Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo waxkastoo Maskaxdayda Kusoo Dhaca !!

Qaar wali waxba ma arkaan oo qabiilka ayaa indhaha ka xiray, qaarna Xaqiiqada ayay isku dayayaan in ay duugaan oo Wax aan jirina  garab siiyaan ,xaalka uu waqtigan ku jiro Degaankeenu  wuxuu ka Horyimaaday oo lid ku noqday waxkasta oo wanaagsan.

      
Maqaalo badan oo aan ka akhriyay Shabakada Raascasayrmedia ayaan la yaabanaa muddo Dheer waxaana garan waayay ujeedada  ay ula jeedaan qoraalkaas isku dirka ah iyo gobaabada dagaal

Teer  iyo burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa sanad walboo ka danbeeyey jirey durbaano ay garaacayaan dad dano gaara leh dadka soomaaliyeedna gaar ahaan Reer Bari  oo ah shacab  aan horay u soo maqlin Una soo Arag  Sheekooyinkaas way ka daba sacabiyeen,ololahaas  oo mashxarad la garab istaageen  danaystayaashaas la magacbaxay mnagacyada Maamul Goboleedyada macmacaan oo soomaalida oo Dhan  wada sidato

Mudo yar ka dibna Waxaa soo shaac bacxay In Shacbigu Badankiis ka dhiidhiyo ,oo waxay ku hungoobeen alalaaskii iyo mashxaradii hiyi kaca ahaa ee xambaarsanaa qaab qabiil oo ay danaystayaalka ku taageerayeen,kadib markii colaad iyo dhiig daata maahane wax hurumar ah oo kale ay dhaxliwaayeen,

waxaa taas markhaati u ah in dadka iyo shacabka Degaanada Calbari  inta badan ay yahiin dad aan aragti fogeyn waxaad arkaysaa marmar labo shaqsi oo aad moodo inuu dagaal ba,an oo kululi ka dhaxeeyo oo aad isleedahay xaaladoodu waa fogaatey kuwaan, oo mudo gaaban dabadeed aad arkaysid ayagoo Xijiga ama Bada Kawada shaqaynaaya oo Saxiimad wada Saaran  .

Aan dib ugu soo noqdo cinwaanka maqaalkayga oo ahaa maxaa ku jaban hadii aan ku hadlo waxkastoo maskaxdayda ku soo dhaca anoo lahadlaayaa dadka dhalinyarada ah ee boggaga u furtay in dad walaalo ah isku diraan oo colaadihii hore inta xal loo heli lahaa kuwo kale abuuraan




Waxaan  usheegaayaa in aanay dani ugu jirin Shacabka degaanadan  meel kasta ha joogaane colaad laga dhex huriyo, xil kastnimo , xumaana in ay tahay in aad dagaal maslaxad moodaan


C/rizaaq Cali
Boosaaso

Developed by Jago Desain