Beesha Axmed Harti ee Uk oo ka hadashey dilkii Bossaso ka dhacey iyo Websites qeybtood oo qorey warar aan xaqiiqo aheyn

UK:  Waxaan marka hore tacsi guud u direynaa dhamaan dadka reer Puntland ee maalin walba lagu hayo xasuuqa arxan-darada ah,waxaan sidoo kale u direynaa qoysaskii maanta ku waayay qeyb-kamid ah ehaladoodi oo ey uugu horeeyaan, Cabdiqaadir Maxamuud Sardheeye iyo Maxamed Maxamuud Toostoosane (Tima Jilic)  iyo ragii iyana dhowaaca loo geystay waxaan lee nahay samir iyo Iimaan Allah ha idin ka siiyo.

 Waxaan la soconaa in-xasuuq  lagu hayo shacabka reer Puntland ee aqoonyahanka ganacsatada Isimada iyo waxgaradka leh waxaa hadaba haboon in-meel looga wada jeesto kuwa aan damiirka Muslinimo iyo Soomaalinimo laheyn ee xasuuqaya indhihii bulshada.

Waxaan ku talineynaa qodobada soo socda:

  •  In-Taageero la siiyo dowlada Puntland iyo Ciidamada amaanka si ey uuga guul gaaraan cadowga ku soo duuley Ummada iyo amaanka Puntland.
  •   Dowlada Puntland waxaan lee nahay waxaa la dhaliilayaa qaabka amaanka aad uu-la tacaaleysaan  sidaa darteed waxaan idin lee nahayfadlan ummada aad masuuliyada u heysaan waxaa xasuuqaya cadow aan u naxeyn ee talaabo cad ka qaada, maalin walba Idaacaha haka sheegina inaad ku raad joogtaan.
  •   Ganacsatada iyo Culumada Puntland waa iney baraarujiyaan bulshada si cadowgu uusan uugu gaban  Diin iyo arimo siyaasadeed waxaan lee nahay Ganacasatooy iyo Culumooy reerkii Bahalo aan waxba deyn baa cunayee ka-kaca meesha
  •  Ugu danbeyn Websites reer Puntland ee qurbaha laga qoro waa ineysan faafin warar aan sal iyo raad toona laheyn amase kicinaya fidno, waa muhimin qofka qoraaga ah uu Allah ka baqo isagoo qaadaya masuuliyad weyn maalinta qiyaamse sidaa darteed waa in-la dhowaraa midnimada reer Puntland.

Ugu danbeyn Puntland khyer iyo Baraawqo Allah ha-siiyo ummadeedana xaqa iyo wanaaga haku duwo.                  

Jaalliyada Ahmed Harti ee Uk
Developed by Jago Desain