Faalo hoose: soo dhawaynta farmaajo oo lagu xumaynaayo maamulka puntland

Soo dhawaynta iyo Dabaaldagyada loo sameeynaayo mudane farmaajo ayaa waxaa dadka qaarkiis u fasiriin kuxumayn lagu xumaynaayo maamul Goboleedka Puntland oo iyadu heshiiska Kampala Daraf ka ahayd

Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa marar badan horay u sheegay in Puntland aysan kaalin muuqata ku lahayn dowladda KMG ah, taasi oo keentay in international community uu isku dayo in Puntland ay qaybtayda ka hesho Dawlada KMG ,

Marka kale Mudane Faroole wuxuu isku rabaa kursiga madaxtinimada dowladda KMG ah taasina cidna kama qarsoona , hadana wuxuu Shariif Sheekh Axmed u arkaa mas’uul beelaha Puntland uga eexday xilka R’isal wasaaranimada dowladda KMG ah.
Soo dhawaynta iyo taageerida farmaajo ayaa waxaa dadka qaarkiis u arkaan ku xumayn lagu xumaynaayo maamulka Puntland iyo madaxwayne Faroole, ileen cabdirashiid markuu shaqada hayay saas looma taageerin

Shirka kambaala ayaa ugu danbayntii soo dhameeyay khilaaf labad shariif oo dhinac ahaa iyo khilaaf dawlada KMG iyo Maamul goboleedka Puntland waxayna u muuqataa in Faroole LAgu qanciyay dib usoo celinta xiriirkii TFG isla markaana uu iskusoo sharaxo xilka madaxtinimada marka uu dhamaado waqtiga Shariif Sheekh Axmed.

Baargaal.net
Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain