FIFA oo lacag ugu deeqday dadka abaaruhu saameyeen Soomaaliya

Ururka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta ee FIFA ayaa lacag gaareysa 1-milyan oo doolar ugu deeqay dadka abaaruhu saameyeen gudaha Soomaaliya.

FIFA ayaa ku sheegtay in loo adeegsan doono lacagta gargaar deg deg ah oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan 25 kun oo Qoys oo ay abaartu saameysay.Waxaana loo marsiin doonaa lacagtaasi Hay’adda laan qayrta Cas ee ICRC si ay ugu qabto hawlaheeda gargaar ee ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Saddex meelood,hal meel lacagta ayaa loo Isticmaali doonaa in Cuno iyo sidii loo gaarsiin lahaa gudaha Soomaaliya,taas oo loogu talagalay in ay quudiso 25-kun oo Qoys muddo bil gudaheed,labada soo harayna ICRC ayey ka caawin doontaa hawlaha ay ka wado Soomaaliya sida lagu sheegay Website-ka FIFA.
FIFA ayaa barnaamijyadan gargaarka,waxaa ay horey uga soo Caawisay dalal ay kamid yihiin Pakistan,Japan,Haiti,Chile,China PR iyo dalal kala oo badan.

BAARGAAL MEDIA
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain