Gagaab State { ma riyaaa mise waa wax jira}

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka ah asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.
Waxaa waayahan danbe soo ifbaxday arin halaag iyo masiibo ku ah ummadda Soomaaliyeed oo sii kordhinayaa burburkii uu dalkeena ku jiray muddadii 20ka sano aheyd. Arintaas waxaa mar walbaa hor boodaya qurbojoog isku sheegaysa aqoonyahano oo mar walbaa qori dableh ummadda kula dhex jirtaa. Maalin majirto uu Allaah keeno illaa waxaa taleefishinada laga daawadaa maamul goboleed aan jirin oo ah wax lamala awaalayo. Run ahaantii taariikhdu iyadaa isqoreysaa ogow gacan ku dhiiglenimadu maaha inaad qori qaadato oo kaliya ee wax walbaa ayaa ah. Ogoow qaran dumintaan waa wax baalka kuu galaya.
Waxaan ku arkay mid ka mid ah boggaga Soomaalida arin aad aan ula yaabay taasoo aheyd in la sameynayo maamul goboleed la magac baxay Gagaab state oo ay magaalo madax u noqon doonto Qandala. Qofka arintaas shaacinayaa waxaan la yaabanahay ma wuxuu ururinayaa fikradaha dadka, ma wuxuu is leeyahay aad ku yeelato magac, mise waa ka dhab. Si kastaba aniga, anoo ah muwaadin Soomaaliyeed, oo reer Puntland ah, ahna nin aqoonyahan ah oo u dhashay deegaanada laga dhawaajiyey waxaan leeyahay waa arin aan marna dhici karin, taasoo weliba ku ah ahaano Beelaha Cali Saleebaan oo runtii horey looga bartay kuwo wax dhisa laakiin aan marnaba ka qeyb qaadan bur burka dalka gaar ahaan maamulka Puntlaand oo ay hormuud u ahaayeen.


Maamulka imminka ka arimiya Puntlaand xilligiisa waa waqti kooban oo waxa u haray wax labo sano ka yar oo dhawaan ayaa la gali doonaa inshaa’allaah doorashooyinkii looga bartay Puntland oo qolyaha raadinaya wax Puntland ka hooseeya waxaan leeyahay raadiya sidi aad isugu soo sharixi laheydeen doorashooyinkaas oo raadiya sidaad madax uga noqon laheydeen Puntland, ee ha jahwareerinina shicibka masaakiinta ah ee deegaanadooda ku xasiloon.

Mar labaad iyo mar saddexaad waxaan ku celcelinayaa midnimada Puntland waa muqadas oo marna uma dulqaadaneyno in loo horseedo bur bur iyo kala fogeyn ummadahaas walaalaha ah oo ayan jirin meel ay ku kala tagaan. Maamulka Puntland waxa uu qabtay ama sameeyay horumar la taaban karo taasoo la doonayo in laga kala daadiyo horumarkaas ay ku tilaabsadeen. Waxaan leeyahay hanbalyo maamulka madaxweyne Faroole iyo golihiisa aqoonyahanada u baddan ee wasiirada Puntland. Waxaan kaloo maamulka ku adkeynayaa in ay iyagana iska oodaan dulduleelooyinka looga imanayo oo ay badiyaan booqashooyinka degmooyinka fog fog iyo tuulooyinka oo ay wax ka qabtaan baahiyaha jira.


Waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa aqoonyahanda ku mashquulaya in ay dadka sii kala fogeeyaan , iskuday inaad horumar kale oo taariikhda kuu gasha in aad dalka ku soo kordhiso ee ha galin baal mugdi ah oo beri kugu noqota boog aadan ka bogsoon karin.


Wabilaahi towfiiq – Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser – Leicester



QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain