Qaylo Dhaan : Wax barasho La’aan laga Cabsi Qabo Degmada Baargaal Sanadkii 2 aad

Qaylo dhaan ka soo yeertay  Waalidiinta ubadkii wax ka baran jiray Dugsige hoose Dhexe ee Baargaal , Odayaasha , Dhalinyarada iyo qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Degmada Baargaal  u Dhalatay ayaa ka cabanaysa Waxbarasho La’aan soo wajahday Ubadkooda Kadib markii sanadkii lasoo dhaafay la xiray iskuulkii Baargaal oo wax barashadu halkaas ku joogsatay kadib maamul xumo iyo boob iyo dhac lagula kacay agabkii iskoolka oo isugu jira buugaag , kuraas , miisas iwm

Iyo ayadoo aan sanadka Cusub wax rajo ama abaabul ah oo iskoolka dib loogu furaayo uusan jirin , waxaan halkaas ku lumaaya Dadaal Sanadahii lasoo dhaafay loogu jiray sidii loo horumarin lahaa waxbarashada Degmada oo loo gaarsiin lahaa heer dugsi sare

Mid Kamid ah Waliidiinta Ardaydoodu meel Fiican waxbarashada ka Gaarta oo La hadlaaya warbaahinta Baargaal Media ayaa Sheegay in aad uga walaacsanyahay xaalada iskiilka , oo hada u baahan dib u habayn iyo in macalimiin cusub oo heer jaamacadeed Gaaray  oo si quman ilmaha wax u bari kara la keeno ,

Qaylo Dhaankaas ayaa Shabakada Baargaal Media waxay bilaawday Olole wacyi galin ah oo lagu wacyi galinaayo ganacsatada , qurbajoogta iyo odayaasha Degaanka ahamiyada waxbarashada oo ah hawl muhiim u ah dadka kunoool Degmada iyo degaamada la dariska ah qiimo weyna ugu fadhiya  ardayda , hooyooyinka iyo inta jecel hormarinta bulashada  Degmada Baargaal

Dhawaan ayay ahayd markii ay  Socdaal ku yimaadeen Degmada Bargaal iyo degaamada kale ee Calbari  Rag kamid ah Jaaliyadda Dadka Degaanka ka soo Jeeda   oo ka kala yimid Dalalka Ingiriiska ,Norwey  , Sweden oo kamid ah Dalalka Yurub iyo  waqooyiga America  Dalalka afrika iyo carabta waxa ayna Degaanka  u yimaadeen sida ay sheegeen in ay wax ka qabtaan Dhibaatooyin ka jira Gudaha dalka, Gaar ahaan Deegaanada ay ku Abtirsadaan,

Tan iyo wixii ka danbeeyay inta ay faraha la soo galeen arimaha degaanka  Rag Qurbaoog ah oo isbiirsaday waxaana   meesha ka baxay Adeegyadii Bulshada oo ay markii hore Dabooli jireen Rag isxilqaamay inay  isutaagaan  sidii ay u maareyn lahaayeen wax ka qabashada baahida taagan ee Bulshada


Shabakada Baargaal Media oo Codkeeda raacsiinaysa waalidiinta , odayaasha iyo waxgaradka waxay ugu baaqaysaa Dhamaan dadka u dhashay degaanka ee ku sugan Dibada iyo dalka gudihiisaba inay Ka Qayb Qaataan sidii dib loo furi lahaa iskoolkii oo rajadii loogu soo celin lahaa ubadka yaryar ee ay ku adagtahay inay meel kale waxbarasho u doontaan

Waxii talo iyo fakir ah hoos ku diiwaan gali  ama noogu soo dir

Shabakada Baargaal Media
Baargaal @gmail.com
Developed by Jago Desain