Maamul Goboleed ma leedahay ? (Qormo tusaaleyn ah)

Qaabka ugu sahlan ee lagu asaaso maamul goboleed (Qormo tusaaleyn ah) – Reerkaaga maamul la’aan ma yahay? Beeshiinu ma ballaarantahay? Bad iyo webi ama leedahay? Balag iyo bandiiro la’aani ma jirtaa? Haddii ay jawaabta su’aalaha kore ama mid ka mid ah ay “Haa” tahay waxaan kuugu bishaaraynayaa in qoraalkan aad si wacan uga Faa’iidaysan
Haddaba si aad utoosido mudanaha dahsoom ee gudahaaga ku jiro si taxadar leh u akhri qoraalkan.

Yaa ka faa’iidaya qoraalkan?

Qoraalkan waxaa loogu tala galay in uu ka faa’iideesto qof walba oo doonaya in uu Madaxweyne Maamul-Goboleed noqdo.

Qof kasta oo doonaya in uu dhiggiisa xubinta Maandeeq la goosto.
Qof kasta oo doonaya in uu haatan sii ooto goofkii awowgiis, si uu gorgortamo amaba birito markii ay dowlad loo dhanyahay timaado duq-magaalo tuuladii isu soo taago.
Maxaad u baahantahay si aad Maamul-Goboleed u sameysato?
Waxba!. Adigoon is dhibin, duullaan anan qaadin, cidna dhaawicin, cudud ciidan iyo caddeyn lahaasho midna aan u baahan, waxaa suuro gal ah in aad Maamul-Goboleed kuu gaar ah aad yeeltid.
Haddaba si aad ugu guuleysato qorshaha madaxtinimo ee aasaaska Maamul-Goboleedkan waxaa muhiim ah in aad si taxadar leh u fulisos tallabooyinkan soo socda.

1-Magacaabsita Maamulkaaga.

Run ahaantii magac u helista Maamul-Goboleedyada maanta arin adag ma ahan, waxaaba ay dadka qaar ay ku doodayaan in ay ka sahlantahay magac u helista ilmaha dhallaanka ah, waayo berigii hore curad wuxuu ahaa Maxamed(lab) ama faadumo(Dhidig).

Maantase waa laga tagay dhaqankaas, sidaas daraadeed way adkaatay in boqolaalka magac ee Carabiga, Turkiga iyo kuwa aan asalkooda la aqoon meesha ay ka soo jeedaan aad uga dooratid dhallaankaaga mid ku habboon.
Hayeeshee magac u helista Maamul-Goboleeyada ayaa ah arin aad uga sahlan arinka kore(Magac u helista dhallaanka). Waliba wan aad qasho iyo wadaad aad u yeertaa midna uma baahnid.
Haddaba si aad magac ku habboon maamulkaaga aad u heshid waxaa muhiim ah in aad raacdid hannaanka magacaabista ugu habboon baahidaada.

Hanaan Ingiriisiga ah oo ku dhisan magaca gobolka ama tuulada oo lagu lamaano Ereyga “Land”.
Waxaa la ogaaday in uu hannaankan ka fudud yahay kuwa kale ee aan hoos ku sheegi doonno, waayo wuxuu hannaankan uga duwanyahay kuwa kale iyadoo la adeegsanayo luqad caalami ah(Cantaranashnaal). Hannaankan ah kii ugu horeeyay ee la adeegsado tan iyo goortii uu gooni-isu-taagga ka dillaacay geyigeenu. Si aad hanaankaan u adeegsatid waxaad marka hore u baahantahay magaca ka tarjumaya deegaanka/gobolka/tuulada+land. Tusaale :-
Buurland, Barwaaqolanad, Samoland.

Hannaanka labaad ee magacaabista ayaa ah mid ku saleysan carabeynta, inkasto oo uu midkani yahay mid ugub ah oo aan sidaas u shaac bixin haddana waa hannaan aad u sahlan, waxa kaliya ee aad u baahantahayna waa magaca Tuulada/Gobolka+Islaamiya. Ha moogaan in aad magaca tuulada/gobolka ka hormarisid ereyga “Wilaaya”

2-Caleemo Saarka (Doorashada)

Xusuusnow, waxaan ka hadlayana waa Maamul adiga kuu gaar ah, sidaa daraadeed doorasho uma bahnid. Kaliya waxaad u baahantahay caleemo saaris. Si uu ugu ekaado mid loo dhanyahay waxaad u baahantahay dhowr qofood oo reeraha ah oo u jadbeysan hor’umarka beesha iyo tiro kale oo iska jecel joogista goobaha dabbaal-dagyada iyo munaasabadaha ka jiraan.

3-Muunada Madaxda.

Waxaa jira usluub ama hab-dhaqan soo jireen ah oo ay madaxda maamuladda leeyihiin. Haddaba si aad ugu ekaato madaxweyne run ah waxa aad u baahantahay libis rasmi ah. Sida koorarka iyo koofiyadaha Barwaaniga ah. Noocyada jaakadaha iyo koofiyadaha waa ay badanyihiin waxa aad ku dadaashaaa in aad soo iibsatid kuwa ifaya ama birqaya. Tusaale ahaan koorarka waxaa ugu fiican noocyada Siilaanyo iyo Farmaajo. Koofiyadahana waxaa ugu fiican kuwa labada Shaiirf ee Soomaaliya.
Haddii Tuulooyinka/Gobolada aad sheeganeysid ay yihin kuwo ballaaran isku day in aad isku darsatid koorka Siilaanyo iyo Koofida Shariif Xasan. Hadii uu maamulkaagu yahay mid laftaada ama jilibka reerkaaga uun mid ku kooban waxaa kugu filan Fotoshari gacmogaab ah nooca Geellaha Jabuuti ama koor gacmo gab ah sida kan Prof. Dalxa.

4-Qarashka.

Intaa kadib waxaa kuu harsan howlo yar-yar oo maamul la xiriira. Waxaa ka mid ah abaabulka munaasabadda caleemo saarka. Shir saxaafadeed iyo baaq ummadeed. Qarasha kaaga bixi kara aad buu u yaryahay waana 1000$ oo kaliya.
Waxyaabaha ay ku baxaayaana waa kuwan:-


B-Kirada goobta munsaabadda calameeso saarku ka dhacayo waxaa ku baxaya 300$.
T-Wanaajinta iyo shaax-shaaxa qolooyinka Universal u jooga magaaladaada waxaa ku baxaya 400$. Ogsoonoow in ay dhici karto in munaasabadda caleemo saarkaaga laga soo sii daayo TV-ga dhowr maalmood kadib maalintii ay dhacday maadaama aysan jirin ajando maamul oo hufan oo uu TV-gu leeyahay, taana waa faa;iido dheeri ah oo uu kuu leeyahay Talefishinka.
J-Websityada Soomaalida kuwooda ugu afka dheer(Amaan u lama jeedo) oo aad u dirtid sawirada munaasabadda iyo dhowr sadar oo soo koobaya qaabkii ay u dhacday munaasabadda. Xusuusnow in aad sawirada raaciso mid aad kaligaa tahay. Arinkan waxaa kaaga baxaya 50$ oo kaliya.
X-Cabitaanka waxaa kaaga baxaya 50$. Haddaan doonto buskud Soomaali soo raacsii, isnaaqalka yaad horay uga soo qaadan karaysaa. 



Dadku sidii hore ma ahan macmacmaankana waa joojiyeen, xanuun kolestorool la yiraa yaa dillaacay.
KH-Fanaan wajiyo xun ah oo heesta calanka cusub kuu sameeyo waxa uu u baahanyahay 100$ ama qeyb jaad ah.
D-Sidoo kale waxa kaliya oo kuu harsan waa in aad isku aadisaa 10 qofood oo caruur iyo haween isugu jira oo tuulada aad ka soo jeedo banaan bax taageero ah isugu soo baxa. Waxaa kaaga baxaya 100$.
R-Intaa kadib waxaad u baahantahay wareysi BBC ama VOA iyadana uma baahna wax lacag ah, waxaa un muhiim ah in qof reeraha ah uu shaqalaha ka yahay mid ka mid ah labada idaacadood. Haddii aad nasiib leedahayna waxaad ina adeero ku yeelaneysaa labada idaacadood, inkasto oo ay aad u yartahay fursadda in aad qof iyo laba ku lahaato idaacadahaas, haddii aadan ku reer ahayn labada nine madaxda ka ah idaacahadaas sababtoo ah 90% hal reer ayaa ka shaqeya labada idaacadood.
S-Ugu Danbeyntii waxaad u baahantahay Amiin Caamir in uu kartuun kuu sameeyo, iyadana qarash kaagama baahnaa, laakin haddiyad khaas ah ayuu Amin U baahanyahay!

 Hambalyo Mudane Madaxweyne.

W/Q: Mohamed Haji.


Developed by Jago Desain