Kaluumeysato La La'yahay Xeebaha Degmada Baargaal

Waxaa ilaa iyo hada nolol iyo geeri meel lagu sheego la Aqoon Tiro kalumesato ah ka baxay deeganka Raasabina ee hoos timaada degmada baargaal.
waxaa sidaas saxaafada u sheegay mid ka mid ah ehelada kaluumeysatada oo ku sugan baar-gaal oo lagu magacaabo Xasan Cali ,waxaana uu sheegay in dhibaatadan aanay aqoon meel ay u raacaan.
3-kaluumeysato ayaa maqan muddo Soddon Maalmood ah,waxaana baaritaan la sameyay la soo wayay dhamaan saddexdii nin,iyadoona la soo arkay doontii ay wateen oo burburtay.
Arintaasi oo walaac ay ka muujiyeen ehelada dadka bada ku maqan muddada dheer gudaha bada oo xiligan ay ka dhacayaan dabeylo xoogan oo keeni kara in aan socdaal lagu sameyn badda.
“waxa walaac nagu haya in aan la’nahay nolol ama geeri,meelna kuma sheegno,saxiimadiina way burburtay wax aan ku tilmaamno ma naqaano” ayuu hadalkiisa ku yiri Xasan cali.
Ugu danbeytiina maaha markii ugu horeysay oo kaluumeysto lagu waayo xeebaha somaliya kuwaasi oo ku gudajiray howlahooda shaqo,waxaana inta badan kaluumeystada ay ka dhega Adeegaan in ay yareyan ku safrida badda xiligan oo dabeylo xoogan ay ka dhacayan Badweynta.

BAARGAAL MEDIA
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain