SHEEKO XARIIRTA "WALIWALI WEEYLO BEELYAY, WIILALSE MA BEELIN"!

SHEEKO XARIIRTA "WALIWALI WEEYLO BEELYAY, WIILALSE MA BEELIN"!

"Nin gor cabay garoor ma raadsho"- Gorgaate Hawiye.
Dadka maanta Soomaali u haysta  qabiilo kala duwan oo waxay isku khilaafaan mooyee, waxay ku hishiiyaan lahayn, waa dad aqoon duruqsan u lahayn sooyaalka, xeer-xididka, xeer-xigtada iyo xeer-xigaalka ab, absaxan iyo absuulkayaga ku dhaqmi jireyn, nasiib darase siyaabo kala duwan loo kale weecshey wixii ka danbeeyay burburkii boqortooyinkii Soomaaliyeed iyo faragelintii Gumeysiga Reer Galbeedka oo aaminsanaa in qofka madow uusan lahaan kareyn af, dhaqan, hido, degaamo iyo ilbaxnimo iyaga iskood u dhistay. Haddeyba jirto af iyo xadaarad noocaas ahna, la yiraahdo waa mid Carab ama Yuhuud lug ku laheyd ama xaggooda ka timid. Waxay kale Reer Galbeedka weerar ku ahaayeen Islaamka guud ahaan, gaar ahaan tan Geeska Afrika.
Si looga hortago khatarta masiixiinta Reer Yurub ku haayeen Soomaalida, iyagoo u soo marayo dawladda masiixiga ahayd ee Xabashida, ayaa culumada Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Imaam Axmed Ibraahim Gurey isku dayeen inay ummadda reer guuraaga iyo qodota ad ku mideeyo Islaamnimada, Geeska Afrikana yimaadaan culumo iyo dagaalyahnno Carbeed, kuwaasoo Soomaalida siiyay gacan dhaqaale iyo mid qalabeedba.

Qarnigii 16aad markuu dhamaaday dagaalkii lagula jiray Xabashida, degaanadii Soomaalida ka raacdeysayna u daba-mareen xooladhaqatadii Soomaali Abowda (Oroomada) ayaa Carabtii gacanta ka geysatay dagaalkii Gurey, ku laaban waayeen dadkoodii hooyo, hase yeeshee dantu ku qasabtay inay bartaan afka iyo suugaanta Soomaaliga ah, isla markaasna ka horyimaadaan oo ay bedelaan dhaqankii abtirsiga "Baheed" ee Soomaalida ku dhaqmi jirtay. Haweenka Soomaaliyeed oo cunsur ahaan u dhashey karti iyo dhal-kulaalid aan la qiyaasi karin, waxay waligeed ku noolaan jirtey nolol ay ugu diyaar garowdo inay dhasheeda korsato haddii ninkeeda ka tago, ama safar dheer ka aado, ama la dilo, ama iskiisa u dhinto. Waatii la yiraah "Hooyo waa haad-madow dhasheeda laga taaban". Waxaa hooyo kasto kalsoonidaas siinayay dhaqankii duqeyda iyo duubabka Soomaaliyeed oo dhasha gabdhahooda la toleyn jiray iyadoo lagu saleynayo hal ku dhiggii ahaa:"Caddaba haba dhalee, cadkeygaa dhalay".

Dhaqankaan aad buu uga duwanaa kii Carbeed ee haweenka nolosha ku duugi jirey, halka haweenka Soomaaliyeed ay awood kan ragga la siman lahaayeen, caruurteedana la simanaayeen caruurta walaalaheeda ay dhaleen. Maadaama Soomaalidu lahaan jirin far qoran, dhacdooyinkaan waxay noo soo gaari jireen sheeko-xariir ahaan, qaar sheekooyinkaasna waxay ifafaalo ka bixinayaa sidey arrimahaas sooyaal ahaan u dhaceen. Sheeko xariirta "Waliwali Gumadle Dhaymaale (Dhiinmaale)" taas ayay ka mid tahay.
Developed by Jago Desain