Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay markab xamuul ah

Baargaal:- Burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Masar kadib markii ay ka qaateen lacago madax furasho ah.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku waramaysa in burcad badeedu ay sii dayeen markabka lagu magacabo MV Suez kadib markii ay qaateen lacago madax furasho ah oo cadadkeedu gaarayo 21 million oo Dollarka Maraykanka.Markabkaan oo uu ka dul babanayo calanka jasiiradda Panama ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday dalka Masar waxaana saaran 23 shaqaalo ah oo sida la sheegay oo wadamo kala duwan u kala dhashay.
Mid ka mid ah Shufto badeeda ah ee markabkaan sii daayay oo magaciisa ku sheegay Cali ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters inay lacago madax furasho ah qaateen kadibna markabka ka dageen.

Si kastaba, ciidamada badda ee ururka midawga Yurub ee ka hawlgala biyaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in markabkaasi la sii daayay oo uu hadda ku wajahan yahay biyaha wadanka Masar.
Shufto badeedda Soomaaliyeed ayaa maalaayiin Dollar ka hela gaadiid badeedka ay afduubtaan waxaana ay ku andacoodaan inay yihiin ciidamada sharciga ah ee biyaha Soomaaliya illaaliya.

Xafiiska Shabakada Baargaal.Net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain