Ganacsade Soomaaliyeed oo Si Arxan Daro ah Loogu Dilay South Africa.

Wararka naga soo magaalada Capetown ee Caasimada dalka South Afrika ayaa sheegaya in xaafad ku taala magaaladaasi lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed, kaddib markii goobtiisa shaqo ay ku weerareen afar nin oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo iyagu si xun ugu dilay ganacsadahaasi Soomaaliyeed iyagoo mar kaliya afartooda rasaas kala dhacay madaxa iyo feeraha.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Capetown ayaa Saxaafadda uga warbixiyay dilka ninkaasi ganacsadaha ah, wuxuuna sheegay inuu goob ganacsi ku lahaa xaafad lagu magacaabo Klija kana tirsan isla magaaladaasi, waxaana weeraray afar nin oo dalka S/Afrika u dhashay kuna hubeysnaa bastoolado.

Goob joogaha waxa uu sheegay in kooxaha weeraray ganacsadaha Soomaaliya u dhashay ay mar kaliya madaxiisa ku kulmiyeen afartii bastooladood ee ay wateen xilli uu ninkaasi ka soo baxayay goobtiisa ganacsi, wuxuuna sheegay in qaabka loo dilay ay tahay mid si weyn ay uga naxeen Soomaalida ku sugan magaalada Capetown, iyadoo muddo shan daqiiqo ka badan ay xabado korkiisa ku ridayeen marxuumka geeridiisa kaddib.
Daqiiqado kaddib waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamada Booliska Dowladda K/Afrika, kuwaasi oo bilaabay inay baaritaano ku sameeyaan sababta keentay dilka ganacsadaha Soomaaliyeed, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilka u geystay ganacsadaha dhintay.
Baargaal Media

Developed by Jago Desain