Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Beesha Cali Saleeban ee Yurub

Qurbajoogta beeshu waxay ku kulmeen magaalada Stockhom 15-17ka bisha Luulyo, 2011. Shirkan oy abaabuleen kooxda Sweden, kana soo qaybgaleen ergooyin ka kala socday Norway, Finland, Holland/Belgium iyo Boqortooyada Dalka Ingriiska,

Ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno leh rag iyo haween, kana kooban dhallinyaro, shaqaale, maamulayaal iyo aqoonyahan. Dhammaan xubnahaasi iyaga oo dareensan xilalka kaga aaddan horumarinta qurbajoogtooda ku soo biirtay deegaammada kala duwan ee dalalka Yurub, ee dareensan in ku negaanshoodu u baaahanyahay halgan la-qabsi iyo ka faaideysi nolosha iyo fursadaha aqooneed iyo farsamo ee bulshooyinkaasi hodonka ku yihiin; isla markaasne dareensan kaalinta kaga aaaddan dalkoodii Somaliyeed, degaankooda Puntland iyo bulshooyinka ay ka soo jeedaan; dareensanna duruufaha adag ee soo food-saaray, kana danqanaya saameynta ay ku leedahay xaalad-nololeedka ummadda;

Iyagoo oo taageeraya go aamadii ka soo baxay shirkii Dubai, iyo kii waqooyiga Ameerika, oo garwaaqsanayana sababihii keenay, ayey si mideysan u soo saareen bayaankan:

A.     U HAWLGALKA NABADDA IYO HORUMARINTA BULSHADA 

Si looga taabba-Geliyo nabad waarta, deegaamada ay colaaduhu ka ooganyihiin, waa in dawladda iyo beelaha dakanuhu dhexyaal, qaadaan tallaabooyin dhalin kara kalsooni iyo heshiis dhaxal-gal ah, iyadoo lagu dhaqaaqayo hawl-gelinta qodobadan hoos ku taxan:

1.      Xoojinta Nabadda iyo Joogteynteeda

Waxay xubnaha shirku ugu baaqayaan dawladda Puntland, maamulka gobolka Bari iyo isimada iyo odayaasha iyo waxgaradka bulshada in si degdeg ah oo mudnaan leh, loo soo af jaro colaadaha ka ooggan deegaamada kala duwan oy ugu horreyso midda manta ka taagan gobolka Bari ee beeshan saameysa, kuwaas oo xasillooni la aan iyo cawaaqib-xumo badani ay ka dhalan karto. Waa in dhammaan maamul iyo bulshoba,  culimada, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo shicibkuba ay siiyaan ahamiyadda iyo mudnaanta ugu weyn sidii deegaamadaas iyo bulshooyinkooda ay nabad ugusoo dabaali-lahaayen, dibna u soo celinlahaayeen wada noolaanshihii iyo is-dhexgalkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay bulshooyinkaas walaalaha ah. Si loo abuuro nabad waarta, waxa loo baahanyahay u hawlgal ay hormuud u yihiin dhaqan-gelinta labadan hadaf ee lama huraanka ah:

i.    Soo Af-Jaridda Colaadda: Waa in si degedeg ah loo xalliyaa dakanaha ka dhex-ooggan beelaha walaalaha ah, dawladduna uga qaybqaadataa si dhab ah, iyadoo taageeraysa garranka xaqa ah, oy si-wadajir ah u wadaan beelaha walaalaha ah, isla markaasne dawladdu u qorsheyso miisaaniyad taakuleysa dadaalkaas nabadeed ee beeluhu ku hawllanyihiin. Sidoo kale, waa in dawladdu xoojisaa amniga, si ay u joojiso dilalka qorsheysan, Xubnaha shirku waxay baaq xambaarsan xoojinta nabadda iyo deris-wanaagga u fidinayaan dhamman beelaha ay walaalaha yihiin oy derisnimo iyo degaanba wadaagaan.

ii.   La Dagaalanka Saboolnimada oo Badi-ahaan Saldhig u ah Hurinta Fidnooyinka: Deegaamadaas colaaddu ka ooggantahy, waa kuwo aad uga liita xagga adeegsiga ilaha kala duwan ee saameeya noloshooda, sida baadka xoolaha iyo biyaha, kuwaas oo ugu badnaan sabab u ah isku-dhaca bulshooyinkaas. Si taas looga hortago, waa in laga abaabulaa deegaamada colaaddu saameysay, mashaariic horumarineed, iyadoo arrinkaas si mudnaan leh loo tix-gelinayo. Sidoo kale waa in wax laga qabtaa aqoonla aanta, caafimaad xumida, nafaqo darrada, biya-la aanta iyo waddooyin iyo gaadiid la aanta haysata bulshooyinkaas iyo deegaamadaas.

2.      Daryeelka Xuquuqda Beelaha

Waxay xubnaha shirkani ugu baaqayaan bulsha weynta Puntland iyo maamullada ka jira iney u hawlgalaan baahinta, fulinta iyo ku dhaqanka nidaamka dimoqradiga, kaas oo lama huraan u ah bulshaweynta Puntland. Hase yeeshee waa in nidaamkaas siyaasiga ahi ku saleeysanyhay sinnaan iyo caddaalad ku baahda deegaan kasta ee ka mid ah Punland, kana dhaliya dalka nabad, horumar iyo maamul hufan.  Xubnaha shirkani iyaga oo aaminsan marinkaas siyaasadeed, ayey beeeshooda ugu baaqayaan in si ku saleysan nabad iyo wada-garran siyaasadeed ugu mitiddaan helidda qaybta ay xaqqa u leeyihiin, ee la xiriirta dhismaha dawladeed iyo maareyntiisa, una halgamaan sidey u heli-lahaayeen kaalinta ay ka mudanyihin golayaasha dawladda ee kala duwan, ha noqdeen kuwa sharci-dejinta; kuwa cadaaladda iyo kuwa fulinta ee u xilsaaaran maamulka dawladda ha noqdo mid sare, mid gobol ama mid degmo. Taasi waxay ku iman-kartaa in la sameeyo abaabul iyo hoggaamin mideysan iyo qorshayaal dhaxal-gal ah ee loo dhanyahay.  Dhanka kale waxay xubnaha shirkani dawladda Puntland ku boorrinayaan iney ciddii tabanaya ku xadgudub xuquuqdooda, sida beeshan, u fidiyaan wada tashi daacad ah iyo wada Garran lagu saxayo khaldaadka, loogana hortegayo wax kasta oo curyaamin kara islaaxa bulshada, nabadda iyo horumarka, kuwaas oo badbaado u ah dawladda Puntland iyo ummaddeeda oo dhan.

3.      Xoojinta Maamullada Degaamada iyo Kaalintooda Nabadeyn

Xubnaha shirku waxay dareensanyihiin in haddii la rabo in la abuuro nabad iyo horumar bulsho ee dhaxal-gal ah, ay tahay lama huraan in la xoojiyo sarana loo qaado maamulada degaamadaas. Markii la helo maamul ku saleysan aqoon ayey suurta gelaysaa in abaabulka iyo daryeelka bulsho la fidiyo, iyadoo la kordhinayo tirada iyo tayada xarumaha iyo ilaha daryeelada bulsho, sida qodidda ceelasha, nabad ilaalinta, dugsiyada, isbitaalada, jidadka, I.W.L.

4.      Taageeridda Horumarinta Daryeeelka Bulshada ee ku Wajahan Deegaamada Durugsan

Qurbajoogta beesha ee shirkan isugu timid, waxay bogaadiyeen xubnaha jaaliyadohooda ka tirsan, ee ka qaybqaatay mashaaric laga fuliyey deegaamadaas, ha noqoto deeq-bixin, farsam-geyn ama  taageerid barnaamijyo horumarineed ee yaryar. Waxay xubnuhu ballan qaadeen in ay isu taagaan sidii loo abaabuli lahaa, loogana qaybqaadan-lahaa fulinta mashaariic horumarineed, xagga biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo hawlaha kale ee bulshada nolosheeda iyo jiritaankeeda saldhigga u ah.  Si horumar arrimahaas looga gaaro, waa in la mideeyaa qorsheynta barnaamijyadaas, iyadoo arrinkas loo adeegsanayo Jaaliyadda Wadajir, laguna saleeynayo ka-qaybgal bulsho-deegaan oo tayo leh, taas oo aakhirka ku saleysnaandoonta fikradda ah:  Iskaa-wax-u-qabso  iyo  Isku-fillaansho , gaar ahaan dhinacyada maalmulka iyo joogteynta mashaariicda. Waa in jaaliyadaha kala duwan iyo isu-duwidda iyo abaabulka laga filayo Jaaliyadda dalladda ah ee  Wadajir , si iskashi ku-saleysan u abaabulaan sannadkii ama labadii sanoba mar mashaariic kooban oo tayo leh, oo lagu xulay mudnaanta ay bulshada u leeyihiin. Waxay xubnaha shirku ugu baaqayaan degaamadaas, bulsho iyo maamul dawladeedba, iney ka qayb-qaataan qorsheynta iyo maal-gelinta mashaariicdaas taas oo ah xil waajib ku ah, iyagoo siinaya taageero buuxda, masuulna ka noqdaan fulintooda iyo maamulkooda.

5.      Dhisidda Jidka Isku Xira Qandala iyo Boosaaso

Ka qayb-galayaasha shirku waxay dareemeen dhibaatooyinka ay maalin kasta soo-foodsaara bulshooyinka ku sugan deegaamadaas durugsan ee la xiriira jid-xumida iyo gaadiid la aanta, taasina sabab u noqotay dib-u-dhac saameeya beelahaas. Waxay xubnaha shirku ugu baaqayaan maamulka dawladda dhexe iyo tan gobolka, isimada, ganacsatada iyo hogaamiyayaasha kale ee bulshada in si wada jir ah Waddada isku xirta Qandala iyo Boosaaso ee xeebta Gacanka marta laga dhigo jid gaadiidku mari karo, laguna daro mashaariicda haya daha caalamiga ah lagala kaashanayo.  Sidoo kale, waxay xubnaha shirku ugu baaqayaan qurbajogta in marka ay dalalka ay ku noolyihiin u bandhigayaan mashaariic iskaashi, jidkan ay siiyaan tixgelin gaara ah.

T.        GURMADKA ABAARAHA IYO BARA-KACA DADKA SOOMALIYEED

Xubnaha shirku iyaga  oo ka tiiraanyeysan abaaraha iyo bara-kicidda saameysay ummad badan ee Soomaliyeed, ahna abaartii ugu cuslayd 60kii sano ee na soo dhaafay, iyagoo dareensan dhimashada aan xadka lahayn iyo qaxotiga iyo hayaanka ka dhashay aafadaas, waxay ugu baaqayaan dhamman ummada Soomaliyeed meel kasta oy joogaan dalka iyo dibeddaba iney gargaar u fidiyaan walaalahooda tabaaleysan si loo badbaadiyo noloshooda. Waxay sidoo kale ugu baaqayaan bulsha-weynta adduunka in loo gurmado goboladaaas  oo lala-gaaro tageero iyo gargaar si ay u helaan gurmadka ay xaqqa u leeyihiin.

J.         DARYEELKA DANAHA QURBAJOOGTA IYO KOBCINTA MASUULIYADDOODA WADDAN

1.      Ku Negaanshaha, wax-la-Qaybsiga iyo ka Faaideysiga Bulshooyinka Dalalka ay ku soo Bireen

Xubnaha shirku iyaga oo qiraya in qoys kasta ee qurbajoogta Somaaliyeed ka mid ahi,  ku hammiyo mar-kasta ku noqoshada dalkiisa hooyo, ayey misana ku boorinayaan xubnohooda iney ku dadaalaan sidey u aqbali-lahaayeen xaalad nololeedka dalalkooda cusub, uguna faaideysan-lahaayeen horumarka aqooneed, farsamo, abaabul iyo daryeel bulsho oy gaareen waddamadaasi, carrurtoodana sidaas ku barbaariyaan, iyaga oo dhaqankooda Islaamiga ah ilaashanaya, isla markaasne u taabba-galaan sidii ay uga abuuri lahaayeeen dalakaasi iskaashiyo waxtar u noqon kara dadkii, dalkii iyo degaamadii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya.

2.      Xoojinta Dhismaha iyo Maamulka Jaaliyadaha Beesha ee ka Dhisan Dalalka Yurub

Ka qaybgalayaasha shirku waxay dhidibada u aaseen xoojinta jaaliyadaha beesha ee ka abbuuran dalalka kala duwan ee Yurub, kuna booriyeen in dalaka aan wali yagleelin jaaliyadohooda ay sida ugu dhakhso badan u abuuraan. Waxa xubnuhu jaaliyad kasta u tilmaameen, iney si dhaxal-gal ah ugu adeegaan midnimada, danaha iyo xilalka loo doortay, iyagoo sameysanaya qorshe sannadeedyo ay ku qeexanyihiin hadafyada iyo natiijooyinka fulinta barnaamijyada ay ku heshiiyeen.

3.      Mideynta Abbabulka, Xiriirinta iyo Is-Kaashiga Jaaliyadaha 

Waxa xubnaha shirku isku raaceen in loo baahanyahay abuuridda jaaliyad xiriirisa jaaliyadaha beesha ee ka diiwaangashan dalalka Yurub, taasoo u hawlgelaysa isu-duwidda dareenkooda bulsho-dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed  iyo  hawlohooda iskaashi, si ay u dhaliyaan natiijooyin taabba gal ah, isla markaasna wax la qabsadaan jaaliyadaha iyo ururada ka dhaqan galay dalka Soomaliya guud ahaan iyo Punland gaar ahaan, iyo jaaliyadaha iyo ururada beesha ee ka dhisan dalalka kale. Dalladdaas waxa loogu magacdaray  Jaaliyadda Wadajir  taas oo si loo dhanyhay loo abuuray, loona sameeyey guddi u hawl-gala ee ka kooban: saddex xubnood ee dalka boqortooyada Ingriiska, laba xubnood ee dalka Sweden iyo xubin dal kasta ee reer Yurub ah oo Jaaliyad beeleed si rasmi ah uga dhisantahay, sida Norway, Holland, Finland iyo Boqortooyada Ingriiska. Xubnaha loo doortay  Jaaliadda Wadajir  waxay hawsha si ku meelgaar ah u wadayaan hal sano, iyagoo daboolaya baahida degdegga ah, kaddibna jaaliyadaha ayaa xubnohooda si toos ah u soo doorandoona. Waxa jaaliyadda Wadajir laga sugayaa isku hawlidda abaabulidda jaaliyadaha iyo ku baraarujinta fulinta ahdaaftooda; isku dubba-ridka barnaamijyadooda horumarineed iyo wax wada-qabsi ay yeeshaan jaaliyadahaasi, si natiijooyin waxku-ool ahi uga dhashaan.

4.      Abaabulidda iyo Qorsheynta Iskaashi ka Dhexeeya Jaaliyadaha Qurbajoogta iyo Dalalka Yurub ee Lagu Raadinayo Mashaariic ka Hirgeli Karta Deegaammada Dalka 

Iyada oo laga faaideysanayo qawaaniinta soo jireenka ah, ee ka dhaxal-galay dawladahan Yurub ee ku saleysan iskaaashiga adduunka iyo u fidinta taageero dalalka soo koraya, iyo dhiiri gelinta dalalkaasi siiyaan qurbajoogta yeelata abaabul rasmi ah, leh karti qorsheyn mashaariic, ogolna iney dhaqaale kaga qaybgalaan horumarka dalalkoodii hooyo, iney suurta gal tahay in dawladahaasi taageero ugu deeqaan mashariicdaas. Jaaliyadaha qurbajoogta ee beeshu waa iney haddaba ku dhaqaaqaan sidii is-kaashiyo iyo barnamijyo noocaas ah ay u qorsheyn lahaayeen, kaalmadaas suurta galka ahna uga raadin lahaayeen dalalkaas. Waxay xubnuhu ugu baaqeen dhammaan qurbajoogta, iney iska kaashadaan abaabulka iyo diyaarinta mashaariicdaas, kana qaybgalaan taabba gelintooda iyo hubinta natiijooyinkooda waxtar.

5.      Abuuridda Nidaam ka Tarjuma Dareenka iyo Baahida War is Gaarsiinta Jaaliyadaha

Si loo xoojiyo nidaamka isgaarsiineed iyo is weydaarsiga dhacdooyinka, waxa loo baahanyuahay in la abuuro ilo-warfaafin oo aqoon iyo talo la isku weydarsado, tilmaamayana hadba meesha waxqabadka iyo saadalinta mustaqbalka jaaliyaduhu marayo, iyo khibradaha laga helo hawlgalka iskaashiga iyo fulinta mashariicda. Waxay xubnuhu isla garteen in dadaalka loogu jiro abburista ilahaas war-baahin la iska kaashado, laguna dadaalo sidii loo meelmarin lahaa.

Xubnaha Shirku waxay mahad ballaaran iyo qadarin u dirayaan dhammaan maqaawiirtii beesha ee wararka iyo talooyinka wax ku oolka ah u soo gudbiyey intii shirku socday, kuwaasoo dareen iyo xog-ogaalnimo dheeri ah ku soo biiriyey golaha.

Waxan Ilaahay ka baryaynaa inuu tubta toosan na solonsiiyo

Dadka kusaxiixan baaqaan:

1.      Dr Khaliif Bile
2.      Mire Maxmed Ciise (Mire Madoobe)
3.     Mahad Xaaji Abdulaahi Beeldaaje
4.      Farey Abdi Caris
5.      Abdirsaaq Sheekh Aduun
6.     Laylo Abdi Artan
7.      Abdi Gujir Adan
8.      Maxmed Abdulaahi Saciid Beeldaaje
9.      Qamar Adan Ali
10.  Ubah Maxmed Faay
11.  Maxamuud Cismaan
12.  Nuux Khallif Dawaca-Qabad
13.  Dahabo Abdirahmaan Saciid
14.  Maxamuud Osmaan
15.  Saciid Faarax Dalmar
16.  Ducaale Maxmed Shire
17.  Abduwahaab Maxmed Muumin (Abdi Khaliiji)
18.  Maxamed Faarax Dhuubane
19.   korneyal Abduqadir Axmed
20.  Farax Yaasin Dalmar
21. Deeqo Abdirixmaan Saciid
22.  Mahad Mire Jaamac
23.   Warsan Faarax Dalmar
24.  Ismaciil Saciid Abdulaahi Hogoto
25.  Ayaanle Saleebaan Saciid ( Saxafi)
26. Xasan Maxmed Saciid
27.  Abdirashiid Ciid Osmaan
28. Ali Xaaji Ismaacil Beeldaaje
29.  Cumar Artan Mire
30.  Ibraahim Maxmed Xasan
31.  Yuusuf Bootan Caris
32.  Abdilaahi Idirs Artann
33.  Cukur Artan Mire
34.  Naciima Maxmed Galan
35.  Xaawa Saalax Maxamuud
36.  Xayaad Maxamed Galan
37.  Khatra Abdi Xabad
38.  Farxiyo Abdi Xabad
39.  Abdi Saalax Maxamed
40.  Maryan Maxmed Shire
41.  Sulymaan Maxmed Galan
42.  Mahad Saalax Maxamed
43.  Saytuun Ali Artan
44.  Sheekh Maxmed Muuse Beeldaaje
45.  Sheekh Abdirahmaan Axmed
46.  Cayduruus Maxmed Galan
47.  Abdirisaaq Cumar Casaawe
48.  Farxiya Faarax dhuubane
49.  Farxiyo Ali Adan
50.  Faadumo Ciise  waaberi
51.  Sahra Cawil Aw-Qasin
52.  Basro Colaad xirsi
53.  Abdixakiin Cawale
54.  Madiina Maxmed Muumin
55.  Saciid Muuse Maxmed
56.  Abdisalaan Adan Ismaaciil
57.  Abdirisaaq Daahir Xassan
58.  Abdi Mursal Maxamuud
59.  Shiine Faroole
60.  Samsam Maxmed Unlaaye
61.  Suwayas Maxmed Unlaaye
62.  Ibraahim Maxmed Xassan Beeldaaje
63.  Maxmed Saciid Jamac
64.  Juba Axmed Muumin
65.  Muuse Saciid Salaax
66.  Ahmed Mahamed Saciid
67.  Ibrahin Mire Haji Sacid
68.  Dahir Shekh  Maxamud
69.  Ahmed Shire Mahamed
70.  Muqtaar Said kashawiito
71.  Musa Sicid Salah
72.  Siciid Yuusuf Salah
73.  Towfiiq Yuusuf Salah
74.  Abdulqadir Abdulahi Artan
75.  Maxamed Axmed Indha Gureey
76.  Faysal Siciid Salah
77.  Abdulahi Dhoobeeye
78.  Xassan Mahamd Xaaji Saciid
79.  Hodon Abdulahi Shanle
80.  Salaad Saalax Dharaar
81. General Gaani Maxamed Abdi
82.  Abdisalaan Axmed Ibraahim Indha Gureey
83.  Faarax Madaxeey
87.   Sheekh Abdirashiid Cumar Saciid
88.  Mahamud yuusuf dheere
89.  Abdinasir ali salah
90.  Salad Ismaciil Ahmed
91.  Hanad Farah Maxamed
92.  Fahmo Saciid
93. Abdala Xusseyan Cabdi
94  Ismail Sicid Abdulahi
95  Casha haji ismail beldaje
96  Cumar Cartan Mire
97  Abdirisaq Cumar Casawe
98  Ayan Abdulahi Sicid bedaje
99  Canab Cali cartan
100  Faduma Abdulahi Sicid Beldaje
101 Casha Jamac Yusuf
102 Safiyo Maxamud Yusuf
103 Ruqiyo Abdulahi Sicid
104 Abdiasis Cartan Mire
105 Amaal Maxamud Sicid Shabel
106 Sicid Abdulahi Ali Hogato

Wallahu weliyu Towfiiq


Shabakada  Baargaal.net
webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain