Cudurka Durayga Doofaarka Oo Dib Uga Dilaacay K/Africa

Waxaa markale dib uga soo cusboonaaday Dalka Koonfur Afrika, khatarta cudurka halista ah ee Durayga Doofaarka (Swine flu), iyadoo Wasaaradda Caafimaadkana ay digniino kala duwan soo jeedisay.

Waxaa gabi ahaanba albaabada la isugu dhuftay Iskuulada ku yaalla Magaalada faca weyn ee Johannesburg, ka dib markii uu ka dilaacay cudurka hargabka Doogaarka, sida uu maanta oo talaadaa ah 14/6/2011 shaaciyey Wargeyska Beeld.

The King’s School, oo ku yaala Linbro Park ee Johannesburg, ayaa xirnaanada muddo Todobaad ah, ka dib markii Lix ka mid ah Ardayda Iskuulka laga helay Viruska Jadeecada Laba kalana lagu arkay cudurka Durayga Doofaarka, sida laga soo xigtay John Pilkington.

“Laba ruux oo kale ayaa isla cudurkan hargabka Doofaarka la ildaran” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Waxaanu wadatashi cafaimaad la samaynay Dhakhaatiirta Caafimaadka ee Gobalka Guateng, anagoona kala tashanay talaabada aanu ku xirayno Iskuulka muddo maalmo yar ah” ayuu Pilkington u sheegay Afrikaans daily.

Si kastaba Kiisaskan cusub ee Cudurka Doofaarka (Swine Flu), ayaa lagu wargeliyey Waaxda Caafimaadka ee Gobalka Guateng.

Koonfur Afrika, ayaa horey u sheegtay in uu dalkeeda ka suulay cudurka durayga doofaarka, sida uu kal horaba uga yaraaday dalalka Qaaradaha caalamka gaar ahaan Asia oo aheyd halkii cudurkan lagu arkay markii ugu horaysay.

Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain