June 13, 2011

SHANTA MOORO-WADAAG” EE SABSABE IYO SI’UMAAL

"GOB WAXAY WADAAGAAN AYAY KU FAANAAN"

SHANTA MOORO-WADAAG” EE SABSABE IYO SI’UMAAL
By: Prof. Abdulkadir Salad Dorre, PhD in Geophysics: Somali National University

"(Tumaal) + (So’maal) + (Sacmaal) + (Soormaal) + (Sarmaal) = (Sabsab + Si’umaal)
"Intuu fakarkaada iyo falkaada facdheeryahay,
ayuu firkaada iyo falxeeylkooda facweyn yahay"

 
Walow, jiris la’aanta wax qoran oo ka hadlayo Soomaalidii hore marar badan ku dabrayaan, hadana “Alle Mahadii” Soomaalida waxay leedahay af facweyn oo qofkii barta u ah saymo roobaad oo meesha ay ku da’do naq iyo doog ka soo saarto. Afka ayaa dadka isku xiraa, dadka is-afyaqaanana waa wada dhaqmi karaan.Sida la wada ogyahayna dhaqanku waa dhammaan dhaqdhaqaaqa nafluhu ku shaqeeyo, kuna hormaro. 
Sida uu u yiri Alle u naxariistahii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), “afka waa wax lagu wada hadlo, waana “cultural reservoir” ama “keydka ilbaxnimada, xadaaradda iyo horumarka Bani Aadmiga sameeyey. Mar afku waa qalabka lagu fakaro. Qofka fakara wuxuu ku fakari karaa in eray uu af ahaan hore u yaqaan. Qofba inta uu af ka yaqaan ayuu fakarkiisa ku eg yahay. Hadal iyo Caqli ma kala go’aan. Dameerkaba hadduu hadli yaqaan lama rarteen, oo aabihiisa ayaa uga digi lahaa![3]. Taas ayaa ugu wacan in wallow aan ka fara marna’nahay sooyaal qoran, hadana kama faramarni’i af oolimaad ah, oo awoowayaal iyo abkooyayaal jir ah.
Haddii arartaan kor ku qoran siddiri-gam iraah, oo u gubdo waxaan weli gocanayo oo ah su’aasha : Maxaynnu ka rabnaa in aynu isku howlno ogaanshiiyaha sooyaal bulsho oo soo taxnaa ammin aad u fog oo laga soo gudbay, tiiyoo ay weliba aanay jirin dhigaal ama kayd qoraallo fac weyn oo ku saabsan arrinkaas?”
Si kooban, jawaabcelinta su’aashaan waa: Sooyaalka, haraaga aqooneed iyo dhaqanka ay bulsho isu tiriso ama sheegato, waa midka iyaga ka gaar yeela bulshooyin kale, gundhigna u noqda astaynta ahaanshiiyaheeda. Dhaqanka, hiddaha, afka iyo maankaashiga (fikirka) bulsho waxa ay wadar-ahaantood ahaanayaan wax qaayo leh oo bulshada iska leh u ah baadi-sooc. Kala duwanaanshaha bulshooyinka ayaana ka qayb qaata hodminta dhaqan ee bulsho-weynta adduunka.  Bulshada aan tagtadeeda ku haysanin wax ay dib ugu laabataa waxa ay ka dhigan tahay sidii baal shinbireed ay dabaysha kolba gees u qaadayso. Hanka iyo horumarka  joogtada ah ee bulsho kastana waxay ku xirantahay ogaanshaha  hodantimada dhaqankeeda iyo raadadka uu ka tagay oo waatii hore loo yiri: “NINKAAN SOOYAAL AQOONIN, NINKAAN SOKEYGIIS AQOONIN IYO NINKAAN SOOHDINTIIS AQOONIN INTABA SIRIQBAA U SOOHAN..
Prof.  Muxammad Shamsaddin Megalommatis oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Giriigga oo ku xeel dheeraaday sooyaalka dalalka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ayaa wuxuu yiri: “Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii dura/duraaye (qadiimiga ahaa) – laga  soo bilaabo Strabo iyo Agatharchides, ilaa laga soo gaadho qoraagii lama-yaqaanka ahaa ee qoray The Periplus of the Erythraean Sea, waxa ay run-ahaantii gar-waaqsan ahaayeen door-roonaanta (ahmiyadda) Dhulka Barakaysan ee Soomaalida (oo sida kalena xilliyo kala duwan loo yiqiinnay Arladii Bunt iyo Azania)[4].
Si dabuubtaan dixdeeda iyo dambarkeeda u dhadhansano, bal yara aan eegno sida ab-awalada Soomaaliyeed ahaayeen muddo haatan laga joogo 4000-illaa 5000 sano. Dadka ku xeeldheer taariikhda iyo cimilada Geeska Afrika waxay sheegeen in Kuushiinta ay Soomaalida hurmuudka u ahayd ay waayahaas ku noolaayeen dhulkoraada bartamaha iyo koofurta dhulka haatan loo yaqaano Itoobiya[5].

Soomaalida oo fariidnimo iyo firfircooni lagu yaqaanay, meesha ay ku dhasheen kuma dheginee, waxay ku dhiiradeen in waqti haatan laga jooga 4000 sano inay u ruqaansadaan, kuna firiraan dhulhoosaadka bariga, koofur bari iyo waqooyi bari ka xiga dhulkoraadka Xabashida.
Soomaalida oo ah dad kasmo iyo garasho fiican ayaa sidaan dib idinkugu soo sheegidoono, xal u helayay dhibaato kasto oo ay la kulmaan; tanna waxay u sahashay inay ku noolaadaan degaan ballaaran oo kala duwan ee ku yaal Geeska Afrika. Soomaalida qaar waxay ku hareen dhulkorraadka ama dhuldirirka Itoobiya siibana kan waqooyi, dadka inteesa badanse waxay degtay, dhulhoosaadka kulul oo haaweyga loo yaqaan oo buuraha Itoobiya kaga aadan bariga, waqooyi bari ama koofur bari[6]
Hayaankaan waxaa loo yaqaanaa “Hayaankii Koowaad ee Soomaali-uyaalka (Proto-Somalis)[7]
 لكل أمة جعلنا منسكا هم ناسكوه
 
Soomaalidu waxay tiraah: “Yibxir waa kii xuduud badela isagoon xadna badelin”, iyagoon cid xoogin cidna ku xad gudbin ayay  daahfurtaan degaano dadkii kheyrkood ahaa ku dhiiran inay galaan. Kasmadaas,  koobin iyo kolkoolin kuma imaan, balse waa karaan ka dhashay kaska iyo kartimada hibada u leeyihiin Soomaalida. Soomaalida waa fir fariidnimada iyo feejignaanta ka dhaxlay bay’adda iyo baxaaliga ay ku noolaayeen muddo 6000 sano ka badan. Waxaa intaas dheer ayagoo asal ahaan ka soo faracmay isku milanka ugu yaraan lix qoomiyada, oo midba dhinaceeda Soomaalinimada ugu ku soo kordhisay oolimaadka qiimo iyo qaayo u yeelay shaqsiga kasto Soomaaliga ah. Qoomiyadaha Soomaalida ka soo jeedaan midbo xirfad u gaar ah ayay lahayd, waxayna kala ahaayeen:
1.     Qadhaabsato asalkeedu yahay Reer Nayl (Nilotics).
2.   Ugaarsato asalkeedu yahay Xaamiinta Nayl (Nilo-Hamites) iyo Khoysaan (Khoisan hunters)
3.     Qodotoi-raacato asalkeeda yahay Xaamiinta Nayl (Nilo-Hamites)
4.     Raacato asalkeeda yahay Reer Xaam (Hamites)
5.     Beerey Goleed asalkeedu yahay Baantuu
6.     Ganacsato asalkeeda yahay Reer Saam (Carab iyo Cibriyiinta).
Qoomiyadahaan xilliyo kala duwan ayay Geeska Afrika soo gaareen ayna deganaayeen, waxayse isugu milmeen xirfad ahaan, dhaqan ahaan, hiddo ahaan, caado ahaan, caqli ahaan iyo af ahaan. Surta sooyaalka, suugaanta, sifaha iyo sinjiga Soomaaliyeedna waxay ku siimow koreen, afafakii, dhaqamadii iyo hiddihii Soomaali-uyaalada ka yimid isku milanka dadyowgaas tirada badan, danta iyo degaanka walaaleeyey.

TUMAAL

Waayihii hore, nolosha dadyowga Geeska Afrika waxay 100% ku xirnayd degelka, deegaanka, cimilada iyo bay’adda ay dadkaas ku noolaayeen. Qaar waxay ahaayeen qadhaabsato kuwana waxay ahaayeen ugaarato. Qadhaabsiga wuxuu ku xirnaa inuu qofka raadsado miro ama caleemo iyo caws iyo cagaar uu cuni karo, geed ama ban uu seexan karo, ul iyo dhagxaan isaga celin karo habardugaata iyo ciddii soo weerarto. Waatii hore loo yiri: “Dhagax iyo dhuux la iskuma helee”, dadkii waqtigaa noolaa waxa ugu horeeya ay u baahnaayeen si ay u qadhaabsadaan ma ahayn miraha ay raadsanayaan, balse waxay ahayd sidii nafsaddooda uga badbaadin lahaayeen wixii khatar ah ay la kulmaan.
Koox kasto oo qadhaabsato ah waxaa raaci jiray rag ilaalo ah oo ka badbaadiyo wixii dhibaato ah. Raggaas ama dadkaas ayaa waxaa la yiraahdaa“BEDBEEDAAN”(www.facebook.com/Mideynta-Dhalinyarada-Jareer-Weyne-922816557781356/)
Raggaan Bedbeedaanka ah ayaa waxay diyaarsan jireen dhagxaan iyo ulo mar kasto u diyaar ah. Waxay isku dhufan jireen dhagxaanta shiidka ah, si ay u helaan dhagax ay qaadan karaan, isla markaasna leh caarada dhuuban oo wax durta, iyo bari kuusan oo gacanta lagu qabsan karo, mirihii adagna lagu jabin karo ama lagu burburin karo.
Maadaama meel kasto dhagax laga heli karin, qof kastana uusan aqoonin xeesha iyo nooca dhagaxa ku wanaagsan in laga dhigo “dhagax-shiid”, qaybo bulshada qadhaabsatada ka mid ah ayaa howshaa u kacday oo qaban jirtay. Dadkaas dhagxaanta isku tuma ayaa waxaa loo yaqaan “TUMAAL”.
 واني لغفار لمن تاب وآمن
 وعمل صالحاً ثم اهتدى 
Marka ay tumaasha xoog isugu dhufanayaan dhagxaanta shiidka ah, dhagaxa wuxuu baxshaa dhawaqa “Damb”, waxaana ka soo bixi jiray tamar gubta wixii u dhow, dugaagana ka carara. Tamartaas dhawaqa “Damb” ka timaada ayay tumaasha u bixiyeen “dab”, qoryihii engegan oo markii la isku liso dhalsha tamar “dabka”, iyagana waxay u baxsheen “daab”. Sameyn qalab difaac oo ka sameysan dhagxaan iyo awoodda soo saarka tamarta “dabka”
ayaa aheyd horumarka ugu weyn ee bulshadii Soomaaliga ee qadhaabsatada ahayd ay gaartay.  Waxaana markii ugu horeysay sameysmay dad ku shaqeysto inay wax dubaan, lana baxay "Dubeys".
يا أيها الذين آمنوا لايسخر قوم 
من قوم عسى أن يكونوا خيراً منهم
Hawsha tumaasha waxaa kale oo ka mid ahaa inay sameeyaan ulo leh af fiiqan oo loo isticmaalo sida hub ama waran wax la isaga celsha. Qof kasto oo qadhaabsan raba ama ugaarsi aadi raba wuxuu qaadan jiray ul samay ah oo dhuuban, isla markaasna liilmi og, hawl yaraanna aan ku jabin. Waxay Soomaalida doorbidi jirtay in samayda lahaato kurtumo aad u yaryar oo wanaajiya gacan-qabsiga, kana ilaaliya siibashada. Dhirta ugu mudan ee samayda laga goosan jirey waxaa ka mid ah dhebi, dhiitacab iyo maqaari. Marka laanta laga soo gooyo geedka, iyadoo qoyan ayaa la dubi jiray, la qolof ridi jiray, lana dhalaalin jiray iyadoo lagu xoqayo dhagax xaalufsan oo caaro siman leh, u egna “dhagax-shiidka” sawirka ka muuqdo. Waxaa la hubin jiray in samaydu tahay mid toosan oo af fiiqan, haddii kale waxaa majara habaabi karay ridada iyo liishaanka samayda. Waayihii danbe ee la helay birta, waxaa caaradda samayda la galin jiray bir dab lagu caseeyay, oo iyadoo kululna tumid lagu qaabeeyo, dhinacyadana laga soofeeyo.

Midguhu waxa ay ahaan jireen boqortooyo xoog badan oo Geeska Africa dadka ku cadaadin jirtay. Waxaa la filayaa in boqortooyadu colaaddii badneyd ee ay dadka ka kasbatay awgeed qabaa’iladii kala duwanaa ee Geesku isu kaashadeed, ku kaceen, la dagaalameen, deena dumiyeen. Boqortooyadii Midgaha oo waagaas la oranjiray “Gabooyo” waxa ay qabaa’iladii ka adkaaday ula dhaqmeen si aan wanaagsaneyn iyagoo adoonsaday dadkii dagaalka lagu soo qabsaday oo laga adkaaday. Raggoodii nolasha lagu qabtay waxaa laga dhigtay addoomo dadka xoolaha u raaca ama u sureeya. Dumarkoodii na waa la adoonsaday waxaa na shaqo looga dhigay in ay dumarka gobta u adeegaan, u mireeyaan ama u xabkeeyaan.
In ay Midguhu boqortooyo ahaan jireen waxaa loo daliishan karaa sida Midguhu dagaalka ugu hoodo iyo qadan leeyihiin ama ugu dhiiranyihiin. Murtidani waxa ay tusaaleynaysaa sida Gamuute ay afar midgaan u anfaceen maalin reer kiisa iyo reer kale geel kala qaadeen ama kala dhaceen. Afarta midgaan ayuu aad ula dhacay sida geesinimada iyo xeeladda leh ee ay u dagaalameen. Waxuu yiri:
Midgaan eed oran mayo,
Annagoo arbaciinoo,
Reer maalin ku duulay,
Kur Agool la yiraahdo,
Markii waagu iftiimay,
Ilin Geel ah ka qaadanay,Oo kumanyaal isir-dheeriyo,Isku meershay Dhoobir,Isu kaaya cesheenoo,Edeg baas ku jirna,Afartii nala joogtay,Siday noo anfaceen,Allahii na abuurtiyo,Anun baa wax ogaayoo,Midgaan eed oran mayo!





– Cabdulle Cali Gamuute

Waxaa kale oo la aamin sanyahay in midguhu yaqaanaan in ay yihiin reer la kala qaybiyay ama la kala geeyay, hase ahaatee, isku asal iyo oday ah sida uu ku doodayo Boobe Cabsiiye  nin la oran jiray oo waayo hore noolaa. Inkaste oo Boobe laftiisu taariikhda baarayo haddana waxuu aaminsanyahay in ay midguhu mar uun isu soo laabtaan oo walaaloobaan, xaqiraadda na ka baxaan. Waxuu yiri:

Jeeraan Tumaal iyo Midgaan tuur isugu keeno,

Ama aan Yibraha taar u diro togoga meeraaya,

Jeeray iskuulada tagaan tobon kun oo wiil ah,

Talaamiidda jeeraan ka baxo taabka igu haysa,

Taariikhda jeeraan hubsado nalaku taandheeyay,
Tirinmaayo maansooyinkaad igu tuhmaysaane,
Tiiraanyadayda aan isaga jiree hay takliifina

SO’- MAAL

Quraansho aruurtay mulac way jiidaa

Ab-awaladii Soomaalida ugaartada ahayda ayaa waxay u kala baxayeen gabraarato oo xoolaha dila iyo dabato oo xoolaha ama kalluunka nolosha ku qabto. Labadaba waxay ka sinaayeen iyagoo raashinkooda ugu badan ahaa “hilib” ama “so’”.  
Erayga “hilib” wuxuu ka yimid labada eray oo kala ah “hiil” iyo “lib”, sababtana waa iyadoo adkeyd in qof kaliya ugaarsi tago, ugaarsigaasna ugu soo libeysto ama ugu guuleysto inuu neef soo disho. Sidaas darteed, si dadka u helaan waxay cunaan, waa ay isku “hiilin jireen”. Hiilkaas ayaa lagu libeysan jiray; wixii la soo helana waxaa lagu magacaabi jiray “Hiillib” ama “hilib”. Marka neefka hilibka leh dabka la saaro, waxaa gubtaa maqaarka, jiirta ka hooseysana waa “soshaa”. Qeybta neefka la soo qabsadey oo sosha, ayaa waxaa la yiraah “so’”.
والأنعام خلقها لكم فيها دفء ومنافع ومنها تأكلون
Dadka u ugaarsado, shaqana ka dhigta si ay u helaan "so’" ay cunaan ama dadka kale ka iibiyaan ayaa waxaa la yiraah “SO’MAAL”. Tusaale ahaan, sida laga soo wariyay taariikhda inteysan diinta Islaamka soo gaarin Soomaaliya, degaanka Haaweeyga ah (ama dhulhoosaadka kulul ah) ee koofurta ka xiga Buur Heybe iyo Buur Hakaba (Buur Ha-Kabo), waxaa ku noolaa ugaarsato la yiraah KABLALE (Kab-Tuure) ama KABLAALE. Waxay ahaayeen dad Xaamiinta Nayl ah (Nilo-Hamitic) oo soo raacay am aka soo horeeyay Soomaalidii Xaamiinta ahayd ee deganeyd dhulkoraad bartamaha Itoobiya. Qaabkooda iyo jir ahaan, marka la fiiriyo, waxay ahaayeen dad aad iyo aad u xoog waaweyn, wada murqo ah, waxayna u ekaayeen dadka loo yaqaan Baantuuga oo Soomaaliya soo gaaray waqti haatan laga joogo 150 sano.
Markay ugaarsi aadaan, qof kaliya ayaa hal neef oo gaanan ah (usjin ah) soo dili jiray, isla markaasna dhabarkiisa ku soo qaadi jiray. Dadkaan waxay ku ugaaran jireen dhagax warafka lagu tuuro, ama si caadi ah ayay dhagaxa ama shiidka gacanta ugu tuuri jireen[8]. Neefka isla marka uu dhagaxa ku dhaco wuu wareeri jiray, waayo tuuryadooda ayaa waxay ahayd mid xoog badan, weyna orod badnaayeen, markaa neefkii cararaaya way eryan jireen illaa ay ka qabtaan.
Neefka markii la soo qabto, hadduu weli nool yahay, madaxa ayay dhagxaan uga garaaci jireen. Bir ay ku gawracaan ma jirin, markaa waxay sameyn jireen dhagxaan af leh oo sida midida oo kale ah, kaasoo ay ku jeexjeexi jireen[9].  Hilibka isaga oo cayriin ah ayay cuni jireen, mararka qaarkoodna haddii ay helaan dab wey bisleyn jireen. Haddii ay la kulmaan neef bakhtiyay way cuni jireen. Sida ay dubi jireen neefka ay cunayaan hilibkiisa, waxay ahayd qori dheer oo qoyan ayaa la soo goynayaa, labada madax ayaa caarad dhuuban looga sameyn jirey, kolkaasaa neefkii hore iyo gadaal looga dusin jirey. Laba nin ayaa labada dhinac kala qaban jiray, oo iyagoo usha wareejinayo neefkii ku dul rugrugi jiray dabka.  
Kablalaha dhagaxa (ama shiidka) ku ugaaran jiray ayaa waxaa la yiraah “SHIIDLE”. Si ay ugu sahlanaato ugaarsiga, ayaa qaar ka mid ah Nayliinta Xaamka ah ee Kablala, waxay korkooda oo idil marin jireen dhuubo madow kaliya ama isku jirka deeb cad iyo dhibco dhoobo madow ah, ama deeb cad kaliya. Dadka marka ay ugaarsanayaan marsada dhoobada madow kaliya waxay lahaayeen midabka xayawaanka jambeelka (lynx) la yiraahdo, waxayna la baxeen JAMBEELLE.  
Sarkaalka Jambeele Hawiye ee ka mid ahaa Boqortooyadii Taliswadaagga Ajuuraan, waxaa astaan u ahayd baal-goroyo oo madaxa u suran. Sarkaalka noocaas ah ayaa waxaa loo yaqaan “BAALCAD”.
Dadka marsado dhoobada cad iyo baraha madowna, waxay isku ekeysiiyeen xayawaanka shabeelka (leopard) la yiraahdo, waxayna la baxeen SHABEELLE. Kablalaha marsada dhoobada cad oo magaadka u eg, waxaa la yiraah “MAGAADLE” (AMA MAGADI[10]).
Si dadka ugaaratada ah isaga kaashadaan wixii dhibaato ku yimaado, waxaa isla degi jirtay oo isla ugaarsan jiray sideed illaa labaatan reer oo la yiraah “HERIN”, waxaana hormuud ka ahaa nin la yiraahdo HARGAANTI.
Hargaantiga waa qof ay dadka aaminsanyihiin inuu leeyahay ayaan, burji, karti, kasmo, garaad, xirfad iyo geesinimo har iyo dugsiimo u ah dad badan kaga difaaco dhib ku soo fool leh, amarkiisana la raaco. Herinta markay ugaarsi aadayso, isaga badanaa ma raaco, fallaaraha (ama boonta)[11] ay markaas wax ku dilayaan, ayuu mariyaa mariid[12], waayo isaga ayaa u hayaa mariidka herinta oo idil. Haddii ugaar la soo dilo, marka la qaybinayo, isagu qeybtiisa waa gaar, fadhigiisa ayaana loogu geeyaa, wixii dhibaatooyin oo ka dhex dhaca herinta dhexdeeda asaga ayaa xaliyaa.
Marka laga yimaado hargaantiga, herin kasto waxay leedahay “Hargaanti guul[13]”, “Qowse[14]”, “Ul-dhexe[15]”,  “Uunley ama Deebaad[16]”. Reerihii ugaarata ah oo herin ka “gaan” badan, oo hal mar isla guura oo hadana isla dega, waxaa waxaa la yiraah “MIDGAAN”. Dadkaan midgaanka ah (dadka qaarna u yaqaanaan madgaan) hadba meel ayay degi jireen. Degaanada midgaanka mar ay degaan marna ay ka guuraan waxaa la yiraah “Degel Midgaan”.
Dabatada qaarkooda ayaa xoolaha ay dabtaan, rabaayeeyay oo ka dhigtay gurijoog ama sabajoog (domestic animals). Xoolaha sabojoogga ah waxaa ugu muhiimsanaa eeyga, oo ahaa xawaayan ku wanaagsan digniinta, difaaca iyo faylgoynta xoolaha orod lagu gaarin.
Midgaanta ku ugaarato eyga ayaa waxaa la yiraahdaa “Eyle”, waxayna ku guuleysteen inay meel si ku meel gaar ah u wada degaan. Eeylada waxay iyagana ahaayeen dad xoog waaweyn oo dhaadheer, muruqna leh, waxaana suuragal ah inay ka soo jeedaan dadka la yiraahdo Xaamiimta Nayl (Hamitic Nilotes). Qalabka ay isticmaalayeenna wuxuu agaa gamuunno aan bir lahayn, oo caarad dhuuban iyo mariid leh iyo eeyaha ay rabaayeysteen. 
Iyagoo isticmaalayo kasmada iyo kartida Soomaalida lagu yaqaan ayay waxay isku dayi jireen in qaar ka mid ah duurjoogta hilbahooda cunaan inay rabaayeeyaan si ay markasto hilib uga helaan. 
 Eeyga mooyee, xoolaha kale oo ay Soomaalida rabeyn jirtey waa caws-daaq (herbivores), markaas waxay marka hore u dhigi jireen dabin neefka noloshiisa khatar galineynin. Ka dibna isaga oo xirxiran ayay dacayeyn jireen, waxayna siin jireen cawska uu jecel yahay. Neefka oo dacaysan ayay dabarka ka furi jireen, waxaana horkaci jiray rag cawskii uu jeclaa ku meericinayo. Haddii neefka la soo qabtay uu qatar galiyo ragga meericinayo, neefkaas si uusan u baxsan waxaa dilayaa ninka ugu horeeya oo waranka wato. 
Dadka sidaan u layliyo ama u “sabsabsiiya” xoolaha reeraha rabeysan rabaan waxaa la yiraah “LEYLI-KASE” (Tababar-yaqaan ama Sabsabeyaqaan ama Leylakase). 
Dabatada qaar ka mid ah, waxay ku guuleysteen inay “sabsabayo” barbaariyaan “eelada” ama cawsha si marka ay rabaan u qashaan. Dabatada eelada waxay la baxeen “Eelay”, kuwa dabta cawshana waxaa la yiraah “Cawlyahan”,kuwa dabta baciidka waxaa la yiraahdaa “Baciidyahan”, waxay lahaayeen degaano rasmi ah oo aan laga guurguurin inay abaar ama colaad ku dhacdo mooyee.  Kuwo ayaa dabin jiray geriga yimaado meelaha biyaha lagu urursho oo koomda la yiraahdo, dadkaasna waxay la baxeen “Geri Koombe”. Waxaa jiray kuwo ugaar nooc kasto dabta oo mid ugaar ah lahayn, waxayna la baxeen "Ugaaryahan". Waayihii danbe, geela soo gaaray Geeska Afrika, dadka laylin jiray awrta la rarto waxaa la yiraahdaa “Awrtable”. Sidaas ayay dad iyo degaankiisu isugu xiran yihiin oo waatii hore loo yiri: “Degaanba waa dadkiisa”. Qofkii degaankiisa dabci dawladnimo ama dagaal ku ilaalin, dalanbaabinimo ayaa u dambeysaa.  Dadkaan hilibka kaliya ku noolaa waxaa la yiraahdaa “SO’-MAAL”

SAC-MAAL

"Waa kuu koombe iyo Kuu-madi"

Qaar ka mid ah dabatada ayaa inta ay “sabsab” ku barbaarin lahaayeen eyga ama ugaarta  kale, ayaa waxaa u suuragashay inay “sabsab” ku barbaariyaan ariga iyo lo’da si ay uga helaan caano iyo hilib joogto. Ariga oo u kala ah riyo iyo ido waa ka rabaayad sahlanaayeen lo’da, hase yeeshee ma laheen hilibka iyo caanaha tirada badan ee lo’da laga helo. Waxaa kale oo jiraa in lo’da ay u baahan tahay biyo iyo caws joogta ah oo muddo saddex maalin ka badan aysan qadi karin; sidaas darteed baa loo yiraah: “Candho lo’aad waa ceel iyo caws oo ay caafimaad ku hesho”[17].  
 Taa oo laga wado in lo’da dararto oo caano badan laga helo markay heysato biyo joogto iyo caws cagaaran, kana fog dhulka gandiga iyo qaniinka badan. Si lo’da looga helo caano badan waxaa la daaqsiin jiray caws gaar ah ee la yiraahdo “baalxoore[18]” ama “baal-haad-xoorre” (oo marka la soo gaabiyo noqonayoHaadxoor).
Cawska la yiraahdo Haadxoor, wuxuu u dhawaq egyahay magaca “Hathor” oo ahayd “Ilaahadda Lo’da” ee Masaaridii hore caabudi jireen, waxaana astaanta ilaahiyaddaas lagu muujiyaa sac geesaha ku haysta dheri biyo ku jiraan iyo cawska badiya caanaha lo’da ee la yiraahdo baal-haad-xoor (ama baalxoor). 
Waxaaba dhici jirtey in marka dabatada laga gato lo’da ay rabeeyaan ama ay sabsabeyn,  ay qofkii gatay u duceeyaan iyagoo leh “Waa kuu koombe iyo Kuumadi” oo ay ka wadaan neefkaan ha kuu helo “koombe” ama meel leh biyo joogto ah , isla markaasna leh caws caano badsho (ama  kuu-madi  ah).  Waagii hore si lo’da caano badan looga helo, oo “madi[19] u noqoto, waa inaad degnaato meel koombe ah, markii danbase waxay dadkii barteen ceel qodid oo lo’da waxaa lagu hayn jiray meel ceel u dhow. Waxaa kale lo’da la meyricin jirey meelo doog iyo dhiroon tayo sare leh oo caanaha lo’da badiyo sida cawska la yiraahdo baalxoor, ibo-laroor, harme-caanoole iyo ibo-tiiti. 
Sidaas ayay u kala guureen dadkii “koombe” ku hirnaa iyo kuwii caano doonka ahaa “Kuumadi” ahaa. 


  • Baraxow Maxamuud Gorgaate
  • Maxamed "Madhibaan" Gorgaate Hawiye
  • Silcis Gorgaate Hawiye
  • Wadalaan Gorgaate Hawiye
  • Dadka kuwooda aadka u jeclaa cabitaanka dambar horaadka la yiraahdo “gor”, waxay la baheen “Gorgaate[20], lo’dana waxay geen jireen meel alaale meeshii caws ay ka helayso. Waxay u dhaamin jireen biyaha, sidaas darteedbaa loogu yeeraa “Dhaami Gorgaate[21]”. Astaanta dadka Dhame Gorgaate waa neef lo’ ah oo geesaha ku haysto weel biyo ku jiraan isla markaasna qof naaska ka nuugayo. Si loo ilaalsho caafimaadka neefkaas, had iyo jeero waa loo qubeyn jiray oo waa la dhaqi jiray.  Sidaas ayaa dadkii ahaa Koombe, Kuumadi iyo Gorgaate loogu yeeray “xoolo-dhaqato” (ama xoolo u qubeysato). Halka Gorgaataha uu ka jeclaa dambar horaadka la yiraah “gor”, waxaa kale oo jiray dad caba caanaha dhay ka soofeen ah oo labeen cas dusha ka yeesha. Caanahaas labeenta kortay baa waxaa la yiraah “waraasi”, dadka jecel cabitaankoodana la yiraah “Waraasile”. 
    Waraasile waxaa kale uu noqon karaa dadka dhaqda lo’da midabkeedu labeyn xigeenka ah. Soomaalidii hore ayaa si gaar ah u jecleyd lo’da cad cad, waxaa jiraa qabiilo badan oo magacooda yahay “Sacad”[22]
    Xoolodhaqatada oo markii danbe helay lo’ ka caano badan ayaa igana la baxay “SAC-MAAL”. Muqaalkaan muujinayo nin sac maalayo, wuxuu ka mid yahay ku hardhan gododka buurta Laas Geel ee ku taal Maamul-goboleedka Soomaaliland[23].
    Isbedelka uu keenay markii Soomaalida ay ku guuleysatay “sabsadidda” iyo“barbaarinta”  lo’da,  waxaa laga fahmi karaa sida ay sawirka lo’da ugu hardheen ama ugu sunteen darbiya gododka dhagaxda ah ay ku noolaan jireen. Meelaha dhagxaanta lo’da ku suntan laga arkay waxaa ka mid ah Laas-geel, Dhambalin, Jilib rixin, Xaad, Xardhane,  Dhagax kurre, Dhagax-nebigalay, Dab-dheer, Karin Heegane, iwm oo ku yaalo meelo kala duwn ee dhulka Soomaaliyeed[24].
    Dadka ayaa xilliyada ay baraaraha iyo rayraynta ku jiraan ama degganaansho haystaan ayay ku kici jireen inay derbiyada qararka iyo boxolada ay deggan yihiin ku suntan waxa ay caabudaan, dhaqdaan ama jecel yihiin.
    Waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa godadka Laas Geel[25] oo meel hoyaad dhowrsan u ahayd dadyowgaas. Laas-geel oo 37 kiloomitir ka xigta koonfurta Hargeysa gaar ahaan wadada tagta magaalaada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa waxaa ku yaal 10 xaradh-godeedyo, dhexdoooda ku sharaxan yihiin farshaxan cajiiba oo aad la yaabayso. Farshaxankaasi ayaa waxa ka mida sawirada geela , lo’da , eeyaha iyo waxyaabo kale oo badan oo in ka badan 5000 oo sano ka hor ay dad ku hardheen godadkasi dhexdooda. Arintani ayaa waxa ogaaday khuburo caalami ah oo ka socota dalka Faransiiska, iyagu ku tilmaamay farshaxankaasi uu ahaa isku day dadkii waqtigaa noolaa isugu xiriiri jireen, warkoodana isugu tabin jireen. Sidoo kale khuburadaan waxa ay sheegeen in kalmada LAAS GEEL uu micnehedu yahay meeshii geela laga waraabin jiray, wallow sawir geel aan lagu arkin sawirada ku suntin gododka Laas Geel. Dr Sacda Mire, oo ah xeel-dheeray dhinaca degelbaarista, ayaa waxay tibaaxday in dhaqashada lo’da ayaa Soomaalidu uga horeesay intii aysan soo xero gashan geela[26], waxaana suuragal ah in magacaan ay baxsheen geelayda markii danbe halkaas soo degtay. Fursadda nolosha qofka xoolo dhaqatada ah, waa ka sareysay kan qofka qadhaabsada ah ama ugaartaha ah. Xoolo dhaqdaha wuxuu isaga iyo reerkiisa helaan caano iyo hilib aan nafta qatar loo galinin, haddii danta qasabtana ka fogaan kara meesha cudurka iyo habardugaagga ku badan tahay, isaga oon dhib weyn gaarsiinin reerkiisa. Maadaama xoolaha sabojoogta ah la kala xadi karo, ama la kala dhici karo, ama la isku qabsan karo, ama la isku dagaali karo, waxay xoolo dhaqatada yeelatay ugaasyo (xoolaha soo dhacsha) iyo garaadyo (garta dadka is heysto u kala garnaqa).

    SOOR-MAAL

    "Reys beere ayaa rajo beeraa"

    Ab-awalada Soomaaliyeed qaar ka mid ah ayaa bilaabay inay beeraan dhul “doon ah oo  ay ku wareejiyeen godod ama jeexdimo ku ururaan biyaha roobka ama fataha ama daadka.  Doon” waa dhul ama carro tuul ahaan u kacsan ama loo kacshay, waxaana la degaa marka dhulhoosaadka biyaha galaan ama daad ku soo rogmado.

    Haddii roobka ama biyaha badan yihiin, waxaa doonka korkiisa lagu dhisaa sariirweyn oo ka samaysan geedo la isku xirxiray (afka Ingiriiska lagu yiraah raft), reerkana sariirtaas ayay wada kor degaan. Biyaha marka ay bataan, sariirtaa weyn iyo reerkaba waxay ku dul sabeeyaan biyaha, sidaas ayayna khasaaraha biyaha uga yimaada u yareeyaan. Sariirtaas ayaa iyana lagu magacaabaa “doon”, wallow sida loogu dhawaaqo sariirta sabbaysa, ay ka duwan tahay sida loo yiraah midka dhulka kacsan. Labadaan eray waxay ka mid yihiin erayada isku dhigmada ah, kala dhihidda ah, kala macnaha ah. Waxaase ku kala garan kartaa iyadoo doonka (labka ah) uu tilmaamo dhulka kacsan, halka markuu dhedig yahay “doonta” uu yahay sariir loox ah oo biyaha ku dul sabbaysa. 
    Hareeraha doonka dhulka kacsanka ama ciidda la ururshay, waxaa laga qodi jiray godod la isaga mooso ama celsha col ku soo duulo, ama loogu talagalay inay ku hooraan biyihii dhoonka ku dul da’a. Maadaama dadka doonka deggan uu biyaha ku wareegsan yihiin, waxaa qasab ku noqotay in noloshooda ku saleeyaan wixii doonka korkiisa ka baxo. Waxay bilaabeen dhulka qodaan, oo dib u beeraan miraha waxa ay cuneen. Sidaas ayay dadkii ku bilaabeen inay beertaan arabikhi (gallay), haruur (masago) iyo sisin iyagoo adeegsanayo miigo iyo yaambo. Biyaaha doonka ku wareegsan marna waa la cabaa, marna siimowgoodaa gacan ka geysta korista miraha lagu beero doonka. 

    Beeraha noocaan ah waxay ka bilawdeen meelaha ka fog wabiyada maadaama dadkii hore aysan haysan qalab biyaha wabiga ku soo leexsadaan, dhulka wabiyada u dhowna ahaayeen keyn jiq ah. Dhulka la beeri jirey waxaa ka mid ah banka weyn ee la yiraahdo “Baaji” ee waqooyi bari ka xiga dhasheegga la yiraahdo “Lorian Swamp” ee yaal NFD (Kenya). Dadka miraha ka beera Banka Baaji ayaa waxaa la yiraahdaaBAAJIMAAL (Dadkii baajiga ka shaqeysan jirey).
    Eraygaan waxaa kale uu ka soo aslami karaa “Baji” oo la micno ah “cabsi gali” ama “Duleeli”. Haddii macnayaashaan soo qaadanno, dadka la yiraahdo “Baajimaal” waa dad cabsi galiya dadka kale, taas oo ugu wacan iyadoo la aaminsanaa in ay leeyihiin ayaan u sahlo inay duleeliyaan ama qodaan degelka kuna beeraan dalagyo kala duwan. Degelka waxay ku duleelin jireen iyagoo ka qoda jeexdimo biyaha galaano; jeexdin kastana sida “koombada” biyaha ugu ururaan.  Biyaha koombada ku ururo ayaa waxaa ka biyo cabi jiray duurjoogta oo idil, taas oo u sahashay in ugaarsida meelahaas ku bato.  Sida aan hore u soo sheegay waxaa doonka soo ag dagi jiray dadka ugaarta geriga (Geri Koombe), cawsha (Cawlyahan), Eelada (Eelayda), iwm. 
    Reer Dheriyo  Reer
    Hayb Dhoobo
    Dadka qaar ayaa urursan jiray dhoobada ku ururto jeexdimaha (koombada) marka ay biyaha ka guraan, ka dibna  markay kuus-kuusaan, dhaxdana ka “bajin” ama “daloolin” jireen, si ay uga dhigaan “dheri” ama “ashuun” biyaha lagu keydiyo. Dadka ku xeeldheer sancada dheryaha iyo wixii laga sameeyo dhoobada ayaa waxaa la yiraah “REER DHERIYO HAYBE DHOOBO”. Haybe waa nooca dhoobo bayda ugu wanaagsan, lagana qodi jiray agaha buurta la yiraahdo "Buur Haybe". Waxaa la sheegaa in Boqor Baabow uu ahaa Reer Dherriyo Haybe Dhoobo.
    Markii dadka bateen, waxaa la bilaabay in la tabco ama la dego dhulka geedaha waaweyn ku yaalaan. Si geedka loo gooyo, salka ayaa laga gubi jiray illaa guntiisu go’do. Dadka hawshaas qaban jiray ayaa igana la baxay “GUGUNDHABE”.
    Sida aad u aragtaan, beertabcidda waxay u baahan tahay hawl iyo kaad-kaadsiinyo (sabar) badan iyadoo xilli dheer u dhaxeeyo waqtiga tacabka beerta aad bilaabaysid iyo waqtiga laga mira guranayo. Ninka beerta qodayaa markuu qayrkii u faanayo, ee u sheeganaayo inuu yahay nin balo ka firxatay oo hawl kar ah, kuwa kalena uu ku tilmaamayo inay yihiin wax ma tarayaal aan hawl kar ahayn wuxuu yiraah:
    Markii reerka la joogooy
    Marka reerka la joogo
    Raggu waysku rag uun dheh
    Marka beerta la joogo
    Qaarbaa riyo nuug ah
    Xagga reerka u yaaca
    Markay beertu dhammaad ku dhawdahay, buu hareeraha eegaa oo ku riyaaqaa hawshuu qabtay arkaasuu dibidana amaan iyo duco iskugu iidaamaa oo yiraah:
    Sidii naag dhali weydayoo
    Dhawaan Eebbe wax siiyayoo
    Dhabta wiil la haleeshay
    Dhabankaaga sokeeyiyo
    Ma afkaan dhunkadaa


    SARMAAL[27]

    Degitaanka dadka wuxuu ahaa falkii ugu muhiimsanaa uguna horeeyay ay kowshiinta sida Soomaalida oo kale ah ka sameeyeen Geeska Afrika[28].  Iyagoo ka taxadirayo habardugaagta ku nool keymaha, ayaa dadkii hore waxay deji jireen geedaha dushooda ama dhul bannaan ah ama taagsin ah oo ka fog keymaha. 
    Geedaha dhushooda ayaa waxaa laga dhisi jiray raar, qayb raarta ka mid ah waxaa laga sameyn jiray meel godon oo xash iyo caws maliiqa ah lagu goglo, lana seexiyo caruurta yar yar, si aysan uga soo dhicin geedka. Meeshaas godon waxaa la yiraahdaa “GURE”. 
    Waayihii danbe ay Soomaalida geelayda noqotay, awrta lagu guuro dushooda ayaa “gure” laga sameyn jiray, oo waxaa gali jiray caruurta iyo duqowda jiran ama waayeelka ah[29]. Dadka qaar ayaa “gure” ka sameysan jiray gudaha boxolada ku yaalo buuraha iyo dhul koraadka Xabashida, si ay uga dugsadaan roobka, dabaylaha, iyo qabowga. Beelaha aad u samaysto oo dega guraha ayaa waxaa la yiraahdaa “GURGURE”, haddii halka ay deggan yihiin ay tahay “gure weyn”, waxaa guraha la yiraahdaa “GURI”

    Guraha afaafkiisa ama dushiisa waxaa la saari jirey maqaar ama sar, sidaas darteed ayaa soomaalida waxay tiraah “sar” wixii “gure-dhagax ah” oo dusha laga saaray “sar” ama maqaar reeba cadceedda iyo dabeesha.
    Dadkii gurada u baahan hase yeeshee degaankooda bannaaan yahay ama lahayn godod lagu hoydo, waxay halka ay degayaan ku wareejin dhagxaan, dhis ama ood gidisa aarka (gadaal u celisa, wax kale iska daayee, aar libaax).  Xiindaabka sidaas ah oo libaaxa ka laabto ayaa waxaa la yiraah “GIDI-AAR” (ama GIDAAR), dadka halka ay degaan ku wareejiyo darbi “GIDI-AAR” ah ayaa waxaa la yiraahdaa “GIDIR”. Si loo xadin xoolaha lo’da sabojoogta ah ama lo’da baaqinka ah oo gedisleyda gadan rabto ama iska gadeyso, waxaa iyagana lagu soo wareejin jiray “gidaar. Lo’da noocaas ah iyana waxaa loo yaqaan “gidir”. 
    Waxaa suuragal ah in xaafadda “GIDIR MAGALA” ee ku taalo bartamaha Harar iyo derbiga Harar ay dhiseen GIDIR KARANLAHA tan iyo haatan halkaas deggan; halkaasna ay ahayd suuq ballaaran oo gedisleyda wax ku kala gadato. Dadka guryahoodu ka sameysan jiray dhis dhaadheer oo wada siman iyagana waxaa la yiraah “WADA-LAAN”. 
    Marka laga yimaado qadhaabsata, ugaaratada, xoolodhaqatada iyo qodotada, waxaa sameeysmay dhabaqad shanaad oo ah kuwo dheelitira baahida mid kasto oo kooxahaas ka mid ah leedaday. Waxay badeecada u kala bedeli jirtay saddexdaan koox aan kor ku xusay. Waxaa la isku bedeli jiray caanaha xoolodhaqatada iyo miraha qadhaabsata, mindiyaha iyo bilaawaha tumaasha ay sameeyaan iyo caanaha iyo xoolaha ay dhaqdaan xoolo dhaqatada. Dabaqaddaan afaraad sida aad ka garan gartid xirfaddooda iyana waxaa la yiraahdaa “Gedisley”. Dabaqaaddaan waxaa u badnaa dadka tuulo[30] ama magaalo[31] deggan.

    SABSABE IYO SI’UMAAL
    Guuleysiga ay ugaaratada ku guuleysteen inay sabsabaan, leyliyaan ama barbaariyaan duurjoogta qaarkood waxay ahayd tallaab weyn oo u suuragashay Soomaalidii ku nooleyd Geeska Afrika. Dad markii hore ayaa qadhaabsato, tumaalo, gabraarato ahaa, ayaa waxaa u suuragashay inay xoolo ay “soo sabsabeen” oo iyagu ay leeyihiin meel ku xareeystaan. Xoolahaasna waxaa loogu yiraa “sabojoog” (oo la micna ah waa kuwii sabsabid reerka ula jooga). Dadka hawshooda joogtada ah tahay inay duurjoogta sabsabaan baa waa la yiraahdaa “Sabsabayaal” ama “Sabsabe”.
    Markii ugu horeeyay ayaa dadka ku nool Geeska Afrika bilaabeen xirfado lagu kala qaybsanayo hawsha. Dadka la yiraah “SABSABE”, ayaa si gaar ah ugu faramarnaaday sabsabidda iyo rabbaynta duurjoogta tirada badan, bulshada inteeda kalana ay xoolahaas ka bedeshaan ama ka gataan iyagoo dantooda tahay hilibka xoolahaas (So’), ama haraggiisa (Sar) ama neefka oo idil (sac). Waxaa kale oo jiray koox xirfadley ah oo la yiraah tumaal oo iyagana diyaarin jiray qalabka ay u baahan yihiin dhammaan kooxaha kor ku xusan. Isutagga So’maalka, Tumaalka, Sarmaalka, Sacmaalka iyo Soormaalka waxaa la yiraah SI’-UMAAL[32] (oo ah si’ u shaqayso). Isku tagga iyo isku hiilinta dadka SABSABKA ah iyo kuwa SI’UMAALKa ahna waxaa la yiraahdaa HIIL SABSABE iyo SI’UMAALE (oo marka la soo gaabiya noqonayo HIIL SAB IYO SAMAALE).
    Maadaama arrintaan ay dhacday kumanaan sano ka hor, Soomaalidana lahayn af qoran, ayaa gaashaanbuursigii dadka kala xirfadda ahaa ee Sabsab iyo Samaale, isugu bedelalay magacyada “awoowayaal ruuhaani ah” (spiritual ancestors)[33].
    Soomaalida dhexdeeda ayaa waxaa caan ku ah sheexo-xariiro lammaaninayo ama walaaleynayo dadka SAB iyo SAMAALE kana dhigayo inay ka soo jeedaan oday kali ah oo la yiraahdo Hiil Abroone[34]. Soomaalidu waxay tiraahdaa Hiil Abroone wuxuu ahaa nin aqoon badan waagaana ku tababari jiray dadka dagaalka iyo fardofuulka. Xurmadii iyo jaceylka loo qabay awgii waxaa loo guuriyey gabar yar. Maadaama Hiil ahaa oday da' weyn, ayay gabadhii diiday inay la aqal gasho, iyadoo leh: "Waa waayeel oo wax i tarimaayo". Hiil oo caqli iyo waayo aragnimo isticmaalayo ayaa gabadhii “sabsab” iyo dhulqaad ku dayey, sidaasna ku soo xerogashaday. Waa Ilaah mahadiise, gabadhii uurbay u qaaday, waxayna u dhashay wiil. Dadkiibaa isku soo baxay farxad awgeed, waana loo hambalyeey. Hiil, isagoo hambalyadii dadka u jawaabayo ayaa wuxuu yiri: "Waa wiil sabsab iyo sabar ku dhashay, kani waa Sabsab Hiil".
    Arrintaas way ka xumaatay gabadhii ugubka ahayd, waxayna isku deydey inay soo jiidato niyadda ninkeeda. Markaa ka idib, Hiil wuxuu aad u jeclaaday xaaskiisa, nasiib darase, dhawr sano naagtiisa uur mayeelan. Mar uu quustay ayey naagtii uur qaaday una dhashay wiil kale. Isagoo faraxsan ayuu dadkii u hambalyeynayey siiyey waaqdhac, kuna yiri: "Wiilkani waan u waaqlali, waa samawaaq, waa Samowaaq Hiil". Qof kasto oo ku abtirsado Samo-waaq, markuu Muslimo ayuu magaca waaqka dhigi jiray Alle, wuxuuna abtirsigiisa noqon jiray Sama-alle (ama Samaale). Halkaas ayuu ku baxay maahmaahda caanka ah "Islaam la'aan waa Samaale la'aan".
    Markuu Sabsab Hiil ogaaday in markuu dhashay loo waqlalin wuu xanaaqay, wuxuuna u soo guuray koonfur wuxuuna la soo degay awoowayaashiisa hore oo ahaa Mukay Madanlaha (Nilo Sahelian). Sida caadadu aheyd, waxaa Sabsab Hiil loo guuriyay gabar Mukay Madanlle ah, waxaana la siiyey dhulbeereed uu tabcado iyo dhul daaq uu xoolaha uu watay u daaqaan. Naagtii waxay u dhashay labo wiil oo mataana ah. Sabsab Hiil oo aad u faraxsan ayaa labadiisa wiil u waqlalay, mid kastana siiyay qaalin lo' ah. Wiilka koowaad waxaa la siiyay qaalin gaduudan waxaana loo baxshay Dhiinsame Sabsab, wiilka labaadna waxaa la siiyay qaalin booran waxaana loo baxshay Boorane Sabsab (Soomaali Abow). Dhiinsame wuxuu guursaday naag Kuunle Madanle ah, waxayna u dhashay wiil la yiraahdo Amarre Diinsame, oo isna dhalay wiil la yiraahdaa Deysamow.
    Wiilkii la dhashay Sabsab Hiil, oo Samaale Hiil wuxuu ka guursaday shanta bulsho-badaa’i (Tumaal, So’maal, Sacmaal, Sarmaal, Sarmaal) waxayna u dhaleen sagaal wiil oo saamoqaaday. Magacyada wiilasha waa “Maqaarre iyo Mayle”,  “Xamarre iyo Xariirre”, “Yahaabuur iyi Kurre (Karre)”, “Gardheere iyo Gariirre (Garifle)” iyo Irrir.
    Odaygii Irrir ayaa aad u tarmay oo wuxuu dhalay “Lixda Liibaantay iyo Oodowadaaggooda” (oo ah Hawiyo) iyo Carro-siman Direed (ama Dir). Waxaa jiraa qoraal, waa aan dhaweyn lagu qoray farguri oo far Carbeed ah, kana hadlaya abtirsiga Biimaal (Biimaal Maxmed Xiniftrire Meh Dir), wadaadkii qoray qoraalkaasna wuxuu ku sheegay in magaca “Irrir” uu asal ahaan ahaa Yibir Samaale[35]
    Yibirtu waxay Islaamka ka hor ahaayeen dad bulshada dhexdeeda xushmad iyo maamuus, lagu tiriyo aqoonta xidigiska iyo faalka. Gobolada waqooyi ee Soomaaliya waxaa jiraa magac-rugeedyo weli sita magaca beesha Yibir sida Togga Yibirta oo ku taal meel u dhaxaysa Baargaal iyo Hurdiyo (Gobolka Bari), Ceel Yibir iyo Buurta Xanfaalley oo ku taal waqooyiga Ceerigaabo.
    Erayga Yibir mid u dhow waxaa laga dhex heli karaa bulshada Rendiille ee ku nool waqooyi galbeed Keenya. Eraygaas waa “ibir[36] waxaana u taagan yahay dad looga danbeeyo ayaamaha iyo wadaadnimada. Ciddii ka soo hartay “ibir” waa qof caadi ah oo waxaa la yiraahdaa “waakh kumar”[37].
    Waxaa kale oo jirtaa sheeko-xariir kale ee Prof Cabdalla Cumar Mansuur ka soo xigtay buug uu qoray Muxamed Ibraahim Muxamed “Liiqliiqato” (1999: Taariikhda Soomaaliya) kuna sheegay:“Labo walaal ah baa beri helay sac igar ah. Si caano looga liso sacii, mid waa sabsabaayay, midna waa maalayay. Sab ayaa loo baxshay kii sabsabaayay, midka saca maalayayna, Sacmaale ayaa loo baxshay. Markaas ayaa magacii Sacmaale isu bedelay Samaale”.
    Cali C/rahmaan Xersi isna wuxuu sheegay in Xabashida dadka Soomaaliyeed u taqaanay“Soumale” [38] oo ay ka waday dadka aan diinta lahayn, halka erayga “Sab” u taqaan “qof” ama “dad”. Sida ku cad weedh laga soo xigtay qoraal uu ka tagay boqorkii Xabashida ee Amda Syon, 1314, in lagu tibaaxay “sabe a Gabalza-wu ‘etomu nolota enesessaa”; oo micnaheedu yahay “…dadka (reer) Gabal[39] waa xoolodhaqato”. Isla qorraaladaas waxaa ku xusan in “madaxa Caluula uu ka mid yahay madaxda Gabal” (makuannenta Gabal)[40].

    "Muqdishow maalin laguma dhisee,



    



    MARAAJICDA



    [1] Soomaali-ahaan, waxa boggaga sooyaalka innoo galay, ama dad badani iska dhaadhiciyeen aragtida ah in bulshada Somaaliyeed tahay bulsho cusub oo aan fac-weynaan lahayn. Ha yeeshee fac-weynaanta bulshada waxa markhaati dhow u ah afka ay ku hadlaan oo ugu horrayn ka tirsan af-baheedka Kuusiitiga oo ka mid ah 5-ta a foo ku kulma bahweynta afeedka “Afro-asiatic” ama Afafka Badda Cas (Erythraean family of languages) oo kala ah: Kushitigga, Jaadhiga, Barbarka, Saamiga iyo Masrigii hore.  (Axmed Ibraahim Cawaale, Juun, 16, 2013. Wardheernews).
    [2]  http://karanle.blogspot.co.uk/2014/07/gobooyeynu-wada-nahay.html
    [3] Afka iyo Suugaanta - Abwan Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaariye. Youtube.
    [4] Axmed Ibraahim Cawaale, Juun, 16, 2013. Wardheernews
    [5] Fleming H. C. 1969, Ehret C. 1971 and 1974b.
    [6] Waatii hore loo yiri: “Dadba waa degaankiisa”, dadka dega dhulkoraadka dirirka ah ee Itoobiya, waxaa loogu yeeraa “DIR”, wixii bariga ka xiga oo ku nool dhulka haaweyga ahna waxaa la yiraah HAWIYE.  Dadka Haaweyga ku noolaa ee kow furey ama galay keynta iyo dhasheegga gosha ahna waxaa la yiraahdaa REER GOLEYD. Deegaanada Hawiye iyo Lixda Oodwadaag ee haatan jira waa ka yar yihiin kii jiray waqtigii Boqortooyinka Daame-Degel (Baraxow Daame Gorgaate) iyo Boqortooyinkii Ajuuraan iyo Silcis, ee haatan waxay  ku soo  degaan dhulka u dhaxeeyo Gaalkacyo ilaa raaskambooni, (Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya), taasin ay tahay mid ay ka dharag san yihiin caalamka oo idil. Taas oo macnaheedu yahay dhulka Soomaaliyeed 3-marka loo dhigo 2-in ay dagaan Beelaha Hawiye iyo Lixda Oodwadaaggooda ah (Jareerweyn Samaale, Banaadiri Samaale, Gardheere Samaale, Mayle Samaale, Midigmaal Samaale iyo Yahaabuur Samaale)
    [7] Prof Dorre A. S. 1996. Bogagga 17 – 18.
    [8] C/raxiim M. Axmed Mursal, 1986. Dhaqanka ugaarsatada Buur Haybe. Kulliyadda Afafka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Buugga qalin jabinta.
    [9] Margherita Mussi “Buur Medow 1, L.S.A.  Site in the Middle Jubba Valley (Southern Somalia).
    [10] Magaadle waa dadka hirta maqaar lagu marshay magaad. Maqaarkaan oo dhar ahaanta loo xirtana waxaa la yiraahdaa “DHUGI”, illaa waqti dhowna caruurta iyo haweenka reer miyiga ah way xiran jireen.
    [11]  Fallaar oo lahjadda ugaarsatada loo yaqaan “Boon”, waa saddex nooc:
    ·         Gabas (dhegaleey): waxay leedahay af ballaaran iyo dhego gadaal u rogan, waxaana lagu dilaa duurjoogta waaweyn sida geriga, libaaxa, maroodiga, iwm. Waa boonta (ama fallaarta) ugu weyn uguna adag fallaaraha ay isticmaalaan ugaarsatada.
    ·         Cidi-gariir: waa boon sida gabasta oo kale ayay u samaysan tahay, hase yeeshee way ka yar tahay, waxaana lagu dilaa ugaarta caadiga ah sida: garanuugta (eele’-e’d), baciidka, deerada (Dardiir), goroyada, cawsha (eele’-gaduud) iyo goodirka.
    ·         Dabbaan: waa boonta ama falaarta ugu yar ay ugaaratada isticmaalaan; iyadu ma laha cirifyo oo waxay leedahay caarad dhuuban oo siman, waxaana lagu dilaa ugaarta yar yar sida sagaarada, dagiiranka, kashiitada (caanuqubta), iwm.
    [12] Mariid (ama waabaay) waa sun haddey gaarto dhiigga nafleyda dakhso u dilaysa, waxaana laga sameeyaa geedo sida mukayga ka baxo dhul carro guduud ah sida Luuq, Yurkud (tuulo ka tirsan degmada Luuq), iyo meelo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Galgaduud. Geedaha laga sameeyo mariidka waxay leeyihiin calaamado u gaar ah oo lagu garto, waxaana ka mid ah astaamahaas: Shimbir la yiraahdo fiitaneey ayaa badanaa cunaa miraha geedahaas, markay cuntana durbadiiba hore ayay ka dhimataa, oo waxaad arkaysaa shimbiro badan oo geedka hoostiisa yaala oo dhintay.
    Geedkaas xididkiisa, xabagtiisa ama qolfootiisa ayaa la soo guraa, ka dibna dheri inta biyo lagu soo shubo ayaa lagu ridaa oo 7 beri la kariyaa. Markaas ka did, ayaa toxobta sare ayaa laga qaadaa. Toxobtii ayaa mar labaad la la kariyaa illaa midabkeedu isu bedelo madow, halka kolkii hore ka ahaa casaan. Waxaa lagu tijaabiyaa carrabka oo marka lagu taabto durba adkaada. Markaa ka dib waxaa toxobtii madoobeed lagu daraa rah la yiraahdo “oomane ama boqolsoon” iyo xidid laga soo gooyay mas weyn ee la yiraahdo “haldheji”. Mar saddexaad ayaa hadana dabka la saaraa oo la isku karshaa. Marka uu noqdo sida daamur (laami) la karkariyay, waxaa tijaabo ahaan korka laga marshaa diiq weyn. Waxaad aragtaa dhiiqa oo durba dhinto. Waxaa kale oo lagu tijaabiyaa mariidka wanaagsan, inta weel dabool lahayn lagu shubo, ayaa la saaraa dameer, muddo yar ka dib waxaad arkeysaa dameerkii oo ay timihii ka baaba’een.
    Mariidka markaas la kariyay oo cusub waxaa la yiraahdaa “mishaariyow”, oo uu ugaartuu dhiiggiisu gaaro rugtii kama dhaqaaqo, oo marka uu gariiro ama shuban ka wareego ayuu halkiisa ku dhintaa. Mariidka muddo yaalay waxaa la yiraahdaa “qoqob”, waana yara adkaadaa, degdegna ugaarta uma dilo (Ka soo xigtay Buugga qalinjabinta Jaamacadda ee C/raxiim M. Axmed Mursal, 1986. Bogagga 31-34).

    [13] Hargaantiguul waa ku xigeenka hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu maamulo herinta haddii hargaantigu maqan yahay oo meelo kale aado ama uu jiran yahay; waxaana magacaabaa hargaantiga. Haddii ugaar la soo dilo, hargaantiguulka wuxuu leeyahay qayb ka yar tan hargaantiga, hargaantiguulkana hogaamiyaa herinta marka ugaarsiga la aadayo.
    [14] Qowse isna waa kaaliyaha hargaantiga, hawshiisuna waxay tahay inuu qeybiyo ugaarta la soo dilo, cid kale ma qaybineyso aan isaga aheyn; qof walbana wuxuu siinayaa inta uu saami u leeyahay. Haddii herinta ay duceysanayso isaga ayaa kariya cuntada, waxaana loo yaqaan kariyaha herinta. Ugaarta la soo dilo wuxuu ku leeyahay qeyb ka yar tan hargaantiga iyo hargaantiguulka. Qowse waa sabajoog oo ugaarsi ma aado.
    [15] Uldhexe waa koox ka kooban qiyaastii 20-30 qof, hawsha badankeedna ayagaa qabta. Waa koox aad iyo aad u tababaran, shaqadooduna tahay ugaarsi kaliya. Haddii ugaar ay soo dilaan, dhammaantood waxay leeyihiin qeyb isku wada mid ah oo ka yar tan Qowse. Haddii qof uldhexe ka mid ah uu xunuunsado qeybtiisa waa loo geynayaa.
    [16] Uunley waa kooxda ugu hooseysa herinta, waxaa ka mid noqonayaa qof kasta oo herinta ku soo biira. Kooxdaan waxaa kale oo loo yaqaanaa “deebaad” oo ah shimbir magaceed, sababta loo yirina waa wax sheegsheegooda oo badan.
    Uunley waa koox ku jirta tababar ugaarsi iyo iney bartaan sharciga u dejisan herinta, taasoo ah kala danbeynta iyo ixtiraamka, waayo waxay u badan yihiin dhalinyaro, caruur iyo haween.
    [17] Tusaale ahaan haddii aan dhawr tuduc ka soo qaadanno gabaygii Cumar Usteeliyo ee ahaa:
    Adhi waa dhallaan iyo haween dhimiradiisiiye
    Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameede
    Dhaqaalaa haweenkiyo guriaha siima dhaafsana e
    Lo’da dhiiqda laga maala iyo dhayda iyo xoorku
    Dhudhunkay biyaa kula jirtiyo dharabka weeyaane
    [18] Axmed Ibraahim Cawaale, 1912. Dirkii Sacmaallada. Bogagga 50.
    [19] Erayga “madi” wuxuu leeyahay labo micno: mar waa neef kali ah, marna waa neef caano badan leh. Markaan waxaan u adeegsanayaa “sida neef kali ah hase yeeshee caano badan”..
    [20] Waxaa la yiri nin Madhibaan Garaad Gorgaate ah oo walaaltimada xusuusinayay qof Daami (Daame) Gorgaate ah ayaa shirib ku yiri:
    Gorgaate waa isla soo galnee
    Gorkana weysla soo nuugnee
    Halna ha ii gaboy gabooyeen!
    [21] Dhaami Gorgaate ayaa markii danbe isku bedelay Dhaame Gorgaate ama Daame Gorgaate oo isku wada dadkii ah.
    [22] Tusaale waxaa jiraa “Sacad Ogaadeen ah”, “Sacad Wadallaan ah”. “Sacad Biimaal ah”, “Sacad Is-aaq ah”, iwm.
    [23] L.Grenier , P.Antoniotti , G.Hamon , D.Happe. LAAS GEEL (SOMALILAND): 5000 YEAR-OLD PAINTINGS CAPTURED IN 3D. International Archives of the Photogrammetry, Remote Sensing and Spatial Information Sciences, Volume XL-5/W2, 2013
    XXIV International CIPA Symposium, 2 – 6 September 2013, Strasbourg, France
    [24] Axmed Ibraahim Cawaale, 2012. Dirkii Sacmaallada. Bogagga 38, 49, 65 iyo 69.
    [25] Buurtaan Laas Geel, waxaa kale oo loo yaqaan Laas Gaal, maxaa yeelay erayga “geel” iyo “gaal” waa isku macne.
    [26] Sada Mire, 2008. The discovery of Dhambalin rock art site.
    [27] Sar oo af Soomaaliya dhowr macno ku leh, waxaan markaan ula jeednaa macnihiisa ah “Harag”.  Soomaalidii hore haraga waa la xiran jiyay, waxaa laga dedi jiray aqalada waqtiga jiilaalka ah.
    [28] Lee R. B. 1968 and Silberbauer G. B. 1965. Dorre A. S. 1996.
    [29] Guredhaamoole
    [30] Erayga “tuul” wuxuu tilmaamaa meel “wax ku ururaan” ama “lagu ururshay”. Sidaas darteed, “tuulo” waa degaan dad ku urureen oo si joogta ah u deggan yihiin.
    [31] Erayga “magaalo” wuxuu ka kooban yahay labada eray oo kala ah “mag” iyo “gaal”. Isku xirka labada eray waa“mag-gaal” oo ah halka magta geela lagu qaato marka mag la bixinayo. Ogow erayga “gaal” wuxuu la macno yahay “geel”. Sababta kufaarta loogu yeero “gaal”, waa iyagoo sida geela istaagga ku kaadiyo, kaadidana sida habeedda geelo korkooda u gaarto!
    [32] Si’umal wuxuu u dhow yahay erayga Soumahe (ama Soumale) ee Xabashida u taqaanay Soomaalida (Ali Abdirahman Hersi,: Arab Factor in Somali History.  Bogga 27).
    [33] Axmed Ibraahim Cawaale, 2012. Dirkii Sacmaallada. Bogga 125.
    [34] Abtirsiga odaygaas waa: Hiil -Abroone –Waarid-Damar(Dalmar)- Gabal- Saamurre (Samurre)- Kullan- Coomeedle- Koraadle- Kooshin (Kuush)-Haam- NUUX (Calayhi Salaatu Wassalaamu).
    [35] Pantano G. 1914: La citta’ di Merca, Le regione di Bimal”
    [36]  Erayga "Yibir" wuxuu ka yimid labada eray oo kala ah "Yib-ir". Erayga «Yib» waa cayaar sida shaxda ah oo labo iyo toban god leh, erayga raacsan oo "ir" waa erayga afka mayga ah lagu yiraahdo "cir". Isugeynta labada eray ee "Yib» iyo «ir", wuxuu la micno noqonayaa "cir ka shax" ama "cir ka yib". Qofka "cir ku shaxa" ah waa kan ka dheela meel dadka kale aysan ka dheeli aqoonin, oo samadda ka odorasa falka qofka la dheelaya uu rabo inuu sameeyo, ka hor dago sidaasna uga raaya. Maadaama qofka "cir ka shaxa" ama "cir ka yibka" ah aan laga reen jirin waxaa la aaminsanaa inay ayaamo la shaqeeyaan ayaankoodana ka xoog badan yahay ayaanka dadka caadiga ah. Sidaas darteed dadka leh ayaanka "cir ka yibka" ah loogu baxshay "Yibir".
    Yibirta, faalka iyo xidigiska mooyee waxay aqoon u lahaayeen cudurada caruurta iyo haweenka uurka leh ku dhaca, waxayna ahaayeen dad tuftooda iyo ducadooda la barakeysta, gaar ahaan marka qofka uu aroosayo ama ilmo u dhashaan.
    [37] Virginia Luling, 1984. “The other Somalis: Minority groups in traditional Somali Society”. In Proceedings of the Somali International Congress of Somali Studies. Hamburg.
    [38] Ali Abdirahman Hersi,: Arab Factor in Somali History.  Bogga 27.
    [39] Magaca Gabal waxaa waqtigaas loo adeegsan jirey booskii Soomaali, illayn markaas magaca Soomaaliyeed weli ma soo shaacbixin. Xattaa qarnigii 6aad, qoraalkii Cosmos waxaa ku xusan in bariga dhulkoraadka Xabashida uu ku yaalo dal la yiraahdo “Gabal” (Prof C/qaadir Salaad Dhoorre, 1996. Bogga 47).
    [40] Cerulli E. 1958. V.2, bogogga 112-113.
    NEXT ARTICLE Next Post
    PREVIOUS ARTICLE Previous Post
    NEXT ARTICLE Next Post
    PREVIOUS ARTICLE Previous Post
     

    Delivered by FeedBurner