagu ogaadey ilmaha uu ku yar yahay daawashada tv-ga iney maskaxdoodu aad u fir-fircoon tahay, ayna mar walba diyaar u tahay iney wax cusub abuurto.
Haddaba waxaa waalidka la gudboon iney ilamaha u qorsheeyaan daawashada tv-ga iyo ciyaarta komputerka.

Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah: Ilmuhu waa inuu leeyahay jedwal joogto ah oo uu raaco. Tusaale ahaan waa iney ilmaha u kala baxsan yihiin wakhtiga wax akhriska, wakhtiga ciyaarta, nasashada, wakhtiga cuntada iyo wakhtiga hurdada. Haddii uu jedwalku isku qasmo waxaa dhaceysa in ilmuhu jahwareero isla markaasna uu garan waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa. Si ilmuhu ula qabsado jedwalkaan waxaa uu u baahan yahay caawinaada aabaha iyo hooyada. Tusaale ahaan kolka ilmuhu sameynaayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa waxyaalaha u sahli kara inuu haowshiisa guto. Waa in ilmuhu haystaa qalmaan kala duwan, kuwa midabka leh iyo kuwa caadiga ahba, mastarada wax lagu cabiro, miis iyo kursi wanaagsan, nal ifiin fiican leh iwm. Meesha ilmhu wax ku baranayaa waa iney ahaataa meel degan oo aan qaylo lahayn. Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogaa kolkii uu howsha iskuulka sameynaayo ama waa inuu meeshaas ka ag dhow yahay. Waa in dhamaan waxyaalaha ardayga khal-khalka gelin kara laga fogeeyaa goobta akhrisa. Waxyaalahaas waxaa ka mid ah Raadiayaha, Tv-ga, komputerka iyo wax kasta oo ilamaha mashquulin kara.
Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego buuga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.

Xiriir la sameyso iskuulka: Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku xiriir joogto ah la yeesho iskuulka ilmuhu dhigto. Waa in waalidku tagaa iskuulka kolkii uu sanad dugsiyeedku bilaamo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga. Taasi waxaa ay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgeliyo iskuulka. Macalimiintuna waxaa ay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba meesha ay tacliinta ilmahaagu mareyso iyo waxyaalaha loo baahan yahay in ardayga laga kaalmeeyo. Waxaa haboon in waalidku ku biiro gudiyada kala duwan ee iskuulka. Haddii taasi aaney suurogal ahayn waxaa haboon in waalid kale oo soomaali ahi galo gudigaas si uu waalidiinta kale ee soomaaliyeed ula socodsiiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan. Waxaa iyana muhiim ah in waalidku usbuuciiba halmar soo booqdo iskuulka ilamaha si uu indhihhiisa ugu soo arko siyaabaha kala duwan ee ilmaha wax loo baro. Waxaa loo baahan yahay in waalidku macalimiinta u sheego fikirkiisa ku wajahan habsami u socodka tacliinta ilmaha. Weydii macalimiinta maalmaha la doonaayo in lasoo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray. Waxaad kaloo weydiisaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Suàalaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan. Waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.

Kalsoonida ilamaha oo la dhiso: Waa in waalidku aad ugu dadaalaa in la dhiso kalsoonida ilmaha. Waa in ilmaha laga ilaaliyaa wax walba oo keeni kara niyad jab. Waxyaalaha ilmaha qalbadooda aan ka goìn, niyad jakana ku rida waxaa ka mid ah ereyadaan soo socda:

Waxaad tahay damiin. Waxba ma taqaanid. Maskaxda ayaad la`dahay? Hebel ayaa kaa fiican.iwm

Waxaa kaloo ilamaha niyad jebiya in ilamah lagu ceebeeyo ilmo kale hortooda. Waxaa haboon in ilmaha kolkii waxloo sheegaayo aan xitaa walaalihiis hortooda loogu sheegin ee si gaar ah loogu sheego. Waxaa waalidka laga doonayaa inuu ilmaha ka dhiso meelaha uu ku liito isaga oo aan dhaawacaynin kalsoonida ilmaha. Haddii ay taasi kugu adkaato iskuday inaad la kaashato macalimiinta soomaaliyeed ee arinkan khibrada u leh. Bar ilmahaaga inuu qaado masuuliyada tacliintiisa, una muuji inaad adigu tahay mid kaalmeynaaya.
Ilmuhu waxaa ay jecelyihiin iney mar walba matalaan oo ku daydaan waalidka sidaas darteed waxaa waalidka laga doonayaa iney noqdaan tusaale fiican.
Xusuusin: Qoraalkani waxaa uu ku saleysan yahay khibradayda macalinimo. Anigoo ku dhexjirey arimaha tacliinta muddo ka badan 20 sano. Anigoo macalin kasoo noqday wadankeenii soomaaliya iyo dalkan aan ku noolahay ee Sweden.

Qore: C/risaaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna, Sweden
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner