Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari oo xukun ku riday wariye Faysal Boston

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday wariye Faysal Maxamed Xasan (Boston) oo ka mid ahaa wariyayaasha ka howlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wariye Faysal Boston oo muddo 4-maalmood ah ku xirnaa xabisga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa maanta la horkeenay maxkamadda,waxaana lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriirta warbixino ka dhan ah maamulka Puntland oo la sheegay inuu ku qoray bogag internetka iyo eedeymo ay ka mid tahay qaran dumis.

Maxkamdda ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda darajada ee gobolka Bari,wariyayaal iyo laba qareen oo u doodayay wariye Faysal Boston.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa goobta ka sheegay in maxkmadda ay xukun sanad ah ay ku riday wariye Faysal Boston islamarkaana ay cuskanayso qodobada 219 iyo 215 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo inuu racfaan ka qaadan karo xukunka.

Qareenada Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan iyo Maxamed Cabdi Gurey Madoobe oo ahaa labadii qareen ee u doodaysay wariye Faysal Boston ayaa goobta ka sheegay in qodobada ay soo bandhigtay maxkamadda aysan ahayn kuwa ku taxaluqa arimaha saxaafadda,balse ay yihiin kuwa ka hadlaya arimo ku saabsan waxyaabo waxyeelaynaya qaranka,kuwaasi oo uu sheegay inaysan ku jirin dambiga lagu soo oogay wariyaha.
Developed by Jago Desain