Erdogan “Xaaladda Soomaaliya Waa La Isku Imtixaamayaa”

Raysalwasaaraha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan oo maanta booqasho taariikhi ah ku yimid Caaismadda Soomaaliya ee dagaaladu la dageen 20-kii sano ee u danbeeyey. Kadib markii uu booqasho ku soo maray qaar kamid ah xeryaha ay ku jiraan dadka macaluushu haleeshay isla markaana indhihiisa ku soo arkey xaaladda ka taagan halkaas, ayuu shir saxaafadeed wada jir ah la qabtey Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Sahriif Shiikh Axmed. Raysalwasaaraha Turkiga ayaa makhribnimadii Jimacada dib uga dhoofay magaalada Muqdisho.


Erdogan ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay tahay mid lagu tijaabinaayo qiyamka nolosha reer galbeedka.

“..Xaqiiqdii waxa ka taagan Soomaaliya waxay imtixaan u tahay nolosha casriga ah ee maanta, waxaana la eegayaa in adduunku imtixaankaas ka baxo oo ka guuleysto. Waxaan u dhawaaqayaa dadka oo dhan mid mid. Waxaan la hadlayaa waalidka ku nool dhanka shishe ee dunida. Fadlan ha ilaawina xaqa ay caruurtiinu idinku leedahay, kuwaas oo farxad ku ciyaaraya xadiiqooyinka idinku dhaw, ogaada caruurta halkan joogtaana xaq ayey u leeyihiin. Hooyooyinka iyo Aabayaasha Soomaaliya tiiraanyo iyo murugo ayey dareemayaan. Waa xaqiiq, waxaana macquul ah in aan demin karno dabkaas baxaya. Turkish ahaan ma sugeyno waxa dunida kale ay leedahay….” ayuu yiri Erdogan.
Erdogan oo wata hadalkiisa ayaa yiri:
“Waxaan la hadlayaa dalkeygi Turkiga, aniga oo halkan jooga, waxaa jirta hadalo nuxnux iyo xan ah. Waxay leeyihiin muxuu halkaas ka dooney oo ka samaynayaa, iyada oo dadka Turkigaba fakhri ka buuxo?, Waxa aan ku adkeynayaa in ay yimadaan Soomaaliya oo ay arkaan xaaladda ka taagan halkan.

“…Waxaan ogahay in Soomaaliya ay soo wajahdey maalmo adag, bilo ama sanado. Waxayna weji ka weji u qaabileen Macaluul iyo Abaaro. Waxaan aragney Xeryaha ay ku jiraan dadkaasi, waxaana jira xerooyin kale oo aan arkeyno shirkeena kadib. Dadku waxay la tacaalayaan xaalad aad u adag. Si aad ah ayaan uga murogooney in aan aragno xaalad cayn kan oo kale ah gaar ahaan caruurta yar yar ee dhibaateysan.

“…Waxaan hadda ka hor booqdey Daafuur oo dhibaato ka taagneyd, laakiin wixii aan ku arkey waxaa i hilmaansiiyey midda ka taagan Soomaaliya….”
Raysalwasaaraha Turkiga oo hadalkiisa ay ka muuqatey tiiraanyo iyo murugo ayaa yiri:
Waxaan halkan u joognaa in aan maqalno codkiina, si dhawaansho ah. Halkan ayaan ku joognaa, Xildhibaano, Ganacsato, Fanaaniin iyo Hay’addo aan dawli ahayn NGO. Waxaan rabnaa in aan codkiina u gudbino caalamka, Xaqiiqdii arrintani maaha mid u taala Turkiga oo keliya waa mid u taala caalamka oo dhan. Laakiin Turkish ahaan waxaan halkaan ku matalaynaa sidii aan adduunka cid kale ku nooleyn.
Ugu danbeyntii Raysalwasaaraha Turkiga ayaa u balan qaadey dalka Soomaaliya taageero dhinacyo badan isugu jirta, waxa uu balan qaadey dhismayaasha waddooyinka bur-buray, qodida Ceelal biyo, iyo dhismayaasha Isbitaalo dadka lagu daweeyo, sidoo kale waxa uu balan qaadey in dhanka waxbarashada iyo caafimaadkaba ka taageri doono Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna shirka ka hadley waxaana hadalka Madaxweynuhu u badnaa mahadnaq iyo abaalka Soomaali maanta u hayso dalka Turkiga ee muujiyey walaalnimada, kadib markii ay Soomaali badan soo wajahdey Macaluul, Cuduro, Abaar iyo Colaad oo aan weli qoriga degta laga dhigin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in raysalwasaaraha Turkiga ay isku waafaqeen sidii dib loogu habayn lahaa dhamaan mua asasaadkii dawliga ahaa ee ku bur-burey dagaaladda si Dawladdu ay shacabka ugu adeegto, waxaana uu ku tilmaamey fursad dahabi ah oo loo baahan yahay in laga faa’ideysto.
Raysalwasaarha Turkiga iyo wefdigii uu hoggaaminaayey ayaa makhribnimaddii maanta (Jimce) dib uga dhoofay magaalada Muqdisho kadib safarkoodi qatey 10-ka saac.


Isla maanta waxaa laga furey Mudisho Safaaraddii Turkigu ku lahaa dalka Soomaaliya ee xirneyd 21-dii sano ee la soo dhaafey, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa Arabacii ku dhawaaqey in safaraadaas la hawlgelinaayo si ay u fududeyso xiriirka labada dal.
Dhanka kale waxaa lagu wadaa in Turkigu hoggaamiyo ciidamo gaar ah oo ilaalin doona gar-gaarka loo wado dadka tabaaleysan ee Koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Booqshada Raysalwsaaraha Turkiga ayaa ah mid indhaha caalamka ku soo jeedineysa dalka Soomaaliya ee loogu yeeri jirey Dawladdii Khasaartey.

Baargaal Media
Developed by Jago Desain