June 13, 2011

NOV 7 XEERARKA KALA DUWAN EE SOOMAALIDA

SHARE

XAAGAANTII IYO XEERKII SOOMAALIDII HORE

"Dad aan xeer lahayn iyo xoolo aan xero lahayn, labadaba meel la iskuma keeno"
Faracyada cutubkaan:
  • HORDHAC
  • MAXAA LA YIRAAH XEER?
  • QEYBAHA XEERKA GUUD EE SOOMAALIDA
  • NOOCYADA XEER SOOMAALIGA
  • XEER XAAGAAN (XEER HOOSAAD) AMA XEER JAJAB
  • FALXEYL UGAARATO: MARKII BARI AAD RABTID, BOGOXBAA LA AADAA!
  • XEERGAAL (XEER MAANDEEQ)
  • GEELOW QARAN NOQOTAY, MAANDEEQ 
  • NOQOTAY, EE MAXAAN ISKU NAHAY?
  • XIRIIRKA "KA-AAL" IYO ABGAAL IYO HARTI
  • KULANWEYNAHA KARAN-HEEGAN IYO GUURKII ABKAAL (ABGAAL)
HORDHAC


Meelaha loo maleynayo inay ku 
duugan yihiin qaar ka mid ah 
ab-awalada Soomaaliyeed (Prof. Gandi)
Waxaan muran ku jirin in afka Soomaaliga ah uu la facyahay ama in badan ka food-dheer yahay afafka ugu da'weyn adduunyada sida kuwii ay ku hadli jireen dadyow ku noolaa waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe. In kasto oo inyar laga darsay taariikhda afka Soomaaliga ah, waxaa durba soo baxday in wax ka badan boqolaal eray oo afkii ay ku hadli jireen Faraaciintii Masar, asal ahaan ka soo jeedo afkeenna. Tiro intaa ka yareyn oo erayaal Soomaali ah ayaa, iyagana laga helay afafkii ay ku hadli jireen Summeeriinta ku noolaayeen Meesobotaamiya iyo Finiishiyiinta Reer Kancaan oo deganaa bariga dhulka maanta loo yaqaan Falastiin
Afka Soomaaliga haddii sidaas u da'weyn yahay walina uusan dabar go'in sida afafka kor aan ku soo sheegnay, waxaa hubaal ah inay jiraan dad facweyn oo ab ka ab afkaasi soo kala dhaxlayay, jiilba jiilka ku xigana isku soo gudbinayay.  Su'aasha la isweydiinayo waa dadka afkaan Soomaaliga ku hadlayey miyaa markoodii hore ka yimid degaanada Meesoobitaamya iyo waqooyi bari ee Bariga Dhexe, ama waxaa jiray xiriir dhaqan-dhaqaale oo si aad ah u xoog badan ee ka dhaxeeyey xadaaradahaas (Mesobotaamya - Faraacinta) iyo xadaarad si fiican ay u yaqaaneyn oo ka jirtay Geeska Afrika, taas oo keentay inay erayaal tiro badan oo afafkooda ah isku milmaan, oo si isla mid ah u isticmaalaan? Ma la darsay lahjadaha ciribtirmi raba ay ku hadlaan beelaha Soomaaliyeed ee asal jireenka ah sida ugaaratada  Reer Boqon Boon iyo Yibirta, mana la barbardhigay luqadaha basbeelay ee Ugaartiga iyo Sumeeriga? Waxaa cajiib ah in wax ka yar saddex qoraal iyo cilmibaaris curyaameysan lagu sameeyay afafka Soomaaliga ah ee asal jireenka ah, aysanba jirinna abla-ableyn iyo isbarbardhig lagu hubinayo xiriirka afafkaas kala dhaxeeyey afafkii qadiimiga ahaa ee dabar-go'ay ee "Ugaartiga" Reer Finiishiya.
Maadaama aan ahayn aqoonyahan darsa afafkii hore, isla markaasna 25tii sano ee ugu danbeysay ay go'day daraasaddii laga waday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanadii arrimahaan isku taxluujin jirayna noqdeen tusbax go’ay, waxaan isku dayi doonaa inaan isku celcelsho cilmibaarista tirada yar ee la sameeyey wixii ka horeeyey xilligii burburka dawladnimada Soomaaliyeed, si ay ambaqaad ugu noqoto ciddii rabtaa inay sameyso cilmibaaris tan ka mug iyo tayo wacan. Si loo fahmo taariikhdaas dahsoon oo aan qoraalka lahayn, waxay danta kugu qasbaysaa inaad marjac ka dhigato qaar ka mid ah qayimada soo jireenka ah ee astaanta u ah Soomaalinimada. Qayimadaas waxaa ka mid ah afka Soomaaliga iyo aagga iyo bay’adda  uu ka dhashay, ku barbaaray, kuna bulaalay. Qayimada kale ee Soomaalinimada ku qotonto marjac lama dhaafaanka ah waxaa ka mid caadada, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Jaantuska aroorka afka Soomaaliya oo laga soo xigtay
HIGIL (jidhidhico.wordpress.com)
 Sida ummad kasto oo jirtay muddadaas dheer, Soomaalida (ama Soomaaliuyaalka) waxay soo martay heerar dhaqan dhaqaale ee kala heer duwan kalana heer sarreeya; laga soo bilaabo noloshii qadhaabsiga iyo ugaaratada, illaa laga soo gaaray Soomaalida maanta oo isticmaasho sanaacadaha casriga ah. Marxad kasto oo Soomaalidaas jirtayna waxaa jirey xeerar dadka ay ku dhaqmaan, kuna jaango'an heerkooda dhaqan-dhaqaale iyo xiriirka ay la leeyihiin dadyowga la deriska ah iyo adduunweynaha intiisa kale.
In kastoo xeerarkaas aysan qorneyn, hadana qeybo badan oo xeerarkaas ka mid ah, ayaa ab ka ab layska soo dhaxlayay, laguna dhaqmayay, ilaa uu ka mid noqdo qeyb ka mid ah nolosha qof kasta oo Soomaali ah. Raadadka xeerarkaasna waxaa kale laga heli karaa surta suugaanta Soomaalida sida:
  • Maahmaahyada iyo murtida Soomaaliyeed
  • Sheekooyinka iyo sheeko-xariirooyin kala dhaxlay oo odayaasha garta gooyn jiray laga wariyey.
  • Falxeylka (strategemma) iyo faalintii hore ee Yib-irka, Yib-xirka iyo Yib-shoxoradii hore.     
Haddaba waxaa ummad kasta lagama maarmaan u ah inay aqoon u leedahay wixii dadkoodii hore ku dhaqmi jireen ama wax ku qeybsan jireen ama sidii u noolaan jireen. Aqoonta noocaas ah waxay dadka u iftiiminaysaa kifaaxa ay samaayeen ab-awaladoodii hore, sida loo soo dhiraandhiriyay ama u dhasheen xeer ama dhaqan maanta lagu dhaqmo, hase yeeshee aan maanta noo lahayn dhadhan mac iyo dheefsi muuqda, sidaas darteedna si sahlan loo buriyo ama la isaga dhego tiro. Xaagaanta iyo xeerkii hore ee Soomaalida waxay mug iyo miisaanba ku leeyihiin, salkana ku hayaan sooyaalka iyo raad-raaca taariikhda ummaddeena, isla markaana waxaa ku gaashaaman aqoon, karti iyo garaad dheeri ay Soomaalida ab ka ab iska soo dhaxashay.





MAXAA LA YIRAAH XEER?

Qeexidda af ama luqo ahaan:  Erayga “XEER” wuxuu ka soo jeedaa “XEERASHO ama XEERIN” oo ah suuhdimeysi uu qof ama dad ay meel weegaarsan xaartaan (banaansadaan)  oo ood ama dhis ay xuduud ahaan ugu wareejiyaan, si ay u tilmaanto lahaansho gaar ah ama ay isaga ilaaliyaayaan cadow ama habardugaag khatar galin kara.
Waatii Soomaalidu tiraah: “Xeer iyo xuduud ayaa xigto iyo xoolaba lagu ilaalsadaa”.  Waxaa kale oo la yiraahdaa,, “Xoolahaaga xerada ha kuugu jiraan ama xeer ha kaaga maqnaadaan”.
Isticmaalka luqadeed ee erayga "xeerin" waxaa si qurxoon u adeegsaday qoraa maqaal ku qoray Caasimadda Online, 27/11/2014, isagoo maqaalkiisa ku yiri:
"Odayaasha Dhaqanka Hawiye waxay ka fekeraayaan inaysan si sibiq leh ugu fashilin dhexdhexaadinta, waxayna XEERINAYAAN isku duubnida Odayaasha Soomaaliyeed, waxaana la hadal hayaa inay si mideysan oo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed (ODDHABEES) ku guda galaan dhexdhexaadinta".  Qoraaga wuxuu erayga "xeerin" ka wadaa sameynta weegaar (circle) ama xero wareegsan oo ay ku wada jiraan golaha ODDHABEES oo mideysan, arrintana u galo qaabka dhexdhexaadinta dhaqameed. Waxaa ishayda ay qabatay sida qoraagaas u doortay eraygaas iyo kan "ODDHABEES" (Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed), eraygaan danbana wuxuu muujinayaa in oday dhaqameedka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa "ISKU DHABAAYEY ama ISKU XIRAYEY OODDA" lagu xeerinayo xerada wadajirka Soomaaliyeed. Sida marar badan u muujiyeen Golaha Guurtada Soomaaliland, golaha xeerinta ODDHABEES waxay si wanaagsan u furdaamin lahaayeen arrimaha murugsan ee Soomaaliya, haddii fursad iyo fulinta taladooda loo madaxbaneyn lahaa.
Macne labaad oo erayga “XEER” uu leeyahay waa xarig aad u dheer oo la isugu xiro dhigaha lagu dhiso qal Soomaaliga, si ayna dabaysha u kala daadinin, ayna u xajiyaan culeyska kabadda iyo falkada dusha laga saarayo.
Xeer wuxuu kale oo ka imaan karaa magaca weel Soomaalidu ku cunto soorta iyo canbuulada, lana yiraahdo "xeero".
Saddexda macno ee erayga “XEER”, oo aan kor ku qeexnay, waxay tilmaamayaan in “XEER” uu yahay waxa isku hayo dad si ay meel ugu wada noolaadaan, kuna helaan nabad iyo naruura (barwaaqo iyo baraara wada jira). Xeer waa xarigga ama dunta isku xirta dadka kana soo saarta bulsho-siyaasadeed oo sooyaal iyo soohdin leh, sokay iyo sidig leh, dirir iyo difaac leh, deeq iyo dux wadaagta. Waatuu Abwaan C/qaadir Cabdi Shube yiri:


Waynaan dhaaginee dadyohow


Abkeen dhaqan buu lahaa


Xeer uu dhigtay buu lahaa


Hab uu dhawrtuu lahaa


Ku dhaqan sharci buu lahaa


Dhammaan gacal buu lahaa


Dhaxdiyo dhalaskuu lahaa

Qeexidda sharci ahaan: Xeer waxaa la yiraahdaa wixii loo degsaday in lagu dhaqmo ama lagu horjoogsado ama wax looga qabto dembiyada dhiciddooda, ama lagu kala saaro labo  qof ama labo koox oo ay wax dhexmaraan ama wax ka dhaxeeyaan. Xeerku wuxuu leeyahay go’aanno tiirar ah oo laysu soo ururiyey loona dejiyey inay damaanad qaadaan dereseynta, nabadda iyo xasiloonida dadka, nidaaminta dhaqdhaqaaqa iyo macaamilada umadda iyo ka ilaalinta inuu qofna qofka kale ku xadgudbo. Xeer waa u sinnaanta fursadaha, waa shuruuc ay ummaduhu dejisteen si loo wanaajiyo xiriirada u dhexeeya shakhsiyaadka iyo qaramada, loogana hortago loona xalliyo colaadaha. 

QEYBAHA XEERKA GUUD EE SOOMAALIDA

Xeerka Soomaaliga wuxuu u kala baxaa labo: Xeer guud iyo Xeer gaar.
Xeer guud waa xeerka ay ka wada siman yihiin Soomaalida, reer guuraa ha ahaadaan mise reer magaal, xoolo-dhaqato ha ahaadaan ama beerey, xirfadle iyo xafiis fadhiyaba.
Maadama farta Soomaaliyeed aysan qornaan jirin waxay suugaaanleyda iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay alifaan suugaan si sahlan loo xusuusan karo, kana samaysan weedho leh “xaraf-raac” (erayo ka wada bilawda xaraf isku mid ah). Lammaanayaal muujinayaa lammaanayaal leh “xaraf-raac” waxaa ka mid ah:  Tix-Tiraab, Tiirre iyo Tinninix, Raxan iyo Ruux, Waaq iyo Wagar, Gareen iyo Garfuul, Guddi iyo Gande, Sumul iyo Subeen, Mirix iyo Malaaq, War iyo Wacaal,  dheg iyo dhaban, Joog iyo Jiif, Ab iyo Abnaq, Dooq iyo Dareen, Hilib iyo Harag, Qulub iyo Qasaaweselel, So’ iyo Saan, Laf iyo Lud, Jiir iyo Jibaad, Dad iyo Duunyo, Yuug iyo Yamaanyuug, Yur iyo Yel, Yaab iyo Yaabkiis, Yoon iyo Yeedh, Yulqan iyo Yooyootan, Yabooh iyo Yaahdin  iwm.
Sidoo kale xeerka guud ee Soomaalida wuxuu lahaan jiray lammaanayaal xaraf-raac leh oo si sahlan loo xusuusan karo, dadkana wada fahmi karaan. Tusaale xeerka guud ee Soomaalida wuxuu u qaybsamaa laba qalbac oo waaweyn oo kala ah:

Dhur iyo Dhaqan.
§  Dhur wuxuu u kala dhilqamaa Qudh iyo Qoon
                                             I. Qudh wuxuu u kala jabaa Kas iyo Kam.
§  Dhaqan wuxuu u kala dhilqamaa Xilo iyo Xoolo
                                               I. Xilo wuxuu u kala jabaa Dheer iyo Dhib
                                              II. Xoolo waxay u kala jabaan Bar iyo Beero
                                                     a. Bar waxay u kala baxdaa Magan iyo Mooro.
                                                                                                                                                  
Dhur wuxuu ahaa wixii dhiig ama dhaawac oo uu qof geystay, wuxuuna u kala baxayaa qudh iyo qoon. Qudh waa wixii dil ah oo kas ama kasmo ku imaan kara.   Qoon waa wixii dhaawac ama nabar ah oo qof geysto.   Magan waa xoolo baadi ah ama booli ah oo xeradaada ku jira.   Mooro waa wixii qofku uu isagu leeyahay ha dhaqdo, ha dhaxlo ama deeq ha ku helo.

NOOCYADA XEER SOOMAALIGA
Waatii hore loo yiri: “Xeerba xogtiis iyo xilligiis”, waxay Soomaalida lahaan jirtay xeerar kala duwan, kuna xiran bay’adda iyo baxaaliga ay dadkaas ay nool yihiin, aqoonta iyo aqooliddooda, xoogga iyo isku xirnaantooda. Dadkii ugu horeeyey ee Geeska Afrika soo degay muddo haatan laga joogo qiyaastii 11 000 sano, waxay u badnaayeen qadhaabsato isugu jira Reer Nuubi (Nubians) iyo Reer Khoysan (Khoisan), waxaase 7 000 ka hor soo duldegay Reer Kooshin (Cushites) ka yimid bartamaha waqooyi  ee Afrika. 
Deegaanka dadka ku 
hadlo afka Kuushiinta
Isku milanka dadyowgaan kala duwan ayaa degay Harada Abaaya ee ku taal koonfurta Itoobiya xilli haatan ka joogno 5 000 sano.
Fidka Soomaali-uyaalada
 3000 sano NCKH
Dadkii oo halkaas ku batay, barashada leylinta qaar ka mid ah xoolaha duurjoogta, sida eeyaha, idaha iyo daameeraha iyo isbedel cimileedka ayaa ku qasbay dadkii Harahaa deganaa inay u hayaamaan waqooyi iyo waqooyi bari ee Geeska Afrika. Dadka waqooyiga aaday waxay sii mareen dirirada Dhulkoraadka Itoobiya waxaana la yiraah Kuushiinta Bari Dirirdegeynta ah (Highland Eastern Cushites), dadkii u guuray dhul hoosaadka kulul ee haaweyga ah Bariga Afrika waxaa la yiraah Kuushiinta Bari ee Haaweydegeynka ah (Lowland Eastern Cushites). Dadkaan Dirirdegeynka iyo Haaweydegeynka ah, waxaa luqad ahaan lagu tilmaamaa “Soomaali-uyaal” (Proto-Somali), waana dadka ku hadli jirey afka maanta aan naqaan.
Hab-dhaqanka Soomaali-uyaaladaas wuxuu ku saleysnaa ugaarsasho iyo dhaqashada sabjoogta kala ah idaha, ariga iyo lo’da, intii isku meel wax qoysato (raashin ku karstana) waxaa la yiraah “qoys”. Samaysanka “qoys” wuxuu dhaliyay bilawga xeerka “xilo iyo xidid”. Dadka markuu batay, qoysaskii baa noqdo “laf iyo laan”, “jilib iyo juffo”, “reer iyo raxan” “tol iyo taagweyn”. Waxaa bilaabmay in beelihii meel isla dega, ama hal oday ama habar ka soo daadega (ku abtirsada), duulaan iyo difaac wadaaga ay sameystaan “oday ama odayaal” warkooda la maqlo, iyagana ka mas’uul ah.
Waxay dadkii hore aaminsanaayeen in odayaasha leeyihiin ayaan iyo burji ka sarreeya dadka kale, odoyaasha qaarna ay leeyihiin awood ruuxi ah oo ku xiran eebaha cirka (lahjadda mayga: irka). Odoyaashaan danbe ayaa loo yaqaanayYib-cir ama Yib-ir (oo la macna ah cir ka shaxe). Yib-irka waxaa la shaqeyn rag la yiraahdo “Yib-xir” iyo “Yib-shoxor”.  Ragga noqonayo saddex koox ee Yibka ah, waxay badanaa ahaayeen ragga maqaam sare the joogo bulsha degta tuulooyinka iyo magaalooyinka iyo qabiyaha reer guuraaga ah. Waxaase jiray rag kale oo darajo weyn ku lahaa bulshada ugaarata, siibana dadka layliya ama sabsaba doorjoogta kana dhiga xoolo “sabo-joog ah” (domestic animals). Dadkaas ugaaratada ahaa waxaa loogu yeeri jiray “boqon” oo laga wado dadkii feyla jari jiray xoolaha si ay qabsadaan ama u leyliyaan. Si ay u dilaan duurjoogta waaweyn ama isaga difaacaan habardugaagta,Reer Boqon waxay samaysteen fallaar baalal leh oo si xawli ah u gententa. Dadka waxay aaminsanaayeen in ayaanka “baal” oo la xiriira eebaha circa ee waaq, ugu wacan yahay awoodda gantameyd ay fallaarta leedahay. Fallaartaas baalasha leh oo ayaanleyda ah baa waxaa la yiraah “Boon”. Sidaas darteed, ragga fallaartaas “Boonta”ah sameeya, ayaa iyagana la heebeeyn jiray oo loona yaqaanay “Hargaanti” (dad badan difaace ama dad badan hoosaasiye). Marka laga yimaado ninka hargaantiga ah, herin kasto ee ugaarato ah waxay lahaayeen rag ah “Hargaantiguul”, “Qowse”, “Ul-dhexe” iyo dadka caadiga ah oo loo yaqaanay “Uunley ama Deebaad”.
Soomaalidii markay badatay xoolo, beero iyo degaamo ay si joogta ah ay u deggan yihiin samaysteen waxay noqdeen tolol iyo taagweynayaal xoog iyo xeylba isbida waxaa soo baxay oday dhaqameedyo ay hormuud u diyiin “Boqor”, “Garaad”, “Ugaas”, “Wabar”, “Malaakh”, “Gareen” iyo “Islaw”. Oday dhaqameedyadaan iyo kuwii ka horeeyay ee Yib-irka, Yib-xirka, Yib-shoxor iyo Hargaantigaba waxay yaqaaneen xeerar dad ay matalaan ku dhexdhaxaadiyaan, laguna furdaamiyo dhibaatooyinka kala dhaxeeya dadyowga deriska ama cadowga yihiin. Xeerarkaas waxaa ka mid ah:
  • ·         XEER XAAGAAN (XEER HOOSAAD) AMA XEER JAJAB
  • ·         XEER AJAAGLE (XEER HAL-MURAN-BA')
  • ·         XEER AJI
  • ·         XEERGAAL (XEER MAANDEEQ)
  • ·         XEER CIISE
  • ·         XEER ISLAAM
  • ·         XEER CALMAANI
Xeerarkaan waxaa guddoomin jirey odayada garaadka iyo kasmada leh oo laga heebeysto amase waayeel iyo dhalinyaro midday ahaataba. Xeerarkaas waxaa la guddoonsan jiray markii la arko in loo baahan yahay amase la arko dhibaatooyin taagan ama soo laalaabta, markaasna lagama maarmaan noqoto in la dejiyo xeer arrintaas looga hortayo. Xeerka marka la guddoomiyo waxaa la gaarsiin jiray dadweynaha deggan meeshaas, waxaana dhici jirtey inuu qof walba u hogaansamo xeerka la goostay.

XEER XAAGAAN (XEER HOOSAAD) AMA XEER JAJAB

Xeer xaagaan (xeer jajab) waa xeer badaa’i ah oo aan lahayn qodobo cad cad, hase yeeshee xal u raadsha muranka iyo is-maandhaafka ka dhex dhaca reerka, ugaaratada iyo arahda (dadka u safra carro baadiyo ah, iyagoo raadsanayo caws, caw, miro, xabag, iwm oo baadiyaha laga helo).  Xeerkaan wuxuu tilmaamayaa sidii laysku gargaari lahaa iyo sidii loo qaybsan lahaa wixii la soo helo. Waxay samaysan jireen qof u madax ah iyo guddi la shaqeyso.
Xeer jabjabkaan wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa xeerka ugaaratada ee "HALAAMBEY" (asal ahaan ka timid hal-ambey ama mid lumay ama cararay, hase yeeshee waayihii danbe la micno noqotay "goobasho" ama "isugu tag"), taas oo ugu wacneyd in waayihii hore, dadka ugaaratada ah u ugaarsan jireen kali kali, waxaana batay dadkii ka ambanayey degaankooda, aakhirkiina bahal ama baahi ama bukaan meel cidla ah ku dhimanayay. Dhibaatadaas waxay keentay in ugaaratadii isku urursadaan herin-herin, ninka ugu geesinimo badan ama ugu waayo aragti iyo aqoon badanna ka digtaan hogaamiye looga danbeeyo maareeynta iyo mas'uuliyadda herinta ama herimaha. Mas'uunka herinta ama herimaha ka madaxda ahna waxaa la yiraahdaa "Hargaanti". Mas'uulkaan oo aalaaba ka madax ah boqol qof (saddex herin ama hal horin) wuxuu isna magacaabaa saddex nin oo la shaqeyso oo kala ah "Hargaantiguul”, “Qowse” iyo “Ul-dhexe”. Saddexdaan qof, ninba waxaa laga keenaa hal herin wuxuuna leeyahay hawl u gaar ah. Wixii intaas ka haray waxaa la yiraahdaa Uunley ama Deebaad.
Hargaantiguul waa ku xigeenka hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu maamulo herinta haddii hargaantigu maqan yahay oo meelo kale aado ama uu jiran yahay; waxaana magacaabaa hargaantiga. Haddii ugaar la soo dilo, hargaantiguulka wuxuu leeyahay qayb ka yar tan hargaantiga, hargaantiguulkana waa hogaamiyaa herinta marka ugaarsiga la aadayo.
Qowse isna waa kaaliyaha hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu qeybiyo ugaarta la soo dilo, cid kale ma qaybineyso oo aan isaga aheyn; qof walbana wuxuu siinayaa inta uu saami u leeyahay. Haddii herinta ay duceysanayso isaga ayaa kariya cuntada, waxaana loo yaqaan kariyaha herinta. Ugaarta la soo dilo wuxuu ku leeyahay qeyb ka yar tan hargaantiga iyo hargaantiguulka. Qowse waa sabajoog oo ugaarsi ma aado.
Uldhexe waa koox ka kooban qiyaastii 20-30 qof, hawsha ugaarsiga badankeedana ayagaa qabta. Waa koox aad iyo aad u tababaran, shaqadooduna tahay ugaarsi kaliya. Haddii ugaar ay soo dilaan, dhammaantood waxay leeyihiin qeyb isku wada mid ah oo ka yar tan Qowse. Haddii qof uldhexe ka mid ah uu xunuunsado qeybtiisa waa loo geynayaa.
Uunley waa kooxda ugu hooseysa herinta, waxaa ka mid noqonayaa qof kasta oo herinta ku soo biira. Kooxdaan waxaa kale oo loo yaqaanaa “deebaad” oo ah shimbir magaceed, sababta loo yirina waa wax sheegsheegooda oo badan. Uunley waa koox ku jirta tababar ugaarsi iyo iney bartaan sharciga u dejisan herinta, taasoo ah kala danbeynta iyo ixtiraamka, waayo waxay u badan yihiin dhalinyaro, caruur iyo haween. 
CARBISKA UGAARSIGA, DABASHASDA IYO 
DIFAACA EE HALAAMBEY (ISUGU TAG)

Sida aad u aragtid ugaaratadii badaa'iga ahayd waxay lahaayeen nidaam ku salaysan kala danbeyn, hawl qaybsi iyo is taakuleyn. Arrintaan waxaa si gaar ah ay u muuqanaysaa marka ugaaratada ay sameyn jireyn "CARBISKA UGAARSIGA  EE HALAAMBEY".
Cilmibaaris uu C/raxiim M. Axmed Musal sideetamaadkii ku sameeyay dhaqanka ugaaratada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Buur Haybe, ayuu ku sheegay in dadkaas waayihii hore koox-koox u gaarsan jireen. Caruurta inta ay yihiin "Uunley"ayaa loo carbinayaa ugaarsiga keli keliga ah iyo kan kooxeyd. Carbiskaan waxaa ugu badnaan la qabtaa waqtiga barwaaqada ah, oo ugaarta meel kasto iska joogto. Maadaama dadkii hore aysan haysan fallaar ama waran afka bir ka ah, waxaa la adeegsan jiray ulo ama fallaaro gadaal baalal looga dhajiyay. Maadaama usha ama fallaarta baalka leh ay ku dhici jirtay meel ka fog, halka ay ku dhacaan kuwa fallaar wadan, waxay ummadahaas aaminsanaayeen in waxa xawliga saa'idka ah shey siinayo inay tahay baalka shimbiraha duula, oo dadka uga dhaw "waaqa" deggan samadda. 
"GAMMUUN IYO GARASHO BAAN 
GAREENNIMO KU GAARNEY"
Carbiska ugaarsiga halaambeyga waxaa badanaa ka qeybqaataa barbaarta "ul-dhexaadka" la yiraah, oo gaaraya ugu yaraan "Hal-gaan ama Mid (hal)-gaan ". 
Halkii "gaan" ugaarato ama "Mid-gaankii" waa saddex illaa afar horrin (900 -1200 rag ah). Beerey-xoolodhaqata ah waxay "gaan" u yaqaanan dad gaaraya 3000 qof. Tan waxay muujineysaa in beereyda lahaayeen tuulooyin ama magaalooyin dadka badan isla degaan, sida ay u adag tahay in la helo 3000 ugaarato ah oo hal tuulo ama hal meel ku wada nool. Waxaase xilliyadii hore jiri jiray, beerey-ugaarato, xooley-ugaarato, siibana marka abaar jirto oo xoolaha iyo beeraha baaba'aan.Waxaa xusid mudan in qarnigii 9aad, ay magaalada Seerabiyood ama Maqcaddu-shaat (Muqdishow) laheyd afar xaafad, oo mid ka mid ah degnaayeen dad carab ah oo 15 000 kor u dhaafay; sidaas darteedna ay xaafaddaas loogu baxshay SHAN-GAAN (ama Shangaani).
  • Halkii horrin ugaarato waa 30 illaa 40 herin
  • Halkii herinna waa 30 barbaar.
Beerey-xoolodhaqata waxay herrin u yaqaanaan Xerin ama Soddon. Ururkii Beerey-xoolodhaqata ah oo dadkiisu ay ka kooban yihiin 50 sagaalle (ama Xerin ama herin ama 1500 qof) waxay hoos imaan jireen oday la yiraahdo "Oolay". Ururkii ka kooban labo nin oo "Oolay" ah (ama 100 sagaalle ama 3000 qof), waxay hoos tagaan oday la yiraahdo"Malaakh" ama "Dafaraan". Labadii Malaakh ama Daffaaraan iyo ciidankooda 6000 qof ah (ama 2 gaan beerey-xoolo dhaqato ah) waxaa hoggaamin jiray nin ah "Udumo".  Dad markay gaaraan labo "udumo"  (12000) waxay doortaan "Islaw". Sidaad u aragtid, ciidamada Islawga waa afar "gaan" beeralay ama 400 sagaalle (ama 12 000 dagaalyahan). Maadaama reeraha ama tololka qaar ay leeyihiin dagaalyahanno ka badab afar gaan beerey (12000), ayaa waxaa dhici kartaa in hal reer lahaado dhowr Islaw. 
Ugaaratada Ajuuraan iyo Gor-gaate (danbar horaad-raadsade), markay taabagaleyn waxay lahaayeen "GAAN-SHANLE" , "Guda" iyo "Gaas".
  • "Gaan-shanle" waa barbaar baalcad ah oo gaareysa "shan gaan" ama (4500-6000 qiyaas ugaarata ah ama 15000 qiyaas beerey ah). Xilligii Taliskii Kacaanka Soomaaliyeed ayaa eraygaan dib loo soo nooleeyay , isagoo adeegsanyo "gaan" ah kan ugaaratada; wuxuuna erayga "Gaanshanle" u soo gaabiyay "Gaashaanle" (oo dagaal gelsho ciidan gaaraya shan illaa lix kun) iyo "Gaashaanle Sare" (oo dagaal gelsho ciidan dhan 15 kun qof).
  • Guda waa ciidan gaara labo gaashaanle beerey (30 000 qof). Ciidankaan waxaa "guda" loogu baxshey waa iyagoo u adag sida geedka yicibta laga guro ee la yiraahdo "Guda". Reer leh dagaalyahanno gaaraya "guda", waa reer adag oo kara in dagaalyahadiisa qaar u diro qabsashada, difaacidda iyo degidda deegaan cusub, isagoon isla markaas wiiqin awoodda difaaca reerka haray. Tusaale, magaca "Guda-biirsi", wuxuu cadeenayaa in qabiilkaa ku soo biiriyey tolweynaha Madaxweyna Direed dagaalyahanno ka badan hal "guda" (30,000).
  • "GAAS" waa barbaar baalcad ah oo gaareysa saddex "Gaanshanle" (45000 barbaar  ama labo Guda oo 60000 ah). Erayga "Gaas", wuxuu ka yimid erayga "Igaas" oo la micna ah "dil ba'an ama siixaw ama baduujin ama cardaadiq ama yalam). Gaas waa duul cadad iyo cudud halkey maraan caws ka soo bixin, dad iyo duunyo warkooda daaye. Reerkii dagaalyahanadooda gaara "Guda" ama "Gaas", waxay u badan tahay inay degaanka ku kala guuraan oo ay noqdaan reero ama tolol cusub, maadaama daaqa iyo waraabka ku fillayn dad intaas la eg oo hal meel ku nool. Boqortooyadii Ajuuraan iyo Harla ka dib, waa ay kala jabjabeen waxayna ku kala biireyn isbahaysiyo carbeyd oo diini ah, waxaana yaraatey qabiil Gaas ama Guda dagaalyahan ah oo hal meel ku nool. Taas waxaa ka daran iyadoo guud ahaan la baaba'shay hannaankii kala danbeybta dagaalyahanada ee hiddaha iyo dhaqanka u lahayn (sagaalle, oolay, dafaraan ama malaakh, udumo, gaanshanle, iwm), laguna bedelay magacyo Carbeed oo Soomaalida micno gaar ah ugu fadhinin sida Imaam, Naa'ib, Suldaan, Sayid, iwm. Wakhtigii hore, qofka kuma dhicin in loogu yeero "Maalaakh", ama "Oolay" ama "Udumo" iwm, haddii uusan madax ka ahayn tirada dableyda ee magaciisa sheegayo. Haddase qofbaa "gaas" iyo "malaakh" iskala baxayaa, isagoon waligiisa "labo digaag" meel isugu keenin! Tani waa nabaad guur dhaqameed ee nagu dhacayey afartii boqol sano ee ugu danbeysay. 
  • Darajada ugu sarreysa waa "Sarreeye Gaas" (ama Gaas-guul) oo dagaal-gelsha ciidan kor u dhaafayo 120,000.
Nidaamkaan kala danbeynta iyo qaabdhiska maamulka waxay Ajuuraankii ay ka dhaxleyn ugaaratadii dhulka koofur uga horeeysey, sida Kabaale, Eeylo, Garmagale iyo Shabeele, inta kuwaan danbe aysan noqon beerey. Boqoradii ugaaratada oo magacyadooda na soo gaaray waxaa ka mid ah Boqor Dibkaa Baalow, Boqor Geedi Baabow iyo Boqor Feyle Aarow. Boqoradaan si ay u muujinaan dadka kale inay ka sarreeyaan ayay degi jireen buur ka dheer dhulka u dhow, maadaama waxba wuxuu ka dheer yahay ay dadka aaminsanaayeen inuu waaq uga dhow yahay. Tusaale, Soomaalida geela iyo gerigaba xoolaha kale waa ka jecel yihiin, maadaama xoolahaan ka dhaadheer yihiin kuwa kale, sidaas darteedna la aaminsanaa inay waaq uga dhow, oo waatii hore loo yiri: "Geeley iyo Geri koombe, Geedi Baabow guri ugama baxaan, gabarna ma siiyaan" . Taas oo cadeynayso in burji ahaan ay siman yihiin. Burji siinaanta ugaaratada fallaarta wax ku disha iyo xoolaha ama dugaagga waaweyn ama ka xoog badan waxaa ka mid ah in magaca ugaarta waaweyn la yiraahdo "usjin" oo macnaheedu yahay "isku jin" ama "isku fac".  Intaa kaliya ma ahee markii ay dilaan neef "usjin" ah, intaan hilibkiisa la cunun waa in la dheelaa cayaar la yiraahdo "Baal-Dooriyow", si awoodda "baalka" neefka usjinka loo bedelo, si aysan dhib ugu keenin dadka hilibkiisa cunayo.

FALXEYL UGAARATO: MARKII BARI AAD RABTID, BOGOXBAA LA AADAA!

Cilmibaaristii uu C/raxiim M. Axmed Mursal ku sameeyay dhaqanka ugaaratada Buur Heybe, wuxuu ku tilmaamay hab ugaarsi meelo badan ee Soomaaliya looga dhaqmo, oo ah in dadka qaar ugaarta dhan u didiyaan, kuwo kalana ay ku sugaan halka ugaartaas loo soo didinayo, markaasna u dhiga dabin, ama boqno goys ama fallaareyn. Arrintaan waxaa loo sameyn jirey labo labo qof ama herin herin. Waayihii hore oo dadka badankooda ahaayeen ugaarato, waxay barbaarta isku dayi jireen inay nolol ku soo qabtaan duurjoogta hilibka leh, si ay u dhaqdaan.
Barbaar aan ka yareyn 10 herin, caruur iyo haween tiro badan ayaa waxaa loo dhiibi jiray durbaano iyo qoryo la isku garaacayo waxayna saf ballaaran orod iyo rucleyn ku gali jireen keynta ay ku nool yihiin ugaarta kala duwan. Sawaxanka iyo qaylada dadkaan ayaa xayawaanka ka qixi jireen, Marka ugaarta meel ban ah u soo baxdo, ayaa beryo la raacdeen jiray, waxaana nolol lagu qaban jiray ugaarta tabarta yar iyo kuwa markaas dhashay. Ugaarta waaweyn waa la boqno goyn jirey ama dhagaxbaa maashka (madaxa) looga dhufan jirey si ay u wareeraan oo ay dhulka ay ugu dhacaan. Kolkaasbaa rag xoog badan lugaha ka dabri jireen,ka dibna loo kaxeen jirey. Ugaarsiga waxaa kale loo adeegsan jiray eyga iyo jambeelka oo la daba diri jiray ugaarta orodka badan si ay u boqno gooyaan.





XEER AJAAGLE (XEER HAL MURAN BA') 


SHANTA XEER AJAAGLE (XEER HAL-MURAN-BA')
1. Aagsin waa aag eebe ee haloo sinnaado.
2. Aagsin waa barisin ee ha la is bareeysiiyo.
3. Aagsin waa siinwaaq ee hala seymowadaago.
4. Aagsin waa seerobiyood ee hala seerowadaago
5. Aagsin waa aag abeesooley, ee halo eebo sameysto



 
Waxay ahayd muddo haatan laga joogo 4000 sano markii “Kalibaar Mursi Wa-aderi Karan”








uu Tiirayaashii Finiishiyanka u soo horkacay dhul dadkii Meesoobataamiya u aaminsanaayeen inuu ka yimid eebahooda bisha. Magaca eebahaas ay ugu yeeri jireen wuxuu ahaa “Sin” oo ka yimid magaca Soomaaliyeed oo ah “Aag Sin bari”.Garaadkii Gidir oo karanta u dhigay Tiirayaasha ayaa faray in walaalkiis Kalibaar Mursi Waadeere uu aado “Aagga Sinbari” ama degaanada bari ka siman yahay ama ku eg yahay, kana codsado odayga leh ayaanka hirka ugu weyn badda Aagga Sin bari (Hir+aabe) in Tiirayaasha aagggaas imaan karaan iyo in kale.
Odaygii Hir-aabe iyo Kalibaar Mursi markay is arkeen way isa soo raaceen waxayna yimaadeen Adari  (Harar), sida dhaqanku ahaana waxaa loo sameeyay karan weyn waxaana lagu daray gabar.  Sidaas ayay  Hiraab iyo Karanle ku xidideyn, Kalibaar iyo Tiirayaashana loogu idmay inaay yimaadaan “Aagga Sinbari”. Sidaas darteed ayaa dhulka Aag Sinbari lo yiri waa “Helo Karanle” (meel uu helay Karanle) iyo “Hoy Hiraab” (meel asal ahaan u degnaayeen Hiraab oo aan la kala reebin) aakhirkiina ka hanoqaaday boqortooyinkii Hawiye ee Ajuuraan, Wadalaan Silcis iyo tii Dalandoolle Hiraab.
Markii la sagootinayay ayaa Tiirayaashii lagu yiri waxaa la idiin ka xeynayaa “aagga Sin bari”; waxayna u qaateen in la yiri “Aa Sin”, waxayna dhulkaa ugu yeereen ASIN. Faarisiintii, Roomantii iyo Carabtii ka danbeysayna waxay eraygii ka dhigeyn A-ZAN ama AZIN, walow xarfaha afka Soomaaliga uusan ku jirin Z.
Inta aysan israacin martidaan ka socotay Hiraab iyo Tiirayaasha Finiishiyiinta ah ayaa waxaa la sameeyay karan ballaaran oo ay ka soo qeyb galin odoyaashii Karanle ee ku xeeldheeraa yib-irnimada, yib-xirnimada iyo yib-shoxornimada waxayna iyaga,  Tiirayaasha iyo odaygii Hiraab dejisteen xeer la yiraah “Muran Ba’is” oo looga hortagayay in lagu dagaalo dhuulka eebaha SIN. Qodobada Xeerkii Muran Ba’ ama Xeer Ajaagle waxaa ka mid ahaa:
1. Aagsin waa aag eebe ee haloo sinnaado.
2. Aagsin waa barisin ee ha la is bareeysiiyo.
3. Aagsin waa siinwaaq ee hala seymowadaago.
4. Aagsin waa seerobiyood ee hala seerowadaago.
5. Aagsin waa aag abeesooley, ee halo eebo sameysto
Sida aad aragto xeer ajaaglaha wuxuu muujinayaa in Soomaalidii hore ay aad u khadarin jireen sinnaanta iyo martigalinta dadka, qofkaas ha ahaado laaji ama laabi (mid aad jeceshahay oo laabtaada ku yaal). Soomaalidu waxay kale wadaagi jireen biyihii circa ka yimaado iyo degaamada u dhow meelaha biyaha laga helo, biyahaas ha ahaadeen mid waadi ama wabi, mid balli ama bad. Tiirayaashii Finishiyiintana waxaa iygana la faray inay wixii xikmada, xirfad iyo aqoon leeyihiin la wadaagaan dadka degaamada ay tagayaan ku nool.

Tiirayaasha oo aad u xiiseynayey  aagga SIN, ayaa waxay tababareyn ugaaratada Soomaaliyeed kana soo saareen rag leh xoog oo aan la loodin karin. Halka Fiinishiyiinta ahaayeen rag cad cad oo dhaadheer ugaaratada Soomaaliyeed wey ka gaagaabnaayeen waana ka madoobaayeen. Sidaas darteed, ayaa Soomaalida wixii dherer iyo xoog isku darsada ugu yeertaa magacii Finishiyiinta oo ahaa Tiirri (Tyrre)




XEERGAAL (XEER MAANDEEQ)
Inta aan u guda galin ka hadalka “xeergaalka”, marka aan xoriyadda la helayna loo baxshay “xeerka maandeeq”, waxaa ila haboon inaan fahanno sababta Soomaalida qiimaha gaarka ah u siiso geela; iyo in la garto waxa keenay inay dawladnimadii dhiigga iyo dhididka geesiyaal tiro badan lagu keenay in loo baxsho magacyo geel oo kala ah “QARAN” iyo “MAANDEEQ”. 
SHARE

Author: verified_user