Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Garowe

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, xarunta Puntland. Diyaarad waxyar ka hor soo fariisatey intaanu imaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la socdey wefdi ka tirsan Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminaayo Dr.Augustina Mahiga. Waxaa horey ugu sugnaa magaalada Garowe wefdigii Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas kuwaas oo u gogol xaarayey wefdiga Shiikh Shariif.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, kuxigeenkiisa iyo dhamaan xukuumadda Puntland iyo Golaha wakiilada, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Soomaaliya oo magaalada uga soo horeeyey, Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Augistina Mahiga.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qatey cutub ka tirsan ciidanka Puntland, kadibna waxaa loo galbiyey magaaalada Garowe, Madaxweyhana ayaa markii uu soo gaarey kadinka laga soo galo Garowe ama afaafka hore waxa uu ka degtey gaarigii uu saarnaa waxaana uu lug ku dhexmaray wadada dheer ee laamiga ilaa laga gaarayo barxadda caanka ah ee Garowe.

Shacabka Garowe ayaan u kala harin soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana dad badan ay ruxayeen calanka Soomaaliya, dadka qaar ayaa doonaayey in ay si toos ah u arkaan Madaxweynaha oo Garowe dhexlugeynaaya.

Madaxweyhne Shiikh Shariif ayaa booqdey xeryaha ay ku jiraan dadka ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, waxaana uu halkaas kaga dhegaystey qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland iyo dadka ku jira Kaamamkaas xaaladda ay ku sugan yihiin. Madaxweyha ayaa sidoo kale booqdey Isbitaalka guud ee magaalada, waxaana warbixin halkaas ku siiyey Wasiirka Caafimaadka, waxaana uu madaxweynuhu booqdey dadkii bukaanka ah qaar kamid ah.

Shiikh Shariif Ayaa sidoo kale booqdey Wasaaradda Waxabarshada iyo barbaarinta Puntland iyo Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska, waxaana uu u kuurgalay xaaladda waxbarasho iyo weliba daryeelka haweenka iyo caruurta isaga oo warbixno kooban kaga dhegaystey halkaas masuuliyiinta wasaaradahaas.

Ugu Danbeyntii Madaxweynaha iyo wefdigiisi ayaa lagu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Puntland, waxaana ay halkaas ku wada qabteen shir jaraa’id oo ay kula hadleen saxaafadda, Madaxweyhaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo Puntland oo ah qaybkamid ah Soomaaliya, waxyaabaha uu u yimid ay ka mid tahay in Puntland laga raali geliyo ku qabashada shirka wadatashiga iyo dhamaystirka arrimaha qabyda ah ee lagu qabanaayo hadda Muqdisho, waxaana uu sheegay in uu ka codsadey Madaxweynaha Puntland in uu aqbalo cudurdaarkaas kana soo qaybgalo shirka, dhamaana uu ka raaligelinaayo bulshada Puntland, oo markii hore isu diyaariyey soo dhaweynta shirkaas, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya tibaaxey in sababta Muqdisho shirka loogu wareejiyey ay tahay in xaaladdii Muqdisho isbedeshey.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaawo wixii hore, isla markaana laga wada shaqeeyo amniga iyo midnimada Soomaaliya, meelna looga soo wadajeesto kuwa cadoiwga ku ah jiritaanka qarankii Soomaaliyeed.

Shiikh Shariif ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka danbeeya deeqaha Soomaaliya la gaarsiin doono dalka oo dhan oo aysan ku koobnaan doonin meel gaar ah.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa isla maanta dib uga dhoofey Magaalada Garowe, waxaana garoonka u taagneyd diyaaraddii uu ku yimid. Waxaa weli ku sugan magaalada Garowe wefdigii uu hoggaaminaayey Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Baargaal Media Network
Baargaal/Somalia
Developed by Jago Desain