Buracad Badeed afduubay Dooni Kabaxday Dekada Magaalad Bosaso

Koxahaha buracad badeeda Soomaalida ayaa shalay waxa ay afduubteen dooni ganacsi oo ka baxday Dekada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlada Puntland.
Doonidan ay afduubteen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa ay u rarneyd Ganasato reer Puntland ah waxyna Siday xoolo iyadoo ay kusii jeeday Dalka isutaga Imaaraadka Carabta .
Ciidamada amaanka Xeebaha Puntland ayaa islamarkiiba ka daba baxay afduu bayaasha waxaana ay wararku sheegayaan in ay wali ku raad joogaan kooxihii burcad badeeda ahaa Ciidanka Amaanka Badaha Puntland.
Warbaahinta  oo laxiriirtay Masuuliyiinta Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Bada Puntland si ay faah faahin dheeraad ah uga hesho halka ay wax marayaan balse waa ay ka gaabsadeen kahadalka arinkan
Maaha markii ugu horaysay oo kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ay afduubtaan gaadiid badeed ganacsi oo ka baxay Dekada magaalada Boosaaso, waxaana jirtay Marar hore oo ay dhacday dhadooyin ceynkan oo kale ah Balse ay ciidanka Amaanka Badaha ay ku guuleysteen in ay talaabo ka qadaan

Baargaal.net
Isha Wararka Calbari 
Developed by Jago Desain