Faroole oo sheegay in la maalgaliyay banaanbaxyadii Muqdisho

Boosaaso(BRGNET): Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole oo maanta furayay kala fadhigii 26-aad ee Golaha Wakiilada ee Mamaulka Puntland ayaa waxaa uu soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo quseysa gudaha dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole ayaa waxaa uu sheegay in banaanbaxyada maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya ee lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda islamarkaana lagu diidanaa shirka Madaxda dowaldda ee Magaalada Kampala ayaa waxaa uu sheegay inay maalgaliyeen mudaaharaadyadaasi shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan dowladda KMG ah.

Faroole ayaa waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday amaanka guud ee deegaanada Puntland iyo dilal dhawaan ka dhacay Magaaladaasi, isagoo arimahaasi ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay aargigixiso oo doonaysa inay qal qal galiyaan jiritaanka Maamulka Puntland.

Madaxweyne Faroole oo qudbadiisa ay dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaal dhowaan ciidamada Maamulka Puntlnad ay la galeen wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Max’ed Saciid Atam kaasi oo ka dhacay Buuralayda Galgal, isagoo tilmaamay inay gacanta ku hayaan deegaankaasi Ciidamada Maamulka Puntland.

Ugu dambeyn ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Puntland laamaha kala duwan ee bulshada inay la shaqeeyaan Hay’adaha amaanka si looga hortago dadka falalka amaan dari ka gaysanaya deegaanada Maamulka Puntland.
Developed by Jago Desain