Boosaaso: Masuuliyiinta Shirkadda Red Sea oo ka hadlay qaabka lagu sii daayay Markabkii Budhcad-badeedu ka afduubtay

Masuuliyiinta shirkadda Red Sea Petroleum, ayaa xaqiijiyay sii daynta Markab Shidaal u siday oo Budhcad-badeeda Soomaalida dhawr todobaad ugu afduubnaa xeebaha maamul-gobolleedka Puntland.


Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah saamilayda iyo masuuliyiinta shirkadda Red Sea oo xarunteedu tahay Hargeysa oo isagoo ku sugan magaalada Boosaaso khadka Telefoonka ugu waramay Warbaainta  waxa uu faahfaahin ka bixiyay habka lagu sii daayay Markabkaas oo shidaal dhan 3500 oo Metriton u siday shirkaddooda. “Waxa uu 3:30 galabnimo ee maanta ka soo dhaqaaqay Boosaaso, wuxuuna ku soo jeedaa Berbera,” ayuu yidhi Sheekh Xasan. “Sii dayntiisa waxa ka hawlgalay madaxdhaqameedka iyo guud ahaan ganacsatada Boosaaso, waxaanu Markabku beri ku soo xidhan doonaa dekedda Berbera,” ayuu ku jawaabay Xasan Cabdisalaam oo la waydiiyay qaabka lagu sii daayay markabkaas. Wuxuuna intaa ku daray, in hab dhaqan oo Soomaalinimo iyo dhexdhexaadin ay ganacsatada degaanka Boosaaso iyo madaxdhaqameedyada labada dhinac ka galeen siidayntiisa, isla markaana aan lagu sii daynin wax madax-furasho lacageed ah. “Wax madax-furasho ah oo aanu bixinay ma jirto, waanu nabad qabaa oo waxa saaran 17 shaqaale ah oo isugu jira Bangladesh, Hindi iyo afar Soomaali ah,” ayuu yidhi.
Developed by Jago Desain